11/21/2013

The birth of my son Imran Omar Abdilahi


On saturday 16 Novermber my first son Imran was born in Gargaar hospital Hargeisa.
It was mixed feeling to me despite excitement and joy i further think about the responsibility  of father to his son.
His mother suffered three days of illness and the last day the doctor was planning to make a surgery , almighty allah accept our prayers and safe her from the operation .
His name become after the Surat al Imran. And Imran was the father of Mariam ( Marry) and grand father of Isse ( Jesus) .

The Aalla Imran  family was a holly family ,and iam asking my allah to safe gaurd my new family and my son and my wife from the evil of devil and guide them the true path here and here after.

From deputy to Director General ( Secrets of my promotion)







9/30/2013

Halaagii West gate


Wiigan waxa la weeraray mall ka West gate ee Nairobi ku yaala.

Dad badan oo ku dhaw boqol ayaa ku naf waayay, dhaawucuna wuu tiro beelay .

Waxa weeraray dablay aan la aqoonsan oo ilaa hada aan si rasmi ah loo ogayn tiradooda iyo cidii hogaaminaysay.
Warar qaar waxay sheegayaan inay qol ka sii kiraysteen dhismaha oo ay 2 bilood daganaayeen.
Wararka qaar waxay sheegayaan inay hogaaminaysay gabadh cad oo la yidhaahdo samanta oo u dhalatay dalka UK laakin ilaa hada war xaqiiq ah lama hayo.
Warbaahin kale waxay farta ku fiiqday inuu hogaaminayay nin la yidhaadho Abu Sandheere oo somalia si nabad ah ugu gudbay.

 West gate mall ka hor dhacdada
Waxa la sheegayaa in qaar ka mid ah dagaal yahanada ay dadkii la badbaadinayay isku dhex qariyeen, iyaga oo dharka soo badashay.
West gate mall oo burburay

Waa runtii weerar hal xidhaale dheer u noqday sirodoonada dunida oo dhan marka laga eegayo sidaan war looga haynin.

Suaalo badan ayay saxaafada kenya is waydiisay oo ay jawaab u wayday waxaana ka mid ahaa qaar uu qoray wargeyska Daily Nation. oo ahaa sidan

1: Siday ku suuuro gashay inaan dhisme sidaas muhiim ugu ahaa dalka Kenya amaankisa aan la iska xil saarin
2: Siday ku suuro gashay in dagaalyahanadu ay helaan hub, bambooyin,iyo qoryo ay ku dagaalamaan afar cisho oo isku xiga.

3: Siday ku dhacday ilaa hada inaan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, inta dhimatay inta la qabtay iyo inta baxsatay toona
4: Warar qaar ayaa sheegaya inay bulaacad hoose oo ay sii ogaayeen ka baxeen oo ay si nabad qab ah uga baxeen daartii ay burburiyeen.

5: Siday ku dhacday inay helaan macluuumaad ku saabsan dhismaha iyo qaybihiisa kala duwan


Si kasta oo ay wax u dhaceenba waxa ay fashil wayn ku keentay dawlada kenya oo ay muuqatay daciifnimo laamaheeda amaanka, iyo kartida askartooda oo shaki la galiyay.

Sidoo kale waxay saamayn balaadhan ku yeelan doontaa somalida malyuunka kor u dhaafaya ee ku nool dalka kenya, haday tahay xeryaha qaxoontiga iyo haday tahay xaafada islii.

Weerarada noocan oo kale ah dunida oo dhan si isku mid ayaa looga cambaaraynayaa, iyada oo fuqahada islaamku sheegeen inaanay shaqo ku lahayn islaanimo, hadii cid la weerarayana ay tahay in xeryaha ciidamada la weeraro laakin shacab aan waxba galabsan 

8/18/2013

Madaarka Caasimada


تعبيرات سيد عمر


Qaybta departure ee madaarka 
Shalay oo ay ku beegnayd 17 August 2013 waxa dib loo furay madaarka caasimada ee Egal International Airport oo xidhnaa mudo 15 bilooda.

Waxa la xidhay madaarka 28 May 2012 iyada oo dhamaan hawlihii kala duwanaa iyo shaqaalihiiba intii badnayd loo soo wareejiyay Madaarka Berbera.

Qaybta shrikadaha diyaaraha iyo miisaanka ee madaarka
Madaarka Hargeisa dib u dhiskiisa waxa maal galisay Kuwait fund, oo ku deeqday 10 million oo dolar oo loo kala qaybiyay labada madaar ee Berbera iyo Hargeisa.

