12/09/2015

Qado sharaftii aanu ku maamuusnay dhalintii soo qalin jabisay


Maalintii shalay ahayd ee taariikhdu ahayd 09/12/2015 waxa aaan ka qayb galay qado sharaf wasiirka wasaaradu ku maamusay  dhalinyaradii soo baratay cilmiga Air traffic Controll ee ku maqnayd dalka itoobiya.



Waxaanu guud ahana dhalinyarada uga mahad celinay sumcadii ay qarankan u soo hoyeen iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadan doonaan horumarka dalka.

Iyaguna waxay nooga mahad naqeen doorkii wasaaradu ka qaadatay waxbarashadooda iyo dhamaan hawlihii ay uga baahneeyeen wasaarada.



Booqashadii Turkish Airways


Maalinimadii Sabtida ahayd ee 05-12-15 waxa xafiiska nagu soo booqday shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airways, oo ku timid dalka safar shaqo oo indho indhayn ah.




Waxay assesment ku samayn doonaan qaybaha marketingka, security iyo hawgalada madaarka caalamiga ah ee Egal international Airport .

Waxay qorshaynayaan inay duulimaadyo deg deg ah ka  bilaabaan madaarka caasimada.

ka wasaarad ahaan Waanu siinay wax alla wixii ay u baahnaayeen ee  macluumaad ah, anaga oo u balan qaadnay in gacmo furan aanu ku soo dhawayn doono insh alaah.



Qalin jabintii Addis Ababa iyo dafcadii koowaad ee barata ATC


Maalintii Sabtidii 21- November waxaanu ka qayb galnay aniga iyo wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye xaflad qalin jabineed oo ka dhacday Addis ababa oo ay ku qalin jabinayeen 13 shaqaale ka tirsan wasaarada oo dhamaystay tababar ku saabsan Air traffic controllers oo uga socday machadka tabarada duulimaadyada ee itoobiya ( Ethiopian Civil aviation Academy ).
Wasiir faahiye, Deputy DG of ethiopia Shemeliss, Aniga,Ambassador Ayaanle


Waxa tababarkaas ay ku jireen mudo dhan 7 bilood.

Ardaydaas dhamaantoond waxay ku baaseen score ka sareeya 90% iyaga oo aad loo amaanay isku xidhnaantooda, akhlaaqdooda iyo kartidiii ay muujiyeen mudadii tababarka.

Waxa aad u amaanay oo xaflada ka ahaa Guest honor agaasime ku xigeenka guud ee civil aviationka ethiopia Mr shemeliss Kerkeab oo runtii aad nooga mahad celiyay sida wanaagsan ee aanu ardaydaas u soo xulnay iyo sidii aanu uga warhaynay mudadii ay wax baranayeen.




Waxa isaguna mahadaas ka fal celiyay oo afka waftida  reer Somaliland ku hadlay wasiiru dawlaha ahmed nuur faahiye, oo dawlada iyo dadka Itobiya uga mahad celiyay deeqdaas waxbarasho iyo waliba xidhiidhka walaaltinmo ee ka dhaxeeya labada dawladood iyo umadood.






Waxa la igu maamuusay shahaahdo sharaf maadaama aan ahaa focal point kii suuro galiyay arintan iyo juhdigii iyo dadaalkii dheeraa ee aan u galay bixitaanka ardaydan.


Waxay ahayd runtii xaflad qiire galisay qalbiyada dad badan, fartana ku fiiqday awooda qarsoon ee ku jirta dhalinta Somaliland oo aan wali sidii la rabay looga faaiidaysan.


8/27/2015

Jawaabtii Xildhibaan Dheeg





Maanta waxaan u jawaabay xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin oo ku magac dheer d DHEEG.

Wuxuu wasaarada iyo guud ahaanba dawlada ku eedeeyay musuq maasuq iyo isaga oo duray saamiga shaqaalaha madaarka ee degaanka koonfurta Hargeisa.
Xildhibaanku umuu hadlayn danta guud sida uu sheegtay ee waxa ka hadlinayay dano shakhsiya oo uu waayay .


Safarkii ADDIS ababa iyo la kulankii Ethiopian airlines iyo Ardaydii wasaarada


11 bisha August 2015 maalintuna ahayd salaasa ayaanu ka duulnay madaarka caasimada ee EGAL international airport aniga iyo wasiir ku xigeenka wasaaarada Mr Saeed Abdi Gaagaale.

Ujeedayadu waxay ahayd marti qaad rasmi ah oo aanu ka helnay shirkada Ethiopian Airlines ka dib saddex sano oo duulimaad joogto ah ay ka waday somaliland.

Waxaanu ka wada hadalnay labadayada dhinac sidii xidhiidhkaas saddex jirsaday loo sii xoojin lahaa maadaama labada dal ay yihini laba dal oo jaar ah dano badana ka dhaxeeyaan.

Waxa na qaabilay madaxa marketinka ethiopian airlines Mr busera iyo labada sarkaal ee kala haysta bariga iyo badhtamaha afrika Hyla Melekot iyo Mr Redi Yusuf.

Wuxu ahaa dhinaca kale kulan adag oo gorgortan ku bilaabmay iyada oo qolo waliga soo bandhigaysay sida ay qolada kale ugu listay .

Kulankaas ka dib waxaanu qado sharaf ku maamuusnay dafcadii ugu horeaysay ee wasaarada duulistu soo dirto oo ku baranaya ethiopia cilmiga Air traffic controllka ama sida awada loo maamulo.


waa arday ka kooban 15 arday oo wasaaradu dirtay si fiicana loo soo xulay.

Aad iyo aad ayan ugaga mahad naqnay uguna bogaadinay guulaha ay ka gaadheen waxbarashada iyo amaanta ay dalkoodii u soo hooyeen.

Qadadii ka dib waxaanu isu raacnay machadka tababarka anaga la kulanay macalamiintdoodii oo runtii aad iyo aad noogu bogaadiyay sidaanu ardaydan u soo xulnay.

wuxuu ahaa safar kooban oo isla maaalintii ku xigtay ee arbacadii 12 bisha August aanu soo noqonay laakiin wuxuu ahaa safar faaiido badan oo midho dhalay.

7/09/2015

Burburkii Shirkii ICAO ee Nairobi


Waxaan markii koowaad tagay magaalada nairobi oo aan kaga qayb galay shir farsamo oo hayada ICAO ay nagu casuuntay shirkiina wuu burburay warsaxaafadeedkiisiina waa kan hoos ku qoran.

Shirka Farsamada ee Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia

Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed  (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo gudi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Somalia.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu ( stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Somalia la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faaiidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Somalia ogolaatay saxeexdayna  in maamulka hawada Somaliland iyo Somalia la dajiyo caasimada Hargeisa iyada oo ay maamulayaan gudi isku dhaf ah  , isla markaana  tiraba dhawr jeer  hayada ICAO ku cadaysay dhamaan assessemen yadeedii  in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeisa.

Waanu ka xunahay in dawlada somalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala  iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba la socodsiinaynaa in shirkii farsamada  ahaa na loo soo  bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Somalia, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac. 
 Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu  ka mid ahaa safiirka turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo xubin sharafeed   ka ahaa  shirka hortooda  ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah  in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.
Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan  awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana  dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.
Waxaanu bari oo Jimce ah u amba bixi doonaa Dalkii insha alaah , iyad oo arintana go’aamadeeda siyaasiga ah  iyo talaabooyinka Xiga ee aynu dal ahaan qaadi doonana aad dib ka ogaan doontaan insha allaah .


7/06/2015

Dhagax dhigii Madaarka Laascaanood ( Gole yeedhay )



Maanta waxaanu dhagax dhignay Madaarka degmada Laascaanood ee Gole yeedhay loo yaqaan.

Waxa safarka igu wehelinayay wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Cabdirisaq khaliif Ahmed .

Waxa kale oo aanu garoonka ku soo sameeyay assesment ku saabsan waxyaabaha uu u baahan yahay ee aasaasiga ah sida gaadhi dab damis ah, laba xafiis iyo siligii garoonka .

Waxa nagala soo qayb galay madaxdii gobolka haday tahay madaxdii dawlada, madaxdii dhaqanka iyo ganacsatadii gobolka iyo dadwayne kale oo fara badan.






Dad waynaha gobolka sool waxaan ka dareemay inay hada uun si fiican u fahmeen macnaha dawladnimada iyo horumarka doonayaana inay la jaan qaadaan gobolada kale ee dalka.

Waxa qariib igu ahaa markii saddex gaadhi oo gaashaaman ay nagaga hor yimaadeen degmada OOG taas oo aan waxoogaa ka yara naxay.

Habeenimadii xalay waxaan ku tukuday salaadii cishe iyo taraawiixdii masjid Jaamaca magaalada aniga oo aan wadan wax staff ah.

Way adag tahay in ruux masuul ka ah Somaliland uu magaalada Laascaanood dhex maro isaga oo aan wadan staff, laakin anigu waan ku dhiiraday waayo cid badan oo i garanaysaa may jirin mida kale waxaan aaminsahay inaan wixii qadar ah cidina baajin karin.

6/09/2015

Fly Dubai Touch down Hargiesa - EGAL- Airport

Dubai: Dubai-based flydubai’s inaugural flight to Hargeisa landed today at Hargeisa Egal International Airport marking the launch of a direct four times weekly service to Hargeisa, Somaliland.


Flydubai’s delegation was headed by Ghaith Al Ghaith, Chief Executive Officer of flydubai, and Sudhir Sreedharan, Senior Vice-President Commercial (GCC, Subcontinent and Africa) of flydubai. Upon landing in Hargeisa Egal International Airport, the delegation was greeted by Abdirahman Abdillahi Ismail, the Vice-President of Somaliland and Mohamud Hashi Abdi, the Minister of Civil Aviation and Air Transport of Somaliland.

The Hargeisa route will be served with four flights a week which will see flydubai operate a total of 64 weekly flights between Dubai and destinations in Africa. flydubai offers cargo services on all its African routes, providing cargo solutions to a network of more than 90 destinations in Africa, Middle East and Subcontinent, Eastern Europe, Russia, Caucasus and Central Asia, and 135 additional destinations worldwide due to interline agreements.

6/04/2015

Xafladii dhamaystirka Madaarka Caasimada






28  May  2015,  waxa si rasmi ah xadhiga looga jaray afar mashruuc oo isugu jira kuwii dawlada kuwait ay noogu deeqday iyo kuwo Jamhuuriyada Somaliland Maalgalisay.

Afartaas mashruuc waxay kala ahaayeen sidan hoos ku qoran.

1: Dhamaystirka Dhabada diyaaraha oo lagu kordhiyay 1250 M
2: Xayndaab dhan 13 KM square
3: Laydhkii garoonku habeenki ku shaqaynayay
4:  Xarun dab damis iyo kayd biyo oo casri ah.

Afartan mashruuc waxay sahlayaan in madaarku noqdo category 9 halka uu markii hore shan sano ka hor ahaa category 2.

Guud ahaan xafladu waxay ahayd mid aad iyo aad dadku uga helay, gaar  ahaan waxa lagu soo bandhigay visionka cusub ee wasaarada oo ah terminal casri ah ee hoos ka muuqda oo laga hir galin doono madaarka caasimada.


Waxay ahayd xaflad ay ka soo qayb galeen marti sharaf dhan 1000  qof oo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hogaaminayo, kana mid ahaayeen diblamaasiyiin culus iyo dadk kale oo magac way n ku leh aduunka sida safiirka ingiriiska u qaabilasan Somaliland iyo somalia Mr Wigan.
xaflada aniga ayaa xidhiidhinayay.                                                                                                       




2/26/2015

Furitaankii Kuwait Terminal Berbera

Maanta oo ay taariikdhu tahay 23/ Feb/2015 maalin isniin ah waxa si rasmi ah xadhiga looga jaray terminalka cusub ee Kuwait Terminal ee Madaarka caalamiga ah ee Berbera iyo siliga xadka madaarka ku wareegsan oo dhan 12000 M.

Waxa ka dhacday gudaha terminalka cusub xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen madaxweynaha Jamhuuriyada somliland iyo wasiiro, safiiro caalami ah, madaxda hayadaha caalamiga ah , salaadiin madaxda shirkadaha , iyo marti sharaf kale.



Xafladu guud ahaa si qiimo leh oo qaayo leh ayay u dhacday, iyada oo xasuus gaar ah igu lahayd inay tahay markii ugu horaysay ee aan ka hor hadlo dad intaas leeg oo miisaankaas leh iyada oo aan kalmad furitaan ah oo af somali iyo carabi ku baxday aan ka jeediyay.

Galinkii dambena waxaan ka qayb galay ciyaar saaxiibtinimo oo dhex martay labada kooxood ee Xidiga cirka ( Wasaarada Duulista ) iyo Wakaalada Biyaha Berbera.

Waxay ciyaartku dhamaatay 5:0 oo ay kooxda wasaaradeenu ku badisay.

Wuxuu gaar ahaan ii ahaa safar laba cisho ah oo wanaagsan oo aan dad badan oo aan sanad is moogayn ku kulanay maadaama aan ahaa reer Berbera laba sanadood oo aan asxaab badan ku lahaaa