8/19/2019

Xaflada Daahfurka Iskuulka wadayaasha iyo liisanka Cusub ee gaadiidka dawlada


Maanta waxa noo qabsoontay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen, Wasiirada,Wasaaradaha gaadiidka & H. Jidadka, Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska , Wax barashada & sayniska , Maareeyaha hayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha ,gudi hoosaadka baarlamaanka JSL ee arimaha gaadiidka, Machadka IBBLS, Machadka Hargeisa Nursing school iyo marti sharaf kale oo tiro badan taas oo lagu daahfurayay iskuul casriya oo lagu tababari doono wadayaasha gaadiidka dawlada, macalimiinta iskuulada barashada xirfada wadista, iyo ciidanka nabad galyada wadooyinka, taas oo qayb ka ah hargalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigii 22 aad ee Golaha Wasiirada September 2018.
Sidoo kale waxaanu soo bandhignay liisanka wadista gaadiidka dawlada oo casri ah , oo ay qaadan doonaan dhamaan darawaliinta gaadiidka dawlada tababarka ka dib, iyada oo la rasmi ah loo joojiyay dhamaan liisanadii hore ee lagu kaxayn jiray gaadiidka dawlada ( GT ) ee warqada ahaa.
Waxa abaal marin la gudoon siiyay Maareeye abdikariim xinif oo loo gartay masuulkii sida ugu fiican u maamulay gaadiidka dawlada iyo labada wasaaradood ee ganacsiga iyo Deegaanka oo iyaguna dedaal dheere ah la yimid.