2/26/2015

Furitaankii Kuwait Terminal Berbera

Maanta oo ay taariikdhu tahay 23/ Feb/2015 maalin isniin ah waxa si rasmi ah xadhiga looga jaray terminalka cusub ee Kuwait Terminal ee Madaarka caalamiga ah ee Berbera iyo siliga xadka madaarka ku wareegsan oo dhan 12000 M.

Waxa ka dhacday gudaha terminalka cusub xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxweynaha Jamhuuriyada somliland iyo wasiiro, safiiro caalami ah, madaxda hayadaha caalamiga ah , salaadiin madaxda shirkadaha , iyo marti sharaf kale.



Xafladu guud ahaa si qiimo leh oo qaayo leh ayay u dhacday, iyada oo xasuus gaar ah igu lahayd inay tahay markii ugu horaysay ee aan ka hor hadlo dad intaas leeg oo miisaankaas leh iyada oo aan kalmad furitaan ah oo af somali iyo carabi ku baxday aan ka jeediyay.

Galinkii dambena waxaan ka qayb galay ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay labada kooxood ee Xidiga cirka ( Wasaarada Duulista ) iyo Wakaalada Biyaha Berbera.

Waxay ciyaartku dhamaatay 5:0 oo ay kooxda wasaaradeenu ku badisay.

Wuxuu gaar ahaan ii ahaa safar laba cisho ah oo wanaagsan oo aan dad badan oo aan sanad is moogayn ku kulanay maadaama aan ahaa reer Berbera laba sanadood oo aan asxaab badan ku lahaaa