12/01/2013

Mudaharaadka Hargeisa

تعبيرات سيد عمر


Shalay mudaharaad wayn oo biyo la'aaneed ayaa Hargeisa ka dhacay siiba qaybta koonfureed.
Biyuhu waa nolosha, noloshuna waa biyaha, qof waayay biyo cid hor istaagi kartaa ma jirto .
Dadku waxay xaq u leeyihiin inay biyo helaan oo loo dadaalo madax iyo ganacsataba.

Mudaharadka dunida 


Sidoo kale dadku waxay xaq u leeyihiin inay mudaharaadaan oo ay cabashooda soo bandhigaan, haday tahay biyo la'aan iyo haday tahay wax kale oo ay tabanayaanba.

Aadamigana cabasho lagama waayo  oo ilaa saacadu dhacayso waa la kala cabanayaa, cabashadu marba meel ayay joogtaa laakiin shalay halkii ugu darnayd ayay ahayd mar hadii wax la cabo la waayay.
Mudaharaad si fiican loo soo agaamisay

Laakiiin waxaan la yaabay dadka reer hargaysa ama guud ahaan somaliland sababta ay mudaharaadka ugu yaqaanaan in wadada dhagax laga buuxiyo,askartana dhagax lala dhaco, taayirana la gubo, gawaadhida  GT ahna la burburiyo.

Shalay xaafada aan deganahay ee Jameeco wayn ayaan arkay ku yar oo askari meel taagan dhagax la gaadaya oo doonaya inuu ku dhufto, waxyar ka hor ayaa askariga oo i garanayay i salaamay iina sheegay inay dadku xaq u leeyihiin inay mudahadaraad salmi ah ku muujiyaan biyo la'aantooda.
Askariga wuxuu igula kaftamay inuu isaga qudhiisu ku sigtay subaxdii markuu wuxuu cabo waayay inuu ku biiro mudaharaadka.
Reer Hargeisa oo wadadoodi ku cadho burburay

Bal adba is waydii akhriste askari yar oo ooman oo meel cidla iska jooga oo taliyihiisii meesha amar ku keenay ma inaad dhagax la dhacdaa mise waa inaad si asluub leh u dhaafto oo aad cabashaada halka ay ku socoto aad gaadhsiiso.

Maalin walba oo mudaharaad dhaco waa dhimasho iyo dhaawac.
Isla reer hargeisa oo wadadii shiday
Waxa kaliya ee sababaana waa askartii dalka oo aan khibrad badan oo lagaga hortago mudaharaada lahayn iyo shacabkii oo askartii uun looga taag la yahay oo dhagax la dhacaya.
Dadka wax noqda ee xabadu wax yeelayso waa la sheegaa laakiin cidna kama waranto inta askari ee madaxa nabaro xun laga gaadhsiiyay iyo   kuwa feedhaha budka lagala dhacay iyada oo la doonayo in laga qaado qoriga.

Waxay ila tahay inay gaadhay wakhtigii aqoonyahanka dalku u guntan lahaayeen in dadka la baro habka loo mudaharaado iyadoo aan dhib la gaysan .
Ururada bulshada rayidka ee ciida ka batay ayay tahay inay dadka habeeyaan oo hadii mudaharaad laga fursan waayay bal inaanu khasaare kale soo jiidin.

Reer Hargeisa iyo gawaadhidihii GT ahaa  maxaa kala qabsaday shalay.

Aduunyadu si macquul ah ayay u mudahaaraadaa badankoodu, inkasta oo la inaga xadaarad badan yahay hadana waxay ila tahay inay gaadhay wakhtigiii  dadka wax loo sheegi lahaa oo askarta iyo shicibku gacanta is qabsan lahayeen, waayo askartu waa laf dhabartii shacabka mana haboona inay cadaw u arkaan.