9/30/2013

Halaagii West gate


Wiigan waxa la weeraray mall ka West gate ee Nairobi ku yaala.

Dad badan oo ku dhaw boqol ayaa ku naf waayay, dhaawucuna wuu tiro beelay .

Waxa weeraray dablay aan la aqoonsan oo ilaa hada aan si rasmi ah loo ogayn tiradooda iyo cidii hogaaminaysay.
Warar qaar waxay sheegayaan inay qol ka sii kiraysteen dhismaha oo ay 2 bilood daganaayeen.
Wararka qaar waxay sheegayaan inay hogaaminaysay gabadh cad oo la yidhaahdo samanta oo u dhalatay dalka UK laakin ilaa hada war xaqiiq ah lama hayo.
Warbaahin kale waxay farta ku fiiqday inuu hogaaminayay nin la yidhaadho Abu Sandheere oo somalia si nabad ah ugu gudbay.

 West gate mall ka hor dhacdada
Waxa la sheegayaa in qaar ka mid ah dagaal yahanada ay dadkii la badbaadinayay isku dhex qariyeen, iyaga oo dharka soo badashay.
West gate mall oo burburay

Waa runtii weerar hal xidhaale dheer u noqday sirodoonada dunida oo dhan marka laga eegayo sidaan war looga haynin.

Suaalo badan ayay saxaafada kenya is waydiisay oo ay jawaab u wayday waxaana ka mid ahaa qaar uu qoray wargeyska Daily Nation. oo ahaa sidan

1: Siday ku suuuro gashay inaan dhisme sidaas muhiim ugu ahaa dalka Kenya amaankisa aan la iska xil saarin
2: Siday ku suuro gashay in dagaalyahanadu ay helaan hub, bambooyin,iyo qoryo ay ku dagaalamaan afar cisho oo isku xiga.

3: Siday ku dhacday ilaa hada inaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, inta dhimatay inta la qabtay iyo inta baxsatay toona
4: Warar qaar ayaa sheegaya inay bulaacad hoose oo ay sii ogaayeen ka baxeen oo ay si nabad qab ah uga baxeen daartii ay burburiyeen.

5: Siday ku dhacday inay helaan macluuumaad ku saabsan dhismaha iyo qaybihiisa kala duwan


Si kasta oo ay wax u dhaceenba waxa ay fashil wayn ku keentay dawlada kenya oo ay muuqatay daciifnimo laamaheeda amaanka, iyo kartida askartooda oo shaki la galiyay.

Sidoo kale waxay saamayn balaadhan ku yeelan doontaa somalida malyuunka kor u dhaafaya ee ku nool dalka kenya, haday tahay xeryaha qaxoontiga iyo haday tahay xaafada islii.

Weerarada noocan oo kale ah dunida oo dhan si isku mid ayaa looga cambaaraynayaa, iyada oo fuqahada islaamku sheegeen inaanay shaqo ku lahayn islaanimo, hadii cid la weerarayana ay tahay in xeryaha ciidamada la weeraro laakin shacab aan waxba galabsan