Waxa la casriyeeyay dhabada diyaaraduhu ka haadaan oo la dhisay sanadkii 1954 .

Waxa xusid mudan ilaa wakhtigaa la dhisay inaan mar kaliya dayactir ama kordhin midna lagu samayn.

Marka laga tago dhererkeeda oo ahaa 2460 M oo aan u suuro galinayn diyaaradaha waa wayn inay ku dagaan hadana waxa u sii dheeraa googo xad dhaafa oo ay sababtay roobabkii
iyo dayactir la'aantii.
Barxada sugayaasha ee madarka lagu soo kordhiyay


Dhabadaaas ayaa laga qabtay shaqo aad iyo aad u culus sida uu ii sheegay Eng Cabdi salan cali Bakeeri oo ah  Eng khabiira oo mudo afartan sano ah ka soo shaqaynayay madaarada ahna madaxa farsamada garoonka u qaabilsan wasaarada duulista.
garoonka maanta la dhisay wuxuu shaqayn doonaa lixdanka sano ee soo socda hadii ale idmo waa hadii si fican loo ilaaliyo loona dayactiro ayu yidhi Eng Abdi salaan.

Dhabada diyaaradaha ee la dayactiray oo wasiirku kormeerayo
Dhamaan hawsha laga qabtay garoonka waa mid heer caalami gaadhsiisan.
Tusaale ahaan jayga lagu sameeyay garoonka ilaa shaybaadh dibada ah la soo mariyo oo lagu qanco tayadiisa laguma samaynayn.

Waxa xusid mudnaa in madaaarka uu joogay oo uu Enginer ka ahaa Mr Gupta oo khibrad dheeraad ah u leh dhismayaasha madaarada, waana Enginerkii dhisay madaarka caalamiga ah ee Bombay iyo Delhi Airport.

Garoonka waxa kale oo la dayactiray  halka diyaaraduhu ka soo weecdaan iyo halkay istaagaan oo laga kala yidhaahdo ( Taxi way and Apron).

Waxa garoonka ka dhiman in dhererkiisa lagu daro ugu yaraan 1000 M oo kale si dhererkiisu uu u leekaado garoonada caalamiga ah oo diyaarad walba uga dagi karto.

Arintaas oo imikaba u diyaar ah oo si deg deg ah loogu dari doono xukuumaduna balan qaaday.

Waxa jira mashaariic kale oo lagu soo kordhiyay terminalka  oo kala ah sidan hoos ku qoran:

1: Barxada sugayaasha oo ah qayb loogu talo galay dadka sugaya rakaabka soo dagaya
2: Barxada sagootinka oo ah qayb iyana loogu talo galay dadka sagootinaya rakaabka
3: Barxad wayn oo loogu talo galay dad weynaha soo dhawaynaya wufuuda kala duwan

Waxa la sameeyay markii ugu horaysay qayb loogu talo galay rakaabka business class tigidho ah sita ee aan VIP ahayn,iyada oo loo diyaariyay meel gaar ah oo adeeg dheeraad ah ku heli doonaan.

Sidoo kale waxa lagu soo kordhiyay xafiisyo fara badan oo ay isticmaali doonaan qaybaha kala duwan ee maamulka madaarka iyo laba xafiis oo loogu talo galay wararka ee ku kala yaala qaybta dhoofka iyo qaybta soo dagista oo ka jawaabi doona wardoonka iyo cabashada rakaabka.



8/11/2013

Darajada ciidamada


تعبيرات سيد عمر
                                                                                                 

Laf dhan Jananka diidaa ----- Xabsiguu liinta ku cabaa
                                                                  


Sareeye Gaas Ismacil Shaqale
Taliyaha Militaryga Somaliland
Sareeye Guuto A.Fadal Iimaan
Taliyaha Boliska JSL

Somaliland waxay leedahay 5 ciidan oo kala duwan oo kala ah ciidamada militaryga, booliska,socdaalka, ilaalada xeebaha , iyo sirdoonka .

Waxa Somaliland wali aanay samaysan ciidamada cirka oo ah kuwo muhiim ah.

Darajooyinka la bixiyay waxay dhan yihiin in ka badan 10,000 oo darajo.

Darajooyinkaasi oo ah 15 darajo  oo kala ah sidan hoos ku qoran oo sadex sadex isu raacsan, halka darajada ugu dambaysa ee Marshaal ayna wali cidna ku salaaxin.


Alifle
Laba alife
Sadex alifle     ( Saajin)
Xadhigle 
Laba Xadhigle
Sedex xadhigle   (Isbatoore)

Xidig leh

Sareeye Guuto Axmed aw Cisman
  Taliyaha ciidama ilaalada xeebaha JSL
Laba Xidig leh
Sadex Xidig leh (kaptan)

Gaashaanle      (Mijir)
Gaashaanle dhexe  (Laf dhan )
Gaashaanle  sare   (Jeneral )


Sareeye Guuto  ( Brigadier)
Sareeye gaas     ( Major General)
Marshaal      



Caqabadihii hor taagnaa darajada:

Marka laga hadlayo darajada Somaliland waxa hor taagnaa sadex caqabood oo kaliya oo kala ah

1: Caqabad dhaqaale oo darajo kasta waxay wadataa kharashkeeda iyo mushaharkeeda
2: Caqabad beelnimo oo ah in reer walba odhan doono saamigaygii waa la duudsiyay.
3: Sida laga yeelayo ciidamadii soo halgamay iyo kuwii dawladii hore ka hadhay ee Siyad Bare

Hadii aan u daadagno caqabadahaas iyo sida laga yeelayo, aan ku horayno caqabada dhaqaalaha.

Waxaad la wada socoteen in sanad walba Somaliland miisaaniyadeedu kordhi jirtay, hadaba sanadkan korodhka miisaaniyada waxa lagu beegi doonaa darajada oo lagu qiyaasay inay soo kordhin doonto ugu yaraan lacag aan ka yarayn 3 million oo dolar.

Ta labaad ee ah caqabadii reeraha wali si rasmi ah loogama gudbin iyada oo aad arkayso in reer walba uu iskiis isugu mashquulsan yahay, iyaga oo tirsanaya inta darajo ee ay heleen.

Tan sadexaaad oo ahayd hal xidhaale furfuridiisu wakhti qaadatay oo ahaa sidii laga yeeli lahaa labadii qolo ee fiintu kala dhex miratay ee kala ahaa hadhaagii Siyaad Bare iyo Jabhadii SNM.

Arintaasna xal fican ayaa laga gaadhay oo ah in mid walba sidiisii loo qiimeeyo, in kasta oo dadka qaar leeyihiin saraakiishii SNM waa laga bursaday darajooyinka.

Maadaama darajada la bixiyay ay badnayd oo ay ahayd 10,000 oo darajo reer walba wuxuu helay in ka badan dhawr boqol oo darajo taas oo kala suuxisay dadkii .

Dhacdooyinka yaabka lahaa waxa ka mid ahaa in saraakiil afmiishaarnimo iyo odoyaal ku qabsatay xilal muhiim ah oo ciidamda ka tirsan ay ka sareeyeen kuwo waashmaano ahaa labaatankii sano ee ugu dambeeyay laakin aqoontooda ciidan heer sare gaadhsiinayd wakhtigii dawladii hore.
arintaas is daba marka saraakiishii shalay iyo kuwa cusub waa arin Somaliland oo dhan ka dhacday.

Kolayba wax walba oo loo baratamo looma sinaado oo cid ayaa u badsata, laakin caqli maaha in horumarkii dawliga ahaa u xanibnaado reer hebel ayaa bursanaya.

Sidoo kale mar kasta oo talaabo la qaado waxa barbar socda dhaliisheeda iyo gal dalooladeeda.
gobolada somaliland oo dhan waxa ka jira cabasho aan badnayn oo la soo gudbiyay, iyada oo gudidaa qiimayntuna dib u eegi doonto cabashooyinkaas.

Laakin guud ahaan marka la eego bixinta darajada ciidamada somaliland waa talaabo hore loo qaaday oo adkaynaysa dawladnimdan curdinka ah.
Dhamaan shacabka,mucaarid iyo muxaafidba isku si loo soo dhaweeyay.

Aniguna aan ku daro hambalyadayda dhamaan ciidamada kala duwan ee dalka hooyo oo aan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo.



7/22/2013

Muslimiinta Burma iyo xasuuqa aamusan


تعبيرات سيد عمر

وما نقمو منهم الا ان يومنو بالله العزيز الحميد    


Iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan dhamaan dunida muslimkana laga sooman yahay waxaan marka hore ilaahay inooga baryayaa idinka iyo anagaba in acmaasheena  saalixa ah la inaga aqbalo dhamaanteenba.

