1/31/2017

Safarkii Dacwada


Maalintii bisha Janaury ahayd 11 sanadka Cusub ee 2017, waxaanu safar dacwad diineed ah ugu baxnay dalka Bangaladesh aniga iyo Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamed Dhabeeye iyo Agaasime Muse Ibrahim Yusuf Selef, waxaananu ka qayb galnay Ijtimaaca diineed ee loo yaqaan Tonggi oo dhawr kii sanaba mar lagu qabto caasimada Bagaladesh ee Dhakha.

Waxa ka soo qayb galay sanadkan 4 million oo qof, Somaliduna waxay ahayd ugu yaraan 300 qof.

Waxa kale oo safarka nagu wehelinayay Ismaciil cagawayne ( Amiirka) iyo Aabi Xujaale iyo Kamsaro Qayo iyo Shekh Ismaaciil , Sheekha Jamacaada Tabliiqiyiinta.

Aad iyo aad ayaan  runtii ugu faraxsanahay inaan ilaahay dartii u baxay mudo 12 cisho ah.

Wuxuu ahaa safar noloshayda insha alaah wax badan ka badali doona, oo xaga ilaahay ii dhawayn doona insh alaaahu.



Bangaladesh waa dal yar oo muslim ah oo dhibaatooyin badan soo mareen, hadana ku sugan, laakin dadkiisu culimada iyo diinta ay aad u jecel yihiin.

Markaan madaarka Ka soo dhoofayay waxaan soo iibsaday Buug lagu magacaabo The last days of United Bakistan.

Buugaas oo uu qoray nin wasiir ka ahaa labadii jamhuuriyadood ee isku jiray ee Eas pakistan ( Bangaladhesh) iyo West pakistan oo ah Dawlada pakistan ee  hada jirta.

Wuxuu si qoto dheer uga waramayaa labadaas dal, sidii ay u midoobeen, dhibootooiyinkiii soo baxay markii la midoobay, sidii loo kala gurtay, faragalintii wadamada shisheeye ee India ugu horayso iyo macluumaad badan oo kale.


Waxaanu Hargeisa ku soo noqotay 23 Bisha maalin Isniin ah .

N:B    Maadaama uu ahaa safar diineed Wax sawir ah maanu iska qaadin.

12/27/2016

shirkii shaqaalaha

Bishu markay ahayd 27/12/2016 waxaa wasaarad ahaanu aan u qabanay shir wayniii Shaqaalaha Madaarka caasimada ee Sanadlaha ahaa, Waxa ka soo qayb galay madaxda wasaarada oo wasiirku hor kacayo iyo dhamaan shaqaalaha waynaha Madaarka caasimada ee cigaal internatioal airport.
Waxa shaqaalaha la  abaal mariyay waax walba kuwii ugu dadaalka iyo shaqada wanaagsanaa sanadkaas dhamaanaya ee 2016                                                                                                            Waxay ahayd talaabo wanaagsan oo shaqaalaha iyo dadwaynuhu soo dhaweeyeen in la maamuuso cida mutaysatay waa arin ku yar dalkeena oo ay naadir tahay in la qabto










12/13/2016

Xadhig ka jarkii Qalabka Nasha

Taariikhdu markay ahayd 13/12/2016,w axa aanu xadhiga ka jarnay aniga iyo wasiirka wasaarada iyo maamulaha madaarka Hargeisa, qalab cusub oo shirkada Nasha ay ku soo kordhisay adeega ay u qabato madaarka.                                                                                                                                      



Shirkada Nasha ka wasaarad ahaan Mudo dheer ayaanu ka codsanaynay inay horumariyaan adeega ay u hayso umada.

Doorkan way dadaaleen.


10/09/2016

Safarkii Dubai


Maalintii ay taariikhdu ahayd 4 September,2016, waxaanu safar shaqo ku tagnay dalka imaaratka carabta gaar ahaana magaalada Dubai aniga iyo wasiiru dawlaha wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Axmed Nuur Faahiye.

Waa markii koowaad ee aan dal carbeed oo khaliijka ku yaala u safro

Waxaan aad ula yaabay sida ay u horumartay Dubai, oo ah magaalo cajiib ah oo aanan waligay mid la qurux ah arag intaan safrayay.

Sidoo  kale waxaan la yaabay, sida dhaqankii iyo muuqaalkii diinteena suuban ee islaamka loogu liiday magaalada Dubai, adiga oo aan kala garanayn halkani ma New york ba mise waa dal carbeed oo muslim ah oo waliba khaliijka ku yaala.

Waxaanu la kulanay madaxda shirkada Fly dubai, iyo madaxda shirkada Daalo iyo Juba.
Ka bilaw midig. Aniga, Mr sudhiir Seredheren, senior vice president commercial, Wasiiru dawlaha ahmed nur fahiye iyo Wakiilka shirkada ee somaliland Omar safeway.


Kulamadayadii oo aan diirada ku saarnay arimo badan oo ku saabsan iskaashiga aanu ka yeelanayno shaqada aanu qaranka u hayno ka wasaarad ahaan iyo adeegada ay iyagu dadka u fidiyaaan wuxuu ku soo gabagabooy si guul ah.

Waxaanu sidoo kale ka qayb galnay xafladii u dabaal dega heshiishka DP world ee dekeda Berbera oo jaaliyada Somaliland iyo waftigii xukuumadu isku waraysteen.

Waxa aan aad iyo aad uga mafsuuday Ambassador Cabdilahi Kongo oo ku hadlayay afka jaaliyada reer imaaraad ee somaliland oo si buuuxda u taageeray heshiishka DP world.

Cabdilahi Kongo waa siyaaasi soomaaliyeed iyo diblomaasi fogaaday oo ku fogaaday arimaha carabta iyo somalida, waana runtii ashkhaasta aad iyo aadka loo ixtiraamo.

7/27/2016

Dugsiga Farsamada Gacanta ee M.Mooge iyo Yaboohii Wasaarada



Habeenkii Taariikdhu ahayd 25 Bisha 2016, waxaan ka qayb xaflad casho sharaf soo dhawayn ah oo loo sameeyay xubnaha qurba jooga ee ururka Samafalka ee Haldoor.

Ururkaasi waa urur samafal oo hawlo baaxad leh ka haya dalka, isla markaana ay ku midoobeen dhalinyaro firfircoon oo rag iyo dumar ba leh, dalka iyo dibadiisana jooga.

Waxa xaflada ka soo qayb galay acyaan badan, haday tahay cuqaal, aqoon yahan,agaasimayaal aan ku jiro iyo xubno kale oo bulshada magac iyo maamuusba ku leh.

Iskuulkan farsamada gacanta lagu baran doono ayay gacanta ku hayaan ururkani, oo lagu dhisayo lacag dhan $ 360,000 isla markaana uu wajigii koowaad dhamaaday.


Waxaan kaga balan qaaday goobtaas iyada lacag dhan $ 3000  anigoo ku hadlayay afka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka JSL.

7/05/2016

Ka qaybgalkaygii koobabkii ramadaanta ee Guryo samo iyo Maxamuud Axmed Cali


Maalintii Axada ee ay bishu ahayd 03/07/2016 iyo maalintii ku xigtay ee isniinta ee ay taariikhdu ahayd 04/07/2016 waxaan ka qayb galay labadii ciyaarood ee kama dambaysta ahaa ee ka kala dhacay labadaas garoon oo ay iskaga horyimaadeen afar kooxood oo isugu soo baxay ciyaarta kama dambaysta.

Garoonka guryosamo oo ahaa garoonkii aaan yaraantaydii ku soo tababartay ciyaaro badana ku ciyaaray, koobab badan aan ku qaaday, qaarna laygaga qaaday waxay ii ahayd xusuus gaar ah oo xiise leh.

Waxa igu weheliyay gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiiye Maxamed Kahin Axmed iyo Xoghaya golaha Dhexe ee Xisbiga Mustafe Waxdad.
G/xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiye
Golaha Dhexe Iyo aniga 


Sidoo kale waxa joogay agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Mubarak taani oo ah Xoghayaha gaarka ah ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Ciyaartii labaadna waxa ka soo qayb galay Wasiirka Xanaaada xoolaha Cabdilahi Maxamed Dahir Cukuse iyo Agaasimaha WDH& C iyo maamulaha madaarka, Cheif Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Dahir.


Waxa labada garoonba xusuus lahaa dhalinyaro tacliiqinayay ciyaarta oo ku hadlayay Carabi, oo halkii Cisaam Shuwaali dhigay.


4/27/2016

Mamnuucidii soo dhawaynaha madaarada dalka


Maanta oo ay bishu tahay 27/04/2016, waxa wasaarada duulista iyo hawada somaliland ay mamnuucday gabi ahaanba soo dhawaynihii iyo sagootintii lagu samayn jiray madaarada dalka , gaar ahaana masuuliyiinta dalka iyo mudanka reer somaliland.




Waxaanu shir jaraaid ku qabanay gudaha madaarka caasimada aniga iyo wasiiru dawlaha wasaarada Axmed nuur Faahiye iyo wasiirka wasaarada Omar sheikh maxamed faarax ( Cumar yare ).

Waxaan ka jeediyay khudbada qaybta furitaanka oo ah tan hoosta ku lifaaqan.