12/09/2015

Qalin jabintii Addis Ababa iyo dafcadii koowaad ee barata ATC


Maalintii Sabtidii 21- November waxaanu ka qayb galnay aniga iyo wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye xaflad qalin jabineed oo ka dhacday Addis ababa oo ay ku qalin jabinayeen 13 shaqaale ka tirsan wasaarada oo dhamaystay tababar ku saabsan Air traffic controllers oo uga socday machadka tabarada duulimaadyada ee itoobiya ( Ethiopian Civil aviation Academy ).
Wasiir faahiye, Deputy DG of ethiopia Shemeliss, Aniga,Ambassador Ayaanle


Waxa tababarkaas ay ku jireen mudo dhan 7 bilood.

Ardaydaas dhamaantoond waxay ku baaseen score ka sareeya 90% iyaga oo aad loo amaanay isku xidhnaantooda, akhlaaqdooda iyo kartidiii ay muujiyeen mudadii tababarka.

Waxa aad u amaanay oo xaflada ka ahaa Guest honor agaasime ku xigeenka guud ee civil aviationka ethiopia Mr shemeliss Kerkeab oo runtii aad nooga mahad celiyay sida wanaagsan ee aanu ardaydaas u soo xulnay iyo sidii aanu uga warhaynay mudadii ay wax baranayeen.




Waxa isaguna mahadaas ka fal celiyay oo afka waftida  reer Somaliland ku hadlay wasiiru dawlaha ahmed nuur faahiye, oo dawlada iyo dadka Itobiya uga mahad celiyay deeqdaas waxbarasho iyo waliba xidhiidhka walaaltinmo ee ka dhaxeeya labada dawladood iyo umadood.






Waxa la igu maamuusay shahaahdo sharaf maadaama aan ahaa focal point kii suuro galiyay arintan iyo juhdigii iyo dadaalkii dheeraa ee aan u galay bixitaanka ardaydan.


Waxay ahayd runtii xaflad qiire galisay qalbiyada dad badan, fartana ku fiiqday awooda qarsoon ee ku jirta dhalinta Somaliland oo aan wali sidii la rabay looga faaiidaysan.


No comments:

Post a Comment