8/13/2020

Faahfaahin kooban oo aan ka bixiyay doorashada iskaashatada gaadiidka tawfiiq

 

Faahfaahin kooban oo aan ka bixiyay doorashada gaadiidlayda tawfiiq oo doorasho gashay, isla markaana ay maamulkii hore ku talaabsadeen arimo sharci jabin ah. 

waxan ka jawaabay eedayn aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ii soo jeediyeen xisbiyada mucaaradku.


7/25/2020

Doorashii labaad ee iskaashatada gaadiidlayda tawfiiq

 Ururka gaadiidlayda waa weyn ee tawfiiq ayaa shirwaynihoodii labaad qabsaday mudadii ay ay wasaaradu diiwaangalisay, halkaas ooo lagu doortay hogaan cusub oo lagu soo xulay aqoon inay leeyihiin.

Wafti wasaarada ka socda oo aan anigu hogaaminayo ayaa hawshaas gacanta ku hayay, oo ka koobnaa lix xubnood

 

 

 

 

 

 



 

 

 


7/23/2020

Shaqo ka joojintii madaxii xafiiska xidhiidhka ( Communication officer)

Raali galin:

Waxaan halkan ka raali galinaynaa Shacbiga JSL, guud ahaan cidii dhibsatay laba qoraal oo kala dambeeyay oo lagu baahiyay Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadku barta ay ku leedahay facebook.

Wasaaradu waxay talaabo ka qaaday cidii masuuliyadaas lahayd.

Cumar Sayid Cabdilahi Aden

Agaasimaha Guud ee W.Gaadiidka & H Jidadka

 

7/22/2020

Furitaankii Xarunta BBG ee Berbra ( Alpha Group )

Waxaan ka daahfuray xarunta baadhitaanka badqabka ee gaadiidka gobolka saaxil ee loo yaqaan Alpha tech berbera.

waxa ka soo qayb galay madax kala duwan iyo shacbiga reer berbera

 

 

7/06/2020

Abaal marintii la i gudoon siiyay, BBG



Mashuuracan wuxuu ahaa guul u soo hoyatay qaranka, iyo guud ahaan sooyaalkayga taariikheed. halaas waxa la igu maamuusay shahaado sharaf.

Daahfurka Xarumaha BBG ee Wadanka



Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayaa daahfuray xarumaha badqabka baadhitaanka gaadiidka BBG ee lixda gobol ee wadanka, isaga oo xadhiga ka jaray labada xaruumood ee bariga hargaysa iyo galbeedka hargaysa.


Wuxuu ahaa mashruuc wadanka ku cusub oo ingiriiskana looga yaqaan MOT checking waa mashruuc aan fulintiisa iyo hal abuurkiisaba lahaa , si wayna laygu amaanay.

7/02/2020

Xafladii liisanka gaadiidka dawlada

Maanta waxaan gudoonsiinay liisamada cusub ee gaadiidka dawladu yeelan doonaan 27 darawal oo ah dafcadii koowaad ee dhamaysatay tababarka darawalnimada, oo ka mid 423 darawal ee ah shaqaalaha rasmiga ah ee dawlada ,  kuwaas oo ka kala socday shan wasaaradood iyo hayad madax banaan ee dawlada.

Xafladii qalin jabinta iyo abaal marinta waxa nagala soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Ganacsiga,WD , Tamarta iyo macdanta,Hawlaha Guud GDH, Gaashaandhiga, Maalgashiga , Gudoomiye ku xigeenada Hayadaha shaqaalaha dawlada iyo Barakacayaasha iyo Qaxooontiga, taliyaha ciidanka taraafiikada iyo Masuuliyiin kale.

Waxay ka mid ahayd qorshaha hirgalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigio 22 aad ee golaha Wasiirada 06 September 2019.

W/Q Agaasimaha guud Ee wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Zayid Omar Abdilahi

6/25/2020

Habeenkii Xoriyada 60 guurada ka soo wareegtay 26 June 1960.


Habeenkii xoriyadii 26 June 1960 laga saaray somaliland calankii xoriyada,  ayaa looga dabaal dagay wadanka 60 guuradeedii, halkaas oo aanu ku xusnay ambassador hotel 26 June 2020.

Waxaan ka jeediyay hadal kooban oo aan kula dardaarmay dhalinyarada somaliland.


6/22/2020

Xadhig ka jarkii Mashaariicda wasaarada iyo Madaxweyne Biixi


Madaxweynaha JSL, ayaa xadhiga ka jaray afar mashruuc oo aanu ka hirgalinay wasaarada gaadiidka iyo horumarinta JSL, oo kala ahaa xarunta liisamada iyo buugaagta, xarunta RDA, laabka qaranka iyo Hoostada dayactirka gaadiidka dawlada.






