7/09/2015

Burburkii Shirkii ICAO ee Nairobi


Waxaan markii koowaad tagay magaalada nairobi oo aan kaga qayb galay shir farsamo oo hayada ICAO ay nagu casuuntay shirkiina wuu burburay warsaxaafadeedkiisiina waa kan hoos ku qoran.

Shirka Farsamada ee Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia

Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed  (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo gudi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Somalia.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu ( stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Somalia la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faaiidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Somalia ogolaatay saxeexdayna  in maamulka hawada Somaliland iyo Somalia la dajiyo caasimada Hargeisa iyada oo ay maamulayaan gudi isku dhaf ah  , isla markaana  tiraba dhawr jeer  hayada ICAO ku cadaysay dhamaan assessemen yadeedii  in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeisa.

Waanu ka xunahay in dawlada somalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala  iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba la socodsiinaynaa in shirkii farsamada  ahaa na loo soo  bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Somalia, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac. 
 Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu  ka mid ahaa safiirka turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo xubin sharafeed   ka ahaa  shirka hortooda  ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah  in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.
Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan  awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana  dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.
Waxaanu bari oo Jimce ah u amba bixi doonaa Dalkii insha alaah , iyad oo arintana go’aamadeeda siyaasiga ah  iyo talaabooyinka Xiga ee aynu dal ahaan qaadi doonana aad dib ka ogaan doontaan insha allaah .


7/06/2015

Dhagax dhigii Madaarka Laascaanood ( Gole yeedhay )



Maanta waxaanu dhagax dhignay Madaarka degmada Laascaanood ee Gole yeedhay loo yaqaan.

Waxa safarka igu wehelinayay wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Cabdirisaq khaliif Ahmed .

Waxa kale oo aanu garoonka ku soo sameeyay assesment ku saabsan waxyaabaha uu u baahan yahay ee aasaasiga ah sida gaadhi dab damis ah, laba xafiis iyo siligii garoonka .

Waxa nagala soo qayb galay madaxdii gobolka haday tahay madaxdii dawlada, madaxdii dhaqanka iyo ganacsatadii gobolka iyo dadwayne kale oo fara badan.






Dad waynaha gobolka sool waxaan ka dareemay inay hada uun si fiican u fahmeen macnaha dawladnimada iyo horumarka doonayaana inay la jaan qaadaan gobolada kale ee dalka.

Waxa qariib igu ahaa markii saddex gaadhi oo gaashaaman ay nagaga hor yimaadeen degmada OOG taas oo aan waxoogaa ka yara naxay.

Habeenimadii xalay waxaan ku tukuday salaadii cishe iyo taraawiixdii masjid Jaamaca magaalada aniga oo aan wadan wax staff ah.

Way adag tahay in ruux masuul ka ah Somaliland uu magaalada Laascaanood dhex maro isaga oo aan wadan staff, laakin anigu waan ku dhiiraday waayo cid badan oo i garanaysaa may jirin mida kale waxaan aaminsahay inaan wixii qadar ah cidina baajin karin.

6/09/2015

Fly Dubai Touch down Hargiesa - EGAL- Airport

Dubai: Dubai-based flydubai’s inaugural flight to Hargeisa landed today at Hargeisa Egal International Airport marking the launch of a direct four times weekly service to Hargeisa, Somaliland.


Flydubai’s delegation was headed by Ghaith Al Ghaith, Chief Executive Officer of flydubai, and Sudhir Sreedharan, Senior Vice-President Commercial (GCC, Subcontinent and Africa) of flydubai. Upon landing in Hargeisa Egal International Airport, the delegation was greeted by Abdirahman Abdillahi Ismail, the Vice-President of Somaliland and Mohamud Hashi Abdi, the Minister of Civil Aviation and Air Transport of Somaliland.

The Hargeisa route will be served with four flights a week which will see flydubai operate a total of 64 weekly flights between Dubai and destinations in Africa. flydubai offers cargo services on all its African routes, providing cargo solutions to a network of more than 90 destinations in Africa, Middle East and Subcontinent, Eastern Europe, Russia, Caucasus and Central Asia, and 135 additional destinations worldwide due to interline agreements.

