10/12/2014

Sagootintii shaqaalaha ICAO





Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Sagootisay Toban Shaqaale ah Wax ku soo Baran Doona Kiiniya

“Tobankan dhalinyarada ah waa dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho dibadeed oo xaga duulimaadyada ah loo diro.” Agaasime Cumar Sayid.IMG_5717
Hargeysa (Somaliland.Org) Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa maanta sagootisay toban shaqaale ah oo koorso aqoonta duulimaadyada ah ku soo qaadan doona magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.
shaqaalahani oo hore ugu guulaystay imtaxaan ay hay’ada duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO ay ka qaaday ayaa Wasaaraddu ay u qabatay munaasibada kooban oo lagu sagootinayey taas oo ka dhacday xarunta wasaarada duulista ee Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Cumar Cabdi Aadan (Cumar-Sayid), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Runtii munaasibadani waxa ay daarantahay sagootin aanu ku sii sagootinayno tobankii arday ee ku guulaystay imtaxaankii hay’adda ICAO ka qaaday, imtixaankaas oo ahaa lix iyo toban boos oo Soomaaliya iyo Somaliland la wada siiyey, waxaa xusid mudan in Somaliland ay toban boos ku guulaysatay, oo ardaydani ay imtaxaan kaga soo dhex baxeen kun iyo laba boqol oo qof, oo marka aynu dib u raacno ardaydan taariikhdooda waa ardaydii ka soo baxday dugsiyada SOS iyo Ilays oo taclintana kaalin fiican kaga jiray, oo taariikh wanaagsan ku lahaa, runtii hawshooda shaqaalaysiintu wakhti ayey nagu qaadatay, baasaaboorada iyo fiisayaasha intaanu helaynay, waxaanu halkan warbaahinta uga cadaynaynaa in maalinta Salaasada ay Nairobi u bixi doonaan iyaga oo shaqaale rasmi ah , waxbarasho ay halkaas ku soo qadaan doonaan kadibna ay soo noqon doonaan, oo ay ka hawl galidoonaan madarada dalka.”
IMG_5704
Agaasime Cumar Sayid ayaa sidoo kalena intaasi kud aray “ Hawlwadeenadan cusub ee Nairobi loo dirayaa waxa ay isugu jiraan kuwa la soo barayo Hagida diyaaradaha, xafiiska cimilada iyo qaar loo tababaraayo xidhiidhka, ka wasaarad ahaan aad ayaanu ugu farax sanahay waana horumar weyn oo la taaban karo, afrtii sano ee hore Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay jirtay, waxay ku mashquulsanayd horumarinta iyo casariyeynta dhismayaasha xarumaha dawladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidii bilicda wasaaradaha sare loogu qaadi lahaa, Madaxweynuhuna waxa uu sanadkan Wasaaraddaha oo dhan amray in xirfada iyo aqoonta shaqaalaha sare loo qaado, waxaanay wasaaradayadu iyadoo taas ka duulaysa go’aansatay in tababaro dheeraad ah shaqaalaha loo diro, aqoontoodana la dhiso. duniduna wax ay isku dhaaftaa waa tayada iyo aqoonta ay shaqaalahu ay leeyihiin, tobankan dhalinyarada ah waa dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho dibadeed oo xaga duulimaadyada ah loo diro, waxa ku xigi doona dufcad labaad oo afaratan qof ku dhaw oo loo diridoono dalka itoobiya, wasiirkuna uu todobaadkan soo socda ka war bixin doono, tababaradan waxaanu uga danleenahay in aanu shaqaalaha tayeyno dhismayashan quruxda badan kuwii ku shaqayan lahaa waa iyaga.”
Agaaasimaha Wasaaradda Duulista ayaa sidoo kale hadal dardaaran ah u jeediyey ardaydaasi safarka waxbarasho u baxaysa waxaanu yidhi “ Dhalinyaradani marka ay Nairobi tagaan waxaanu ka rajaynaynaa in ay si fiican wax u bartaan,oo ay xasuusnaadaan in ay wadankooda Somaliland matalayaan, waxaa lala socon doonaa akhlaaqdooda, waxbarashadooda, xil gudashadooda iyo dhaqankooda, safiiro ayaad noqon doontaan, boqolaal ardayna waxbaad la baran doontaan, waxaanu rajaynaynaa in aad sumcada dalkiina ilaalin doontaan, waxa laydin barayana aad wakhti siin doontaan anguna waanu idiin hanweyanahay waanuna idinku kalsoonahay, safar wanaagsan ayaanu idiin rajaynaynaa .” ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.
Tobankani shaqaalaha ee ee loo soo tababaryo Wasaaradda duulista Somaliland ayey hawshooda gacanta ku haysaa hay’ada duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO