Waxaan markii koowaad tagay magaalada nairobi oo aan kaga qayb galay shir farsamo oo hayada ICAO ay nagu casuuntay shirkiina wuu burburay warsaxaafadeedkiisiina waa kan hoos ku qoran.
Shirka Farsamada ee Maamulka Hawada
Somaliland iyo Somalia
Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii
aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed (Cago dable) si aanu uga qayb galno
shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo gudi farsamo oo dhigayaga
ah oo ka socotay Somalia.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu ( stake holders )
ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Somalia la isku
odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faaiidaysan
lahaayeen.
Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo
iyo dibabda in tiraba sadex jeer Somalia ogolaatay saxeexdayna in maamulka hawada Somaliland iyo Somalia la
dajiyo caasimada Hargeisa iyada oo ay
maamulayaan gudi isku dhaf ah , isla
markaana tiraba dhawr jeer hayada ICAO
ku cadaysay dhamaan assessemen yadeedii
in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeisa.
Waanu ka xunahay in dawlada somalia ka baxday dhamaan
heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda
taala iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan
isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba la
socodsiinaynaa in shirkii farsamada ahaa
na loo soo bandhigay document qaybo
qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Somalia, isla markaana aan ku dhisnayn wax
tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.
Anaguna ka wasaarad
ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo
uu ka mid ahaa safiirka turkiga u
qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo xubin sharafeed ka ahaa
shirka hortooda ka cadaynay
mawqifka Somaliland ee ah in la
tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin
xaqa ay Hargeisa u leedahay marti
galinta maamulka hawada.
Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib
markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.
Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa
inaynu dal ahaan awood dhaqaale iyo mid
farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay
sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay
kana dhur sugaynay dhex dhexaadinta
beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo
isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi
ahaanba meesha ka baxday.
Waxaanu bari oo Jimce ah u amba bixi doonaa Dalkii insha
alaah , iyad oo arintana go’aamadeeda siyaasiga ah iyo talaabooyinka Xiga ee aynu dal ahaan
qaadi doonana aad dib ka ogaan doontaan insha allaah .