5/28/2017
5/22/2017
Xaflada Air Djibouti
![]() |
| Aniga iyo Mr alen director of Commericial of Air Djibouti |
Hargaysa (Somalilandaviation) Diyaarada Air Djibouti oo mudo Sagaal bilood ah Duulimaadyo ka waday Somalilanad ayaa Xafiiskeedii balaadhisay isla marahaantaasna ka dhigtay mid rasmi ah, munaasibad loo qabtay balaadhinta Xafiiskaas ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada hargaysa, waxana ka qaybgalay Masuuliyiinta Shirikadaas, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista, Wasiiro, Safiirka Jabuuti ee Somliland, Aqoon yahan iyo Mari sharaf kale. Ganacsiga ee shirkadda Air Djibouti Baj, oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu soo kordhinay labanlaab adeegayagii, waxaanu todobaadkii afar jeer oo ka mid ah u kala socdaali doonaa Hargeysa, Jabuuti iyo Muqdisho, sidoo kale waxaanu u gudbi doonaa wadamada jaarka ah, iyada oo aanu ku hanweynahay inaanu noqono socdaal ka wakiil ah Sucuudiga dadka ka soo imanaya, waxaanan ku faraxsanahay dadka caawa ka soo qayb galay munaasibadan, Hargeysa waa gurigaygii labaad waanad mahadsan tihiin”
Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan oo madashaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Shirkadda Air Djibouti muddo sagaal bilood ah ayey ka shaqaynaysa Somaliland oo ka duulaysay madaaradeena waana diyaarad adeeg wanaagsan siisay dadka imanaya dalka iyo kuwa ka dhoofaya, iyada oo ku caan baxday inay noqoto diyaarad aan habsaan lahayn oo dulimaadyadeeda afarta cisho ee ay todobaadkii ka timaadana si joogto ah uga soo degta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cigaal, waanan u mahacelinayaa
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland waxa ay u xil saaran tahay inay dadka Somaliland imanaya iyo kuwa ka dhoofayaa heli karaan Madaaro ay ka duuli karaan, tusaale ahaan Ethiopian Airline laba duulimaad ayey maalintii Hargeysa ka samaysaa, Flydubia iyo Air Djibouti –na sidoo kale duulimaadyo ayey ka samayeen madaarka, waxaad moodaa in sanadadii ugu dambeeyey Hargeysa ay ka baxday go’odoonkii ay ka jirnay oo ay magaaladu noqotay magaalo soo jiidatay dawladdaha jaarka ah iyo dawladaha kale ee aynu saaxiibka nahayba, iyada oo madaaradeenu aad iyo aad u koreen”.
Agaasimaha oo ka hadlayey duulimaadyada Shirkada ee Air Djibouti ee ku wajahan magaalada Berbera waxa uu yidhi “Lyon Petric ayaa yidhi Berbera ha nalaga caawiyo waxaan jeclaan lahaa inaan dadka u sheegno in afar duulimaad oo maalmihii la bilaabay ah ay garoonka Berbera ay mareen oo aanu hal rakaab ahna ka raacin, markaa kolay dib ayaanu iskugu noqon doonaa qaabkii madaarka Berbera loogu samayn lahaa suuq gayn, waayo dadka reer Somaliland iyo dadka Afrikaankuba caasimada ayuunbay isku soo shubaan oo 97% dadka reer Somaliland ee duuliya ama soo degaya xitaa ka gobolada bari tagaya wuxuu doonayaa intuu Hargeysa ku dago oo dhawr cisho sii joogo inuu marka dambe halkaasi ka tago, markaa waxaanu aad ugu rajo waynahay mashruuca DP World iyo Saldhigu inuu suuqa wax badan ka bedeli doono oo ay magaalada Berbera ka caawin doonaan inay hesho duulimaadyo”.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Prof: Axmed Maxamuud Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Ka wasaarad ahaan waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa Jamhuuriyadda Jabuuti ee xidhiidhka soo jireenka ah naga dhaxeeyo diyaarada ay soo kordhiyeen oo waxa diyaarada soo raacaya ganacsato badan iyo ganacsiyo aynu baahanahay”.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay shirkada Air Djibouti, Safiirka iyo xildhibaanada dalkaasi Jabuuti ka socday.
Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar oo madaashi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka saalamayaa wasiirada xafladan ka soo qayb galay, mudaneyaaasha iyo masuuliyiinta shirkada Air Djibouti, aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, dawladda Jabuuti, shacbi waynaha Jabuuti, waxaan leeyahay Somaliland waa dal walaalahayo ah waa dal aan xidhiidh leenahay waa dal uu dadkayagu isku mid yihiin”.
Safiirka oo ka sheekaynaya taariikhda diyaaradda Air Djibouti waxa uu yidhi “Diyaarada Air Djibouti waa diyaaradihii u horeeyey ee Afrika ka hawl gala, waxaana dib u soo celiyey baahi loo baahday oo ku qotonta siyaasadda madaxweynaha Jabuuti oo sal u ah inay gaadiidka xoojiyaan, horumarkuna waxa uu ku xidhan yahay gaadiidka”.
Safaradii aan ku tagay Borama iyo Addis ababa
http://ilaysnews.com/articles/2388/Agaasimaha-Duulista-Oo-Cabsi-Uu-Ka-Qabo-In-Xilka-Laga-Qaado-Darteed-U-Ban-Baxay-Olalaha-Xisbiga-Kulmiye-Shaqadii-Uu-Qaranka-U-Hayey-Oo-Uu-Hilmaamey
Waxaaan 24 April Safar siyaasadeed ku tagay degmada Borama, waxaana safarkaas hogaamiyaya gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane muse bixi cabdi.
Wuxu ahaa runtii safar siyaasadeed muhiim u ah xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale kaygaba, waxaana war been abuur ka qoray saxaaafada qaar oo u adeegta xisbiyada Mucaaradka ah.
Waxa safarka igu wehelinayay dhalinyaro xilal kala duwan ka haysa Xisbiga Kulmiye iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, waxaanu u hoyanay hal habeen.
Waxa safarka Weeraro siyaasadeed oo aan waxba la isula hadhin ku dhex mareen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo maalintii Kowaad Weerarka bilaabay, xafladii ay dhlainyara Borama ugu biirayeen Xisbiga Kulmiye, iyo maalintii labaad oo uu jawaab ka bixiyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani, oo isna ka hadlayay Xaflada furitaanka Kaadh qaadashada doorashada Somaliland.
Gudoomiye Biixi waa waayo arag,suugaan yahan ah oo dadka markuu hor joogo wax sheegi kara, dad cusubna kasban kara.
09. May waxaan iyadana safar shakhsi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa, oo aan ka doontay Vise aan ku tago dalka Hindia.
Alxamduilah, ilaahay ayaa ii suuro galiyay inaan si dhib yar ku helo Visaha India, sidoo kale Xaaskayga oo safarka igu wehelin doonta iyadana waxa aan Visa uga soo qaaday dalka Kenya.
Safarka Addis dad badan oo masuuliyiin ah ayaan ku kulanay, oo sheeko wadaag aanu yeeelanay.
Waxaaan 24 April Safar siyaasadeed ku tagay degmada Borama, waxaana safarkaas hogaamiyaya gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane muse bixi cabdi.
Wuxu ahaa runtii safar siyaasadeed muhiim u ah xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale kaygaba, waxaana war been abuur ka qoray saxaaafada qaar oo u adeegta xisbiyada Mucaaradka ah.
Waxa safarka igu wehelinayay dhalinyaro xilal kala duwan ka haysa Xisbiga Kulmiye iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, waxaanu u hoyanay hal habeen.
Waxa safarka Weeraro siyaasadeed oo aan waxba la isula hadhin ku dhex mareen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo maalintii Kowaad Weerarka bilaabay, xafladii ay dhlainyara Borama ugu biirayeen Xisbiga Kulmiye, iyo maalintii labaad oo uu jawaab ka bixiyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani, oo isna ka hadlayay Xaflada furitaanka Kaadh qaadashada doorashada Somaliland.
Gudoomiye Biixi waa waayo arag,suugaan yahan ah oo dadka markuu hor joogo wax sheegi kara, dad cusubna kasban kara.
09. May waxaan iyadana safar shakhsi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa, oo aan ka doontay Vise aan ku tago dalka Hindia.
Alxamduilah, ilaahay ayaa ii suuro galiyay inaan si dhib yar ku helo Visaha India, sidoo kale Xaaskayga oo safarka igu wehelin doonta iyadana waxa aan Visa uga soo qaaday dalka Kenya.
Safarka Addis dad badan oo masuuliyiin ah ayaan ku kulanay, oo sheeko wadaag aanu yeeelanay.
Doodii BBC da ee Hawada Somaliland iyo Somalia,
Maalinimadii Jimcaha ee Bishu ahayd 19 May, Waxaan ka qayb galay barnaamijka dunida iyo maanta ee Laanta afsomaliga ee Idaacada BBC.
Barnaamiskaas oo lagu soo bandhigay dood ku saabsan maamulka hawada ee Somalia & Somaliland.
Waxay ahayd dood runtii ay ka muquurteen dhinacii naga soo horjeeday, oo aanu kali ku ahayn, taas badalkeeda waxa dooda ku jiray niman khubaro sheeganayay oo dhinac u xaglinayay oo marna aan runta ka sheegayn meesha sartu ka qudhuntay.
waxay ahayd dood wasaarada duulista iyo qaranka somaliland guul ka soo hoyeen.
Waxa mahad gaar ah leh, wariye axmed Siciid cige oo runtii aad iyo aad u jeclaa inaan doodaa guul kala hoyano.
3/24/2017
Wasiir Samsam Oo Kormeertay Riigga Banka Qool Caday iyo hadal aan ka jeediyay
24.03.2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga banka qoolcaday, aniga iyo agaasimaha wasaarada ciyaaraha maxamed dhabeeye, oo ay na weheliyaan wasiiirka wasaarada Maaliyada JSL iyo Wasiiru dawlaha Wasaarada Madaxtooyada JSL.
Waxa halkaas aan ku gudoonsiiyay maamulka degmada salaxlay, baco loogu talo galay inay xooluhu ka galaan roobka iyo bacaha biyaha lagu kaydiyo iyo xoogaa dawooyin iyo cunto bisil ah.
Waxay ahayd booqasho nooceedu ku yaraa degaanka, wasiirka maaliyaduna degmada salaxlay aad iyo aad ayay runtii u tixgalisaaa oo ay mar walba hawlada degmada u siisaa mudnaanta.
Waaan u mahad naqayaa wasiirka iyo wasaaradeedaba.
3/22/2017
Agaasime Cumar Sayid oo Shirkada Fly Dubia ka Gudoomay Budada Dabka Diya...
Maalinta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2017, waxaan xadhiga ka jaray xafiis cusub oo shirkada Fly dubai, ka furatay badhtamaha Hargeisa, sidoo kale waxa shirkadu ay nagu wareejisay, xumbada diyaaraha bakhtiisa, nooca loo yaqaan AFFF 3% oo aan hore somaliland u oolin.
Waxay ahayd runti talaabo wanaagsan oo horumar wayn u ah guud ahaan wasaarada duulista hawada iyo gadiidka cirka JSL, gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee EGAL international Airport.
3/21/2017
Booqashadii Riiga Banka Qoolcaday
Waxaan weerar toos ah ku qaaday, xildhibaano iyo ashkhaas kale oo runtii hagar daamo iyo dhib wayn u gaystay mashruucan, islamarkaana ay iskaga khaldan tahay siyaasadii iyo horumarkii.
Subscribe to:
Posts (Atom)

