3/24/2017

Wasiir Samsam Oo Kormeertay Riigga Banka Qool Caday iyo hadal aan ka jeediyay



24.03.2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga banka qoolcaday, aniga iyo agaasimaha wasaarada ciyaaraha maxamed dhabeeye, oo ay na weheliyaan wasiiirka wasaarada Maaliyada JSL iyo Wasiiru dawlaha Wasaarada Madaxtooyada JSL.

Waxa halkaas aan ku gudoonsiiyay maamulka degmada salaxlay, baco loogu talo galay inay xooluhu ka galaan roobka iyo bacaha biyaha lagu kaydiyo iyo xoogaa dawooyin iyo cunto bisil ah.


Waxay ahayd booqasho nooceedu ku yaraa degaanka, wasiirka maaliyaduna degmada salaxlay aad iyo aad ayay runtii u tixgalisaaa oo ay mar walba hawlada degmada u siisaa mudnaanta.

Waaan u mahad naqayaa wasiirka iyo wasaaradeedaba.

3/22/2017

Agaasime Cumar Sayid oo Shirkada Fly Dubia ka Gudoomay Budada Dabka Diya...




Maalinta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2017, waxaan xadhiga ka jaray xafiis cusub oo shirkada Fly dubai, ka furatay badhtamaha Hargeisa, sidoo kale waxa shirkadu ay nagu wareejisay, xumbada diyaaraha bakhtiisa, nooca loo yaqaan AFFF 3% oo aan hore somaliland u oolin.

Waxay ahayd runti talaabo wanaagsan oo horumar wayn u ah guud ahaan wasaarada duulista hawada iyo gadiidka cirka JSL, gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee EGAL international Airport.





3/21/2017

Booqashadii Riiga Banka Qoolcaday



Maalintii Taariikdhu ahayd 20/03/2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga laga hirgaliyay banka qoolcaday.


Waxaan weerar toos ah ku qaaday, xildhibaano iyo ashkhaas kale oo runtii hagar daamo iyo dhib wayn u gaystay mashruucan, islamarkaana ay iskaga khaldan tahay siyaasadii iyo horumarkii.



2/19/2017

Jawaabtii Jangali

19/02/2017

Maalintaa leh taariikhda kor ku xusan, waxaan jawaab cad oo adag aan siiyay wasiirkii hore ee gaadiidka Dawlada somalia Mr jangali, oo tiraba dhawr jeer  ku celceliyay in lagu wareejinay hawada somalia oo dhan, isaga oo aan wax awood ah u lahayn, sidoo kale wasiirku wuxu ahaa ninkii hor istaagay inu fuliyo heshiiskii aanu wada galnay.

wuxuu ahaa waraysi qiimo badan .

2/08/2017

Habayntii Tagaasida iyo Iskaashigii Dawlada Hoose


Maalintii salaasada ee bishu  ahay d07/02/2017, waxaanu soo bandhignay barnaamiji habayn iyo cashuur ururin isugu jira oo aanu iska kaashanay dawlada hoose ee hargeisa.

Barnaamijkaas oo ahaa mid sare loogu qaadayay adeega, iyo amniga guud ahaan shacbiga ku dhaqan caasimada hargesa, waxa bar bar socotay in xogyaha dawlada hoose aanu si dhaw uga balay in la dardar galiyo oo laga hawl galo dhamaystirka bixinta dhul celiskii ay dawlada hoose balan qaaaday, ee la siinayay dadkii dhulkoodu galay xadaynta madaarka caasimada.

1/31/2017

Safarkii Dacwada


Maalintii bisha Janaury ahayd 11 sanadka Cusub ee 2017, waxaanu safar dacwad diineed ah ugu baxnay dalka Bangaladesh aniga iyo Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamed Dhabeeye iyo Agaasime Muse Ibrahim Yusuf Selef, waxaananu ka qayb galnay Ijtimaaca diineed ee loo yaqaan Tonggi oo dhawr kii sanaba mar lagu qabto caasimada Bagaladesh ee Dhakha.

Waxa ka soo qayb galay sanadkan 4 million oo qof, Somaliduna waxay ahayd ugu yaraan 300 qof.

Waxa kale oo safarka nagu wehelinayay Ismaciil cagawayne ( Amiirka) iyo Aabi Xujaale iyo Kamsaro Qayo iyo Shekh Ismaaciil , Sheekha Jamacaada Tabliiqiyiinta.

Aad iyo aad ayaan  runtii ugu faraxsanahay inaan ilaahay dartii u baxay mudo 12 cisho ah.

Wuxuu ahaa safar noloshayda insha alaah wax badan ka badali doona, oo xaga ilaahay ii dhawayn doona insh alaaahu.



Bangaladesh waa dal yar oo muslim ah oo dhibaatooyin badan soo mareen, hadana ku sugan, laakin dadkiisu culimada iyo diinta ay aad u jecel yihiin.

Markaan madaarka Ka soo dhoofayay waxaan soo iibsaday Buug lagu magacaabo The last days of United Bakistan.

Buugaas oo uu qoray nin wasiir ka ahaa labadii jamhuuriyadood ee isku jiray ee Eas pakistan ( Bangaladhesh) iyo West pakistan oo ah Dawlada pakistan ee  hada jirta.

Wuxuu si qoto dheer uga waramayaa labadaas dal, sidii ay u midoobeen, dhibootooiyinkiii soo baxay markii la midoobay, sidii loo kala gurtay, faragalintii wadamada shisheeye ee India ugu horayso iyo macluumaad badan oo kale.


Waxaanu Hargeisa ku soo noqotay 23 Bisha maalin Isniin ah .

N:B    Maadaama uu ahaa safar diineed Wax sawir ah maanu iska qaadin.

12/27/2016

shirkii shaqaalaha

Bishu markay ahayd 27/12/2016 waxaa wasaarad ahaanu aan u qabanay shir wayniii Shaqaalaha Madaarka caasimada ee Sanadlaha ahaa, Waxa ka soo qayb galay madaxda wasaarada oo wasiirku hor kacayo iyo dhamaan shaqaalaha waynaha Madaarka caasimada ee cigaal internatioal airport.
Waxa shaqaalaha la  abaal mariyay waax walba kuwii ugu dadaalka iyo shaqada wanaagsanaa sanadkaas dhamaanaya ee 2016                                                                                                            Waxay ahayd talaabo wanaagsan oo shaqaalaha iyo dadwaynuhu soo dhaweeyeen in la maamuuso cida mutaysatay waa arin ku yar dalkeena oo ay naadir tahay in la qabto