6/25/2020

Habeenkii Xoriyada 60 guurada ka soo wareegtay 26 June 1960.


Habeenkii xoriyadii 26 June 1960 laga saaray somaliland calankii xoriyada,  ayaa looga dabaal dagay wadanka 60 guuradeedii, halkaas oo aanu ku xusnay ambassador hotel 26 June 2020.

Waxaan ka jeediyay hadal kooban oo aan kula dardaarmay dhalinyarada somaliland.


6/22/2020

Xadhig ka jarkii Mashaariicda wasaarada iyo Madaxweyne Biixi


Madaxweynaha JSL, ayaa xadhiga ka jaray afar mashruuc oo aanu ka hirgalinay wasaarada gaadiidka iyo horumarinta JSL, oo kala ahaa xarunta liisamada iyo buugaagta, xarunta RDA, laabka qaranka iyo Hoostada dayactirka gaadiidka dawlada.






Hadalkii soo dhawaynta. iyo furitaanka ee aan ka jeediyay xaruntaas ayaa isaguna halkan ku lifaaqan.