Waxaan  qormo yar oo kooban ku eegi doonaa muslimiinta Burma ama Myanmir iyo xasuuqa lagu wado ee aduunyaduna ka aamusan tahay .

Dalkan  dadkiisu u badan yahay dab caabudka  ( Budhist) waxa gumaysan jiray boqortooyada midawday ( UK ) oo qabsatay qarnigii 18 aad.

Waxay madax banaanidooda  ka heleen ingiriiska 1948, caasimadooda waxa la yidhaahdaa Naypyidaw dadkiisana waxa lagu qiyaasaa 48 Million, wuxuu dhacaa dalkani koonfur bari Asia isaga oo mar  ka mid ahaa wadanka India.

Dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee ku nool Burma waxa badankoodu ka soo jeedaan qoomiyada Rohingya iyo muslimiin kale oo ka tagay carabta ama india oo wakhtiyo hore halkaas hawlo kala duwan u tagay kuna tarmay.

Iyada oo xaalada siyaadadeed ama dhaqaale ee dalkaasi marnaba ayna dagin ilaa xornimadoodii, hadana dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay waxay hormood u noqdeen dhaqaalihii wadanka iyaga oo ku sii darsaday dacwada islaamka. taas oo keentay in maalin walba tiradoodu sii korodho  oo boqolaal qof islaamaan.

Si la mid sidii loo galay walaaladood Kashmir, Kosovo , Bosnia , Falastiin iyo muslimiinta China iyana markooda waxay nasiib u heleen in ay noqdaan bar tilmaameed nugul oo looma ooyaan ah .

Xasuuq wadareed socda qarniga 21 aad

Waxa lagula kacaa wax kasta oo dhibaato ah oo aadami loo gaysto sida  kufsi, dil,gawrac,xasuuq wadareed, barakicin , isir sifayn iyo wax yaabo ka sii xun xun, iyada oo laga dhigay kuwo xabad lagu dilay, kuwa nolosha lagu gubay, kuwo la gawracay iyo qaar firxadkoodii badaha iyo xeryaha qaxoontiga ku saxariiray.



Bil kasta kumanaan muslimiin ah ayaa lagu qasbaa inay ka qaxaan gobolka ARAKANA oo ay iyagu iska leeyihiin iyada oo ay isku kaashadaan falaagada Junta iyo ciidamada dawladan dhiigya cabka ah

Qoladan dabka caabudka ah waxay doonayaa inay tirtiraan dadkaas muslimiinta ah ilaa laga waayo hal qof oo muslim ah oo jooga Burma, ka dib markii ay u adkaysan waayeen sida nuurka islaamku ugu baahayo dalkooda oo maalin walba ay boqolaal qof u islaamayaan.

Waxay u qaxaan wadama la jaarka ah ee ay ugu badan yihiin wadanka Bangaladhesh, Indonesia , India iyo Thailand iyadoo qaar badan oo kale sida somalida doomo ay ku safrayeen ay la qarqoomeen

Hayada UNHCR bil kasta waxay diiwaan galisaa kumanaan qaxoonti ah oo dadkaas muslmiinta ah iyaga oo xaalad nololeed oo adagi ku haysato dalalkaas ay u qaxeen.

Muslimiinta Asia oo ka dareen batay carabtii
Muslimiintan la dulmiyay waxay aduunyada ka waayeen gaal iyo muslim toona cid u soo gurmata, iyada oo dhamaan shucuubta caalamka ee munaafaqnimada ku bahawday isha ka daawanayso, marka laga reebo xoogaa muslimiin ah oo arintan mudaharaadyo ka dhigay dalalkooda.

Waxay galeen bishii ramadaan iyada oo xaaladoodu aad u liidato, in kasta oo ay xoogaa ka soo raynayso.
Waxaa la rajaynayaa in imaamka xaramku sanadkan ducadiisa ku soo dari doono, iyada oo xukuumada sucuudiga ee ay ducada kaga hadhayna ay isha ka daawan doonto 

Sida laga bartay taariikhda islaamka umad walba oo muslimiin ah oo cadaw xasuuqo oo ku soo duulo waxay arintaas ka dhaxlaan guulo waa wayn oo ay ugu wayn tahay inay bartaan oo jeclaadaan diintan darted loo dilayo iyo inay ku baraarugaan sida cadawga la isaga caabiyo.

