5/22/2017

Safaradii aan ku tagay Borama iyo Addis ababa

http://ilaysnews.com/articles/2388/Agaasimaha-Duulista-Oo-Cabsi-Uu-Ka-Qabo-In-Xilka-Laga-Qaado-Darteed-U-Ban-Baxay-Olalaha-Xisbiga-Kulmiye-Shaqadii-Uu-Qaranka-U-Hayey-Oo-Uu-Hilmaamey


Waxaaan 24 April Safar siyaasadeed ku tagay degmada Borama, waxaana safarkaas hogaamiyaya gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane muse bixi cabdi.

Wuxu ahaa runtii safar siyaasadeed muhiim u ah xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale kaygaba, waxaana war been abuur ka qoray saxaaafada qaar oo u adeegta xisbiyada Mucaaradka ah.

Waxa safarka igu wehelinayay dhalinyaro xilal kala duwan ka haysa Xisbiga Kulmiye iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, waxaanu u hoyanay hal habeen.

Waxa safarka Weeraro siyaasadeed oo aan waxba la isula hadhin ku dhex mareen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo maalintii Kowaad Weerarka bilaabay, xafladii ay dhlainyara Borama ugu biirayeen Xisbiga Kulmiye, iyo maalintii labaad oo uu jawaab ka bixiyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani, oo isna ka hadlayay Xaflada furitaanka Kaadh qaadashada doorashada Somaliland.

Gudoomiye Biixi waa waayo arag,suugaan yahan ah oo dadka markuu hor joogo wax sheegi kara, dad cusubna kasban kara.


09. May waxaan iyadana safar shakhsi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa, oo aan ka doontay Vise aan ku tago dalka Hindia.

Alxamduilah, ilaahay ayaa ii suuro galiyay inaan si dhib yar ku helo Visaha India, sidoo kale Xaaskayga oo safarka igu wehelin doonta iyadana waxa aan Visa uga soo qaaday dalka Kenya.


Safarka Addis dad badan oo masuuliyiin ah ayaan ku kulanay, oo sheeko wadaag aanu yeeelanay.

Doodii BBC da ee Hawada Somaliland iyo Somalia,


Maalinimadii Jimcaha ee Bishu ahayd 19 May, Waxaan ka qayb galay barnaamijka dunida iyo maanta ee Laanta afsomaliga ee Idaacada BBC.
Barnaamiskaas oo lagu soo bandhigay dood ku saabsan maamulka hawada ee Somalia & Somaliland.

Waxay ahayd dood runtii ay ka muquurteen dhinacii naga soo horjeeday, oo aanu kali ku ahayn, taas badalkeeda waxa dooda ku jiray niman khubaro sheeganayay oo dhinac u xaglinayay oo marna aan runta ka sheegayn meesha sartu ka qudhuntay.

waxay ahayd dood wasaarada duulista iyo qaranka somaliland guul ka soo hoyeen.

Waxa mahad gaar ah leh, wariye axmed Siciid cige oo runtii aad iyo aad u jeclaa inaan doodaa guul kala hoyano.


3/24/2017

Wasiir Samsam Oo Kormeertay Riigga Banka Qool Caday iyo hadal aan ka jeediyay



24.03.2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga banka qoolcaday, aniga iyo agaasimaha wasaarada ciyaaraha maxamed dhabeeye, oo ay na weheliyaan wasiiirka wasaarada Maaliyada JSL iyo Wasiiru dawlaha Wasaarada Madaxtooyada JSL.

Waxa halkaas aan ku gudoonsiiyay maamulka degmada salaxlay, baco loogu talo galay inay xooluhu ka galaan roobka iyo bacaha biyaha lagu kaydiyo iyo xoogaa dawooyin iyo cunto bisil ah.


Waxay ahayd booqasho nooceedu ku yaraa degaanka, wasiirka maaliyaduna degmada salaxlay aad iyo aad ayay runtii u tixgalisaaa oo ay mar walba hawlada degmada u siisaa mudnaanta.

Waaan u mahad naqayaa wasiirka iyo wasaaradeedaba.

3/22/2017

Agaasime Cumar Sayid oo Shirkada Fly Dubia ka Gudoomay Budada Dabka Diya...




Maalinta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2017, waxaan xadhiga ka jaray xafiis cusub oo shirkada Fly dubai, ka furatay badhtamaha Hargeisa, sidoo kale waxa shirkadu ay nagu wareejisay, xumbada diyaaraha bakhtiisa, nooca loo yaqaan AFFF 3% oo aan hore somaliland u oolin.

Waxay ahayd runti talaabo wanaagsan oo horumar wayn u ah guud ahaan wasaarada duulista hawada iyo gadiidka cirka JSL, gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee EGAL international Airport.





3/21/2017

Booqashadii Riiga Banka Qoolcaday



Maalintii Taariikdhu ahayd 20/03/2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga laga hirgaliyay banka qoolcaday.


Waxaan weerar toos ah ku qaaday, xildhibaano iyo ashkhaas kale oo runtii hagar daamo iyo dhib wayn u gaystay mashruucan, islamarkaana ay iskaga khaldan tahay siyaasadii iyo horumarkii.



2/19/2017

Jawaabtii Jangali

19/02/2017

Maalintaa leh taariikhda kor ku xusan, waxaan jawaab cad oo adag aan siiyay wasiirkii hore ee gaadiidka Dawlada somalia Mr jangali, oo tiraba dhawr jeer  ku celceliyay in lagu wareejinay hawada somalia oo dhan, isaga oo aan wax awood ah u lahayn, sidoo kale wasiirku wuxu ahaa ninkii hor istaagay inu fuliyo heshiiskii aanu wada galnay.

wuxuu ahaa waraysi qiimo badan .

2/08/2017

Habayntii Tagaasida iyo Iskaashigii Dawlada Hoose


Maalintii salaasada ee bishu  ahay d07/02/2017, waxaanu soo bandhignay barnaamiji habayn iyo cashuur ururin isugu jira oo aanu iska kaashanay dawlada hoose ee hargeisa.

Barnaamijkaas oo ahaa mid sare loogu qaadayay adeega, iyo amniga guud ahaan shacbiga ku dhaqan caasimada hargesa, waxa bar bar socotay in xogyaha dawlada hoose aanu si dhaw uga balay in la dardar galiyo oo laga hawl galo dhamaystirka bixinta dhul celiskii ay dawlada hoose balan qaaaday, ee la siinayay dadkii dhulkoodu galay xadaynta madaarka caasimada.