1/30/2016

Shirkii bilaha ahaa ee Wasaarada iyo Qudbadaydii


Maalintii Khamiista ahayd ee 28/01/2016 , waxa aanu qabanay shir weynihii shaqaalaha wasaarada iyo madaarka cigaal oo bil walba khamiista u dambaysa la qaban jaray.






Waxa marti noogu ahaa agaasimaha guud ee Baanka dhexe, iyo Madax ka socota shirkada Telesom oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Aar iyo Cabdiraxman Shide.








Ajandaha shirku wuxuu ahaa, sidii shilingka Somaliland loo tayayn lahaa, looguna isticmaali lahaa mushaharka shaqaalaha madaarka iyo wasaarada guud ahaan oo dhan $ 100,000.


Waxaan ka jeediyay khudbad dheer, oo qaadatay 7 daqiiqo oo aan diirada ku saaray sida looga gaashaaman karo siciir bararka soo noqnoqday.

1/27/2016

Qalin jabintii Caalami Schools +700 ardey


Maanta Waxaan ka qayb galay xaflada qalin jabinta iskuulada caalami oo ay ka qalin jabinayeen in ka badan 700 arday.

Iskuulada caalami waxa aasaaasay oo hirgaliyay dhalinyaro aan asxaab iyo isku fac ahayn, oo uu hormuud u yahay Cabdiraxmaan ismail axmed  ( Cabdi Seed ) oo ka sokow inaanu isku fasal ahayn aanu ahayn isku kursi iyo saaxiib mudo dheer.

Waxa ka soo qayb galay madax dawlada ka tirsan, culimo, cuqaal iyo arday farabadan.

Waxaan ka mid ahaa marti sharaftii lagu soo casuumay xafladaas, oo aan ka jeediyay khudbad aan ku dhiiri galinayo ardayda guud ahaan, gaar ahaan 700 ee qalin jabinayay.

Waxa marti sharafta ka mid ahaa Sheik Adan Siiro iyo  Cali guray oo dawlada aad iyo aad u dhaliila, laakin goobtan kamay sheegin wax dhaliil iyo aflagaado ah oo ku saabsan dawlada.

1/14/2016

Soo dhawayntii Xildhibaan Mohamed Khadar Dahir


Maanta oo ah Khamiis  taariikhduna tahay 14/01/2016, waxa madaarka caasimada aan ku soo dhaweeyay Musharax Mohamed Khadar Dahir oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar caafimaad oo uu ku tagay dalka India.

Sidoo kale Maxamed Khadar waa Sxb igu dheer oo ilaa yaraantii aanu sxb ahayn, waa halyay ku sifoobay sifooyin badan oo ay adagtahay in laga helo dadka sabanka nool.


Maxamed waxaan u rajaynayaa guul doorashada soo socota, sidoo kale waxaan isla maanta isla hal duulimaad la socday Maydka Marxuum Abwan  Cali sugule Dun carbeed oo laga soo dajiyay garoonka si loogu aaaso xabaalaha naasa hablood ee magaalada Hargiesa.


Ilaahay ha u naxariisto Cali Sugule wuxuu ahaa tiir dhexaadka fanka casriga ah ee Somaliyeed.

Waxaanu subaxdii hore intaan diyaaradu iman aanu wada sheekaysanay fanaanada qaran ee caanka ah Khadra Dahir Cige, oo wax badan nooga sheegtay Abwan Cali Sugule.


Waxyaabaha xiisaha lahaa ee ay khadra iyo Macalin Mataan oo nagu soo biiray aanu wadaagnay waxa ka mid ahaa in Cali sugule iyo tiimkiisa fanaaniinta hargiesa ay dageen Xaafada dumbuluq iyaga oo la baxay Somali Music and Sports Club, ka dib markay is khilaafeen koox kale oo iyaguna Reer Hargeisa ah oo daganaa Xaafada Daruuraha.
Xafiiltan dheer ka dib xaruntii Dumbuluq ayaa ka saamayn badatay tii Daruuraha oo iyadu sanado badan camirnayd oo calanka sidatay.

Isaga oo arintaas cabiraya waxa uu Cali Sugule Yidhi
" Haday daantaasi daruuro lahayd
   Dadkii Janadaa lugaynaayoo
   Dumbuluq dayaxbaa u soo baxay"

12/09/2015

Qado sharaftii aanu ku maamuusnay dhalintii soo qalin jabisay


Maalintii shalay ahayd ee taariikhdu ahayd 09/12/2015 waxa aaan ka qayb galay qado sharaf wasiirka wasaaradu ku maamusay  dhalinyaradii soo baratay cilmiga Air traffic Controll ee ku maqnayd dalka itoobiya.



Waxaanu guud ahana dhalinyarada uga mahad celinay sumcadii ay qarankan u soo hoyeen iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadan doonaan horumarka dalka.

Iyaguna waxay nooga mahad naqeen doorkii wasaaradu ka qaadatay waxbarashadooda iyo dhamaan hawlihii ay uga baahneeyeen wasaarada.



Booqashadii Turkish Airways


Maalinimadii Sabtida ahayd ee 05-12-15 waxa xafiiska nagu soo booqday shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airways, oo ku timid dalka safar shaqo oo indho indhayn ah.




Waxay assesment ku samayn doonaan qaybaha marketingka, security iyo hawgalada madaarka caalamiga ah ee Egal international Airport .

Waxay qorshaynayaan inay duulimaadyo deg deg ah ka  bilaabaan madaarka caasimada.

ka wasaarad ahaan Waanu siinay wax alla wixii ay u baahnaayeen ee  macluumaad ah, anaga oo u balan qaadnay in gacmo furan aanu ku soo dhawayn doono insh alaah.



Qalin jabintii Addis Ababa iyo dafcadii koowaad ee barata ATC


Maalintii Sabtidii 21- November waxaanu ka qayb galnay aniga iyo wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye xaflad qalin jabineed oo ka dhacday Addis ababa oo ay ku qalin jabinayeen 13 shaqaale ka tirsan wasaarada oo dhamaystay tababar ku saabsan Air traffic controllers oo uga socday machadka tabarada duulimaadyada ee itoobiya ( Ethiopian Civil aviation Academy ).
Wasiir faahiye, Deputy DG of ethiopia Shemeliss, Aniga,Ambassador Ayaanle


Waxa tababarkaas ay ku jireen mudo dhan 7 bilood.

Ardaydaas dhamaantoond waxay ku baaseen score ka sareeya 90% iyaga oo aad loo amaanay isku xidhnaantooda, akhlaaqdooda iyo kartidiii ay muujiyeen mudadii tababarka.

Waxa aad u amaanay oo xaflada ka ahaa Guest honor agaasime ku xigeenka guud ee civil aviationka ethiopia Mr shemeliss Kerkeab oo runtii aad nooga mahad celiyay sida wanaagsan ee aanu ardaydaas u soo xulnay iyo sidii aanu uga warhaynay mudadii ay wax baranayeen.




Waxa isaguna mahadaas ka fal celiyay oo afka waftida  reer Somaliland ku hadlay wasiiru dawlaha ahmed nuur faahiye, oo dawlada iyo dadka Itobiya uga mahad celiyay deeqdaas waxbarasho iyo waliba xidhiidhka walaaltinmo ee ka dhaxeeya labada dawladood iyo umadood.






Waxa la igu maamuusay shahaahdo sharaf maadaama aan ahaa focal point kii suuro galiyay arintan iyo juhdigii iyo dadaalkii dheeraa ee aan u galay bixitaanka ardaydan.


Waxay ahayd runtii xaflad qiire galisay qalbiyada dad badan, fartana ku fiiqday awooda qarsoon ee ku jirta dhalinta Somaliland oo aan wali sidii la rabay looga faaiidaysan.