Hadalkii soo dhawaynta. iyo furitaanka ee aan ka jeediyay xaruntaas ayaa isaguna halkan ku lifaaqan.




12/30/2019

Ogaysiis ku saabsan qalabka xadidaaada xawaaraha


Waxaanu shir jaraaid oo wada jir ah, ku qabanay xafiiskayga taliyaha guud ee ciidanka nabadgalyada wadooyinka maxamed cige cidheere, oo aanu kaga hadalnay dhamaystirka wajiga koowaad ee qalabka xadidaada xawaaraha oo dhamaad ku dhaw, sido kale aanu ogaysiin ku siinay dhamaan gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka iyo gaadiidka qaadlayaasha.


11/24/2019

Xuska Maalinta caalamiga ah ee dadka ku waxyeelooba shilalka


Maalinta caalamiga ah ee xuska dadka ku waxyeeloobay shilalka ayaanku qabanay guud ahaan somaliland goboladeeda, xafladii ugu waynayd waxay ku qabsoontay magaalada hargeisa halkas oo aan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa .                                                                         








11/01/2019

Kulankii Axmed Saleebaan bide


Habeenimadii Sabtidu soo galaysay ee Maalintuna Jimce ahayd, waxa aan ka qayb galay kulan faneed ay soo qaban qaabiyeen Shirkada Daabacada Colour Zone, iyo Tvga Saab TV.

Waxay ahayd xaflad bilan oo boqran, in kasta oo hadalkii aan meesha ka jeediyay qaybti aan ugu jawaabayay xisbiga Wadani aanay soo dayn oo ay xagaas u badnaayeen.

10/24/2019

Furitaankii Xafiiska gaadiidka tawfiiq iyo waaxda bada



Waxaan maanta xadhiga ka jaray laba xafiis oo ay kala leeyihiin iskaashata gaadiidka xamuulka ee ka hawl gala dekeda Berbera ee Tawfiiq, iyo waaxda gaadiidka Bada ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Degmada Berbera, gobolka Saaxil.

Xafiisyadani waxay wax wayn ku soo kordhin doonaan, adeega gaadiidka & rarka transite ka Ethiopia -Somaliland.

Sidoo kale waxaan kormeer ku soo sameeyay habka ay u socoto adeega xidhitaanka qalabka xadidadada xawaaraha, iyo hanaanka cusub ee imtixaanka liisanka darawalnimada.

Socdaalka waxa igu wehelinaya agaasimayaal, iyo saraakiil ka tirsan wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka.


8/19/2019

Xaflada Daahfurka Iskuulka wadayaasha iyo liisanka Cusub ee gaadiidka dawlada


Maanta waxa noo qabsoontay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen, Wasiirada,Wasaaradaha gaadiidka & H. Jidadka, Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska , Wax barashada & sayniska , Maareeyaha hayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha ,gudi hoosaadka baarlamaanka JSL ee arimaha gaadiidka, Machadka IBBLS, Machadka Hargeisa Nursing school iyo marti sharaf kale oo tiro badan taas oo lagu daahfurayay iskuul casriya oo lagu tababari doono wadayaasha gaadiidka dawlada, macalimiinta iskuulada barashada xirfada wadista, iyo ciidanka nabad galyada wadooyinka, taas oo qayb ka ah hargalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigii 22 aad ee Golaha Wasiirada September 2018.
Sidoo kale waxaanu soo bandhignay liisanka wadista gaadiidka dawlada oo casri ah , oo ay qaadan doonaan dhamaan darawaliinta gaadiidka dawlada tababarka ka dib, iyada oo la rasmi ah loo joojiyay dhamaan liisanadii hore ee lagu kaxayn jiray gaadiidka dawlada ( GT ) ee warqada ahaa.
Waxa abaal marin la gudoon siiyay Maareeye abdikariim xinif oo loo gartay masuulkii sida ugu fiican u maamulay gaadiidka dawlada iyo labada wasaaradood ee ganacsiga iyo Deegaanka oo iyaguna dedaal dheere ah la yimid.












6/09/2019

Shirka Maamul daadajinta GPLG iyo Burco oo rooban.


We had our 14th Technical Working Group meeting of the Joint Programme on Local Governance and Decentralized Service Delivery (JPLG), yesterday in Bur´o City, Togdheer.
The JPLG aims to strengthen local governance and to enhance decentralized service delivery in all the regions of Somaliland.
Director Generals, Mayors, and the JPLG Champion office team attended the meeting