6/04/2015

Xafladii dhamaystirka Madaarka Caasimada






28  May  2015,  waxa si rasmi ah xadhiga looga jaray afar mashruuc oo isugu jira kuwii dawlada kuwait ay noogu deeqday iyo kuwo Jamhuuriyada Somaliland Maalgalisay.

Afartaas mashruuc waxay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran.

1: Dhamaystirka Dhabada diyaaraha oo lagu kordhiyay 1250 M
2: Xayndaab dhan 13 KM square
3: Laydhkii garoonku habeenki ku shaqaynayay
4:  Xarun dab damis iyo kayd biyo oo casri ah.

Afartan mashruuc waxay sahlayaan in madaarku noqdo category 9 halka uu markii hore shan sano ka hor ahaa category 2.

Guud ahaan xafladu waxay ahayd mid aad iyo aad dadku uga helay, gaar  ahaan waxa lagu soo bandhigay visionka cusub ee wasaarada oo ah terminal casri ah ee hoos ka muuqda oo laga hir galin doono madaarka caasimada.


Waxay ahayd xaflad ay ka soo qayb galeen marti sharaf dhan 1000  qof oo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hogaaminayo, kana mid ahaayeen diblamaasiyiin culus iyo dadk kale oo magac way n ku leh aduunka sida safiirka ingiriiska u qaabilasan Somaliland iyo somalia Mr Wigan.
xaflada aniga ayaa xidhiidhinayay.                                                                                                       




2/26/2015

Furitaankii Kuwait Terminal Berbera

Maanta oo ay taariikdhu tahay 23/ Feb/2015 maalin isniin ah waxa si rasmi ah xadhiga looga jaray terminalka cusub ee Kuwait Terminal ee Madaarka caalamiga ah ee Berbera iyo siliga xadka madaarka ku wareegsan oo dhan 12000 M.

Waxa ka dhacday gudaha terminalka cusub xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxweynaha Jamhuuriyada somliland iyo wasiiro, safiiro caalami ah, madaxda hayadaha caalamiga ah , salaadiin madaxda shirkadaha , iyo marti sharaf kale.



Xafladu guud ahaa si qiimo leh oo qaayo leh ayay u dhacday, iyada oo xasuus gaar ah igu lahayd inay tahay markii ugu horaysay ee aan ka hor hadlo dad intaas leeg oo miisaankaas leh iyada oo aan kalmad furitaan ah oo af somali iyo carabi ku baxday aan ka jeediyay.

Galinkii dambena waxaan ka qayb galay ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay labada kooxood ee Xidiga cirka ( Wasaarada Duulista ) iyo Wakaalada Biyaha Berbera.

Waxay ciyaartku dhamaatay 5:0 oo ay kooxda wasaaradeenu ku badisay.

Wuxuu gaar ahaan ii ahaa safar laba cisho ah oo wanaagsan oo aan dad badan oo aan sanad is moogayn ku kulanay maadaama aan ahaa reer Berbera laba sanadood oo aan asxaab badan ku lahaaa





10/12/2014

Sagootintii shaqaalaha ICAO





Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Sagootisay Toban Shaqaale ah Wax ku soo Baran Doona Kiiniya

“Tobankan dhalinyarada ah waa dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho dibadeed oo xaga duulimaadyada ah loo diro.” Agaasime Cumar Sayid.IMG_5717
Hargeysa (Somaliland.Org) Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland ayaa maanta sagootisay toban shaqaale ah oo koorso aqoonta duulimaadyada ah ku soo qaadan doona magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.
shaqaalahani oo hore ugu guulaystay imtaxaan ay hay’ada duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO ay ka qaaday ayaa Wasaaraddu ay u qabatay munaasibada kooban oo lagu sagootinayey taas oo ka dhacday xarunta wasaarada duulista ee Hargeysa.
Agaasimaha Guud ee Wasaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Cumar Cabdi Aadan (Cumar-Sayid), oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Runtii munaasibadani waxa ay daarantahay sagootin aanu ku sii sagootinayno tobankii arday ee ku guulaystay imtaxaankii hay’adda ICAO ka qaaday, imtixaankaas oo ahaa lix iyo toban boos oo Soomaaliya iyo Somaliland la wada siiyey, waxaa xusid mudan in Somaliland ay toban boos ku guulaysatay, oo ardaydani ay imtaxaan kaga soo dhex baxeen kun iyo laba boqol oo qof, oo marka aynu dib u raacno ardaydan taariikhdooda waa ardaydii ka soo baxday dugsiyada SOS iyo Ilays oo taclintana kaalin fiican kaga jiray, oo taariikh wanaagsan ku lahaa, runtii hawshooda shaqaalaysiintu wakhti ayey nagu qaadatay, baasaaboorada iyo fiisayaasha intaanu helaynay, waxaanu halkan warbaahinta uga cadaynaynaa in maalinta Salaasada ay Nairobi u bixi doonaan iyaga oo shaqaale rasmi ah , waxbarasho ay halkaas ku soo qadaan doonaan kadibna ay soo noqon doonaan, oo ay ka hawl galidoonaan madarada dalka.”
IMG_5704
Agaasime Cumar Sayid ayaa sidoo kalena intaasi kud aray “ Hawlwadeenadan cusub ee Nairobi loo dirayaa waxa ay isugu jiraan kuwa la soo barayo Hagida diyaaradaha, xafiiska cimilada iyo qaar loo tababaraayo xidhiidhka, ka wasaarad ahaan aad ayaanu ugu farax sanahay waana horumar weyn oo la taaban karo, afrtii sano ee hore Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay jirtay, waxay ku mashquulsanayd horumarinta iyo casariyeynta dhismayaasha xarumaha dawladda iyo Kaabayaasha dhaqaalaha, iyo sidii bilicda wasaaradaha sare loogu qaadi lahaa, Madaxweynuhuna waxa uu sanadkan Wasaaraddaha oo dhan amray in xirfada iyo aqoonta shaqaalaha sare loo qaado, waxaanay wasaaradayadu iyadoo taas ka duulaysa go’aansatay in tababaro dheeraad ah shaqaalaha loo diro, aqoontoodana la dhiso. duniduna wax ay isku dhaaftaa waa tayada iyo aqoonta ay shaqaalahu ay leeyihiin, tobankan dhalinyarada ah waa dufcadii ugu horaysay ee waxbarasho dibadeed oo xaga duulimaadyada ah loo diro, waxa ku xigi doona dufcad labaad oo afaratan qof ku dhaw oo loo diridoono dalka itoobiya, wasiirkuna uu todobaadkan soo socda ka war bixin doono, tababaradan waxaanu uga danleenahay in aanu shaqaalaha tayeyno dhismayashan quruxda badan kuwii ku shaqayan lahaa waa iyaga.”
Agaaasimaha Wasaaradda Duulista ayaa sidoo kale hadal dardaaran ah u jeediyey ardaydaasi safarka waxbarasho u baxaysa waxaanu yidhi “ Dhalinyaradani marka ay Nairobi tagaan waxaanu ka rajaynaynaa in ay si fiican wax u bartaan,oo ay xasuusnaadaan in ay wadankooda Somaliland matalayaan, waxaa lala socon doonaa akhlaaqdooda, waxbarashadooda, xil gudashadooda iyo dhaqankooda, safiiro ayaad noqon doontaan, boqolaal ardayna waxbaad la baran doontaan, waxaanu rajaynaynaa in aad sumcada dalkiina ilaalin doontaan, waxa laydin barayana aad wakhti siin doontaan anguna waanu idiin hanweyanahay waanuna idinku kalsoonahay, safar wanaagsan ayaanu idiin rajaynaynaa .” ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.
Tobankani shaqaalaha ee ee loo soo tababaryo Wasaaradda duulista Somaliland ayey hawshooda gacanta ku haysaa hay’ada duulimaayada u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO

8/22/2014

The bulldozer Generation



Family Background:

Omar is the third youngest child of Abdilahi Aden Garow  family, Middle class family live in Hargeisa (Capital city of Somali-land Republic) and born the middle of 1981.

The same year,  a rebellion movement was established which is called SNM .
10 years of struggle  between this movement and the Military government of Siyad Bare in the northern regions of Somalia ( ISAK inhabitants) affected my childhood.





Impacts of Civil war on my early childhood:




My Education Back Ground:
        The Bulldozer Generation:



My Experience of hard life:


My Higher Education opportunity:


My Success and becoming prominent figure: