3/24/2017

Wasiir Samsam Oo Kormeertay Riigga Banka Qool Caday iyo hadal aan ka jeediyay



24.03.2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga banka qoolcaday, aniga iyo agaasimaha wasaarada ciyaaraha maxamed dhabeeye, oo ay na weheliyaan wasiiirka wasaarada Maaliyada JSL iyo Wasiiru dawlaha Wasaarada Madaxtooyada JSL.

Waxa halkaas aan ku gudoonsiiyay maamulka degmada salaxlay, baco loogu talo galay inay xooluhu ka galaan roobka iyo bacaha biyaha lagu kaydiyo iyo xoogaa dawooyin iyo cunto bisil ah.


Waxay ahayd booqasho nooceedu ku yaraa degaanka, wasiirka maaliyaduna degmada salaxlay aad iyo aad ayay runtii u tixgalisaaa oo ay mar walba hawlada degmada u siisaa mudnaanta.

Waaan u mahad naqayaa wasiirka iyo wasaaradeedaba.

3/22/2017

Agaasime Cumar Sayid oo Shirkada Fly Dubia ka Gudoomay Budada Dabka Diya...




Maalinta oo ay taariikhdu tahay 22.03.2017, waxaan xadhiga ka jaray xafiis cusub oo shirkada Fly dubai, ka furatay badhtamaha Hargeisa, sidoo kale waxa shirkadu ay nagu wareejisay, xumbada diyaaraha bakhtiisa, nooca loo yaqaan AFFF 3% oo aan hore somaliland u oolin.

Waxay ahayd runti talaabo wanaagsan oo horumar wayn u ah guud ahaan wasaarada duulista hawada iyo gadiidka cirka JSL, gaar ahaana madaarka caalamiga ah ee EGAL international Airport.





3/21/2017

Booqashadii Riiga Banka Qoolcaday



Maalintii Taariikdhu ahayd 20/03/2017, waxaanu booqasho ku tagnay riiga laga hirgaliyay banka qoolcaday.


Waxaan weerar toos ah ku qaaday, xildhibaano iyo ashkhaas kale oo runtii hagar daamo iyo dhib wayn u gaystay mashruucan, islamarkaana ay iskaga khaldan tahay siyaasadii iyo horumarkii.