Waxaan u rajaynayaa muslimiinta Burma inay soo noqdaan iyagoo geesiyo ah oo cashar ka bartay wixii ku dhacay, marnabana lagama adkaan doono insh alaah.

Maadama lagu jiro bishii barakaysnayd waxaan dhamaan muslimiinta soomaaliyeed u soo jeedin lahaa inay u soo duceeyaaan dadkaas dhibtu haysato bisha barakaysan awgeed in ilaahay faraj u furo.





 

7/15/2013

EPL 2013-2014 predictions.

 
تعبيرات سيد عمر
                                                             


.
Chelsea:

Jose Mourinho claims that he is a better manager now than when he left Chelsea in 2007.
The Europa League champions had brought in Germany international Andre Schurrle and Holland midfielder Marco van Ginkel before they confirmed the arrival of veteran goalkeeper Mark Schwarzer on Tuesday night.

There is no chance for the big names to leave the club this year .

Strong squad + mental games for Jose + exit for  Sir Alex = Trophy or silver ware
  
Chelsea under Jose is solid at the back, very hard to concede a goal for the crucial times of the EPL. despite the ugly game Jose prefer to play, he has the mentality  to win the game.


Man united



Manchester United are preparing a £25m bid to bring Cesc Fabregas back to England, according to the press.
Manchester United boss David Moyes also says Wilfred Zaha will get a chance to shine at Old Trafford this season after impressing on his pre-season debut in Thailand.
And  United say they are not planning to hand unsettled striker Wayne Rooney a new contract.

Despite a great offer from the executive David Moyes still not making any big signings.

Iam not sure if united sign Cesc Fabregas, how he will enforce the weak man united midfield.
But united is hope less this year, and Moyes first season is doubt full .

Strong squad  + Well experience - Alex retirement   =  The second position  


Arsenal:

Manchester United's Wayne Rooney and Liverpool's Luis Suarez have been mentioned as possible attacking targets along with Real Madrid's Gonzalo Higuain.

Arsene Wenger said "For years we were out of the race for the top-level transfers but we are coming back now because we are in a better financial situation and also because of Financial Fair Play."

And also Theo Walcott wants Arsenal to instill a 'fear factor' in their opponents next season as they seek to end their trophy drought.

Despite summer spending and experience of manager Wenger, the north Londoners unlikely to win the trophy, because  of lack of world class player.

Arsenal if they want to come back and challenge the title, they should get a leader like Thierry Hennery who can make the difference for the tough matches.

Summer spending + Experience of Wenger - Lack of world class player  = Third Position 



Man city :


New Manchester City boss Manuel Pellegrini has hinted the club may be about to announce a new signing in the next 24 hours.
And also Roberto Mancini believes former club Manchester City are growing but still have some way to go to match the best in Europe.

In the Champions League last year, City was the toughest group and now they lost two important key players Teves and Super Mario balotelli.

The frustration of city increased by the quality of RVP who inspired united  to victory last year and the unsettled striker players for city.


 Strong squad - Exit of  Mario and Teves - Unfamiliar manager to EPL   =  Fourth position   


Liverpool:


Liverpool Irish manager Brendar Rodgers has already captured Luis Alberto, Iago Aspas, Simon Mignolet and Kolo Toure, and he believes those acquisitions have sufficiently improved his squad.

Liverpool under pressure manager Brendar Rodgers said in an interview " I saw that they are very ambitious, want to get forward, winning trophies and getting into the top four."

Despite higher ambitions and summer signings, Liverpool still lacks of composure, team work and always lost or draw away games.

If I put a side the hostility between the reds and the red devils, I strongly support captain Gerard to wear some silver ware any way this season.
But also Liverpool still lacks some key positions in the field, mostly the center backs.
And if Suarez leave the club and increase the pressure, the England champions  should exercise further alternatives to end the 20 years drought of EPL silver ware.


 Summer signings  - lack of team work - bad record of away games   = Fifth position   

But sorry to say that. it seems to me like that.

Thank you all. happy EPL next season and keep the heat during the matches.


                        Omars Prediction chances  for the next season


1:   Chelsea Fc                                                  45 %
2: Man united                                                   20 %
3: Arsenal                                                         15%
4: Man city                                                       12%
5: Liverpool                                                      8%