2/27/2016

Xil wareejintii labaad ee wasaarada iyo ka qayb galkii ethio- somailand trade technical consultative meeting


Maanta oo ah Sabti Taariikdhuna tahay 27, bishii Febaury, waxaanu qabanay xafladii xil wareejinta wasiirkii hore ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka JSL cisman cabdilahi saxardiid iyo wasiirka cusub ee wasaarada Cumar Shekh Maxamed Faarax oo ka dhacday hotel ambassador.




Waxay ahayd xaflad xil wareejin aad u qiimo badan, waxaanan ka jeediyay qudbad kooban oo dhinacyo badan taabanaysa.

Markii xafladu dhamaatayna waxaanu u ambabaxay Degmada Berbera, si aan uga qayb galo wada hadalka ganacsiga iyo transitka ee u dhaxeeyay labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland.

( High level consultative meeting between Somaliland And Ethiopia ).

Degmada Berbera waan jeclahay, waxay naftayda ku leedahay xusuuso badan , waa magaalo aan ku leeyahay asxaab tiro beeshay oo madax iyo shacab leh.

Labada cisho ee aan joogayo waxay ii leeyihiin xiise gaar ah, waxaanan kormeer ku soo mari doonaa madaarka Berbera oo aan hada shaqayn oo xaaladiisa u kuur gali doono.





2/24/2016

Waraysigii Dawan

WASAARADDA DUULISTA OO KA HADASHAY SHIRKADO CAALAMI AH OO SOO CODSADAY RUQSADDA DUULIMAADYADA SOMALILAND IYO TALLAABOOYIN AMMAANKA OO LA QAADAY
February 24th, 2016
Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadashay Shirkado Caalami Ah Oo Soo Codsaday Ruqsadda Duulimaadyada Somaliland Iyo Tallaabooyin Ammaanka Oo La Qaaday
Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay qorsheyaasha duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal International Air port  iyo tallaabooyin dhanka ammaanka ah oo lagu soo kordhiyay .
Waxaa kale oo ay Wasaaraddu ka hadashay siyaasadda Wasaaradda ee ah in shirkado caalami ahi ay ku soo xidhmaan Madaarka Cigaal iyo sida ay ahmiyadda u siiso shirkadaha diyaaradaha ee soo kordhaya iyo kuwa hadda dalka ka hawl gala wada shaqayntooda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, oo waraysi gaar ah siiyay xalay Wargayska DAWAN, ayaa intaa ku daray farriin uu u diray dadka Madaarka Cigaal ka dhoofaya taasoo uu ugu sheegay alaabooyin ay mamanuuc tahay in lagala dhoofo Madaarka Cigaal iyo dhammaan Madaarrada kale ee dalka oo dhan.
Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay tallaabooyinka ay qaadeen ka dib markii dhawaan la qarxiyay diyaarad ka kacday madaarka Muqdisho ee dalka nabad-gelyo darradu hadhaysay ee Soomaaliya, waxaanu ku jawaabay  “Horta Madaarradu way isku xidhan yihiin oo dhacdada Madaar kale ka dhacdaa saamayn ayay kugu yeelanaysaa gaar ahaan marka ay ka dhacdo Madaar aad duulimaadyo wadaagtaan Madaarka Cigaal-na wuxuu ku xidhan yahay Madaarrada dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Kenya Itoobiya iyo dalalka Carabta iyo wadamo kale. sidaa darteed dhacdo kasta oo dhacdaa saamayn ayay yeelanaysaa midda kale garoomadu waxay leeyihiin cadaw badan oo beegsanaya diyaaradaha iyo dadka rakaabka ahba markaa waxaa khasab ah in dhibaato kasta oo dhacda oo agtaada ka dhacda in aad wax ka barato tallaabooyin hor leh oo wax ku ool ah isla markaana suuro gelinaya bad-qabka garoonka dadka iyo diyaaradaha loogu adeegayo.
Sidaa darteed, waxaanu soo kordhinay baadhitaanno hor leh oo cusub oo lagaga hor tegayo in ay dhibaato dhacdo taasoo laba qeybood kala ah oo midina ay tahay baadhista dadka iyo alaabta dhoofaysa midna ay tahay alaabooyin la mamnuucay in ay garoonka Cigaal ka dhoofaan si looga hor tago khatar kasta oo ka iman karta.  Markii hore dadka waxaa la baadhi jiray laba goor imikana waxaa la baadhayaa saddex jeer oo waxaanu soo kordhinay marka ugu dambaysa ee Diyaaradu ay kacayso in dhammaan rakaabka ka dhoofaya Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa in la baadho iyadoo illaa kabaha la bixinayo.waxaa kale oo la baadhayaa dhammaan alaabooyinka ay dadku sitaan iyadoo shay shay loo eegayo lana hubinayo in ay alaabtaasi ammaanka khatar galin karto.waxaa kale oo la mamnuucay in ay garoonka ka dhoofaan oo ay dadku qaataan dhammaan alaabooyinka dareeraha ah sida Malabka,Subagga,biayaha ka badan in qof cabi karo.Muqmadda iyo wax kasta oo dareere ah.Waxaa kale oo la mamnuucay in ay dadku la dhoofaan Labtobyo iyo Mobilo aan shidmayn oo,iyadoo qofka Labtop sita ama mobil sita laga doonayo marka uu badhitaanka marayo in uu shido oo la eego isla markaana mishiin lagu hubiyo in aanu ku jirin wax qarax sameeya.Waxaana sidaa loo yeelay waa in la ilaaliyo ammaanka iyo nabad gelyada dadka iyo diyaaradaha isla markaana looga hor tago khatar mar kasta iman karta.”
. “Baadhitaanku waa mid lagu xaqiijinayo nabad gelyada dadka iyo in ay si nabad qab ah u dhoofaan sida darteed waa loo siman yahay Madax ,masuuliyiin  iyo rayidba,Masuuliyiinta qarankuna waxay ka mid yihiin dadka ammaankooda la sugayo baadhistana way marayaan gaar ahaan  waxaa la baadhayaa alaabooyinka ay sitaan ee shandadaha ahi waxay marayaan mishiinka baadhista waana la furayaa laakiin wasiirada iyo Madaxda Qaranka shaqsinimadooda looma baadhayo,”ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.
Agaasimaha wasaaradda Duulistu waxa uu sheegay in madaarka Cigaal uu mashquul noqday tan iyo markii madaarka Muqdisho diyaaradii ka kacday ee DAALLO la qarxiyay, waxaanu tilmaamay in dad badan oo ku degi jiray Muqdisho ay hadda ka degaan madaarka Hargeysa,waxaanu yidhi   “Horta Saamaynta ay keentay waxay tahay in Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Caasimadda Somaliland uu noqday madaarka kaliya ee ay ka soo degaan dhammaan duulimaadyadii tegi jiray Garoonka Muqdisho ee Soomaaliya oo dhacdadii weerarka Daallo ee ka dhacday ka dib ay shirkaduhu ka wareegeen oo ay ku dhiiran waayeen taasina waxay garoonka  ku soo kordhisay duulimaadyo badan oo markii hore Muqdisho tegi  jiray waxaanu maanta Garoonku yahay madaarka kaliya ee ay ka soo wada degaan kana dhoofaan dadkii Soomaaliya ka degi jiray ama ka dhoofi jiray,waxaa kale oo uu Madaarku ku xidhan yahay dalalka Geeska Afrika oo wuxuu duulimaadyo joogto ah la wadaagaa dalalka Itoobiya,Jabuuti,Kenya iyo dalalka Carabta oo illaa Sucuudiga ayaa dadkii  uu Muqdisho ka dejinayay halkan(Cigaal) soo mariya.markaa mashquul ayay taasi keentay in dhankayaga aanu kor u qaadno ammaanka guud ee garoonka iyo ka dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya taasoo ay dadwaynaha aanu u adeegnaana si wanaagsan u soo dhaweeyeen kuna qanceen sida wanaagsan ee Madaarka Cigaal uu u shaqaynayo iyo nabadgelyada garoonka oo ah mid la isku halayn karo,wax  dhibaato ah oo ay dadku kala kulmaan garoonka oo aan ahayn kor u qaadista ammaankooduna ma jirto taana waxaan leeyahay aan ka wada shaqayno oo nabad gelyadiina iyo bad-qabka dhoofkiina ayaa ku jira baadhitaanka ee u dul qaata.”
Agaasimaha Guud oo aanu waydiinay in ay jiraan shirkado diyaaradeed oo Caalami ah oo ku soo kordhay Duulimaadyada Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal,waxa uu kaga jawaabay  “Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airweys in ay naga soo codsatay in ay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin,waxaanan eegaynaa duulimaadka shirkadda  soo kordhaysa waxay Somaliland ku soo kordhinayso iyo faa’iidada qaranka ugu jirta iyo sida aanay khasaare ugu keenayn ganacsiga shirkadaha wadaniga ah ee dhawr iyo labaatanka sanno dalka u soo adeegayay oo iyaga laftoodu u baahan in laga ilaaliyo in ay khasaaraan ama suuqa laga saaro,waxaanan u eegnaa shirkadda soo kordhaysa rakaabka ay u baahan tahay, inta maalmood ee ay duulimadyo samaynayso iyo suuqa ay soo kordhinayso markaa walli jawaab maanu siin,imikaba shirkadda Imaraadku  waxay todobaadkii duulimaadyo samaysaa afar maalmood si shirkadaha kale iyo iyadu aanay rakaabka isugu cidhiidhyin.”

“Waxaa kale oo naga go’an in Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal in uu noqdo Madaar Caalamka ku xidhan oo dunida kale iyo Somaliland isku xidha oo looga kala goosho waxaanu qorshaha Wasaaraddu uu yahay in aanu soo kordhino shirkado caalami ah oo dunida oo dhan duulimaadyo ka sameeya taasoo ay ku  jirto horumarka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba si dalalka dunida oo dhan Hargeysa loogaga safri karo dhinaca socdaalka cirka,Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-sayid oo xalay u warramayay wargeyska DAWAN.
Dawannews Hargeysa office