12/09/2015

Qado sharaftii aanu ku maamuusnay dhalintii soo qalin jabisay


Maalintii shalay ahayd ee taariikhdu ahayd 09/12/2015 waxa aaan ka qayb galay qado sharaf wasiirka wasaaradu ku maamusay  dhalinyaradii soo baratay cilmiga Air traffic Controll ee ku maqnayd dalka itoobiya.



Waxaanu guud ahana dhalinyarada uga mahad celinay sumcadii ay qarankan u soo hoyeen iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadan doonaan horumarka dalka.

Iyaguna waxay nooga mahad naqeen doorkii wasaaradu ka qaadatay waxbarashadooda iyo dhamaan hawlihii ay uga baahneeyeen wasaarada.



Booqashadii Turkish Airways


Maalinimadii Sabtida ahayd ee 05-12-15 waxa xafiiska nagu soo booqday shirkada Diyaaradaha ee Turkish Airways, oo ku timid dalka safar shaqo oo indho indhayn ah.




Waxay assesment ku samayn doonaan qaybaha marketingka, security iyo hawgalada madaarka caalamiga ah ee Egