8/21/2017

Safaradii Borama iyo Djibouti

Maalintii Bisha August ay ahayd 13 sanadka 2017 waxaan safar shaqo ku tagay, markii koowaad   dalka Jabouti, aniga oo ku maqnaa mudo 3 cisho ah oo aaan hawlaha wasaarada waday gaar ahaan    mashruuc lagu samaynayo waax casri ah oo ka shaqayn doontaa saadaasha hawada oo ay naga maal galisay urur goboleedka IGAD.                                                                                                               


Waxa aan Jabootu ku Kulanay xisaabiyaha guud ee wasaarda madaxtooyada Mr muxiyadiin tilaabo oo runtii ah wiil dhalinyaro ah oo firfircoon, aniga saaxiib gaar ah aaanu nahay, aniga iyo muxiyadii wakhti fiican ayana ku qaadanay Jabouti, waxa isaguna si la yaab leh ii soo dhaweeyay Safiirka . Somaliland u fadhiya Dalka Jabouti Mr Abdifataax.                                                                      
Sidoo kale waxa casuumad sharaf noo sameeyay Cabdilaahi Abu site, oo nagu casuumay Hotel sheraton oo bada dhinaceeda ku yaala.