1/31/2017

Safarkii Dacwada


Maalintii bisha Janaury ahayd 11 sanadka Cusub ee 2017, waxaanu safar dacwad diineed ah ugu baxnay dalka Bangaladesh aniga iyo Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamed Dhabeeye iyo Agaasime Muse Ibrahim Yusuf Selef, waxaananu ka qayb galnay Ijtimaaca diineed ee loo yaqaan Tonggi oo dhawr kii sanaba mar lagu qabto caasimada Bagaladesh ee Dhakha.

Waxa ka soo qayb galay sanadkan 4 million oo qof, Somaliduna waxay ahayd ugu yaraan 300 qof.

Waxa kale oo safarka nagu wehelinayay Ismaciil cagawayne ( Amiirka) iyo Aabi Xujaale iyo Kamsaro Qayo iyo Shekh Ismaaciil , Sheekha Jamacaada Tabliiqiyiinta.

Aad iyo aad ayaan  runtii ugu faraxsanahay inaan ilaahay dartii u baxay mudo 12 cisho ah.

Wuxuu ahaa safar noloshayda insha alaah wax badan ka badali doona, oo xaga ilaahay ii dhawayn doona insh alaaahu.



Bangaladesh waa dal yar oo muslim ah oo dhibaatooyin badan soo mareen, hadana ku sugan, laakin dadkiisu culimada iyo diinta ay aad u jecel yihiin.

Markaan madaarka Ka soo dhoofayay waxaan soo iibsaday Buug lagu magacaabo The last days of United Bakistan.

Buugaas oo uu qoray nin wasiir ka ahaa labadii jamhuuriyadood ee isku jiray ee Eas pakistan ( Bangaladhesh) iyo West pakistan oo ah Dawlada pakistan ee  hada jirta.

Wuxuu si qoto dheer uga waramayaa labadaas dal, sidii ay u midoobeen, dhibootooiyinkiii soo baxay markii la midoobay, sidii loo kala gurtay, faragalintii wadamada shisheeye ee India ugu horayso iyo macluumaad badan oo kale.


Waxaanu Hargeisa ku soo noqotay 23 Bisha maalin Isniin ah .

N:B    Maadaama uu ahaa safar diineed Wax sawir ah maanu iska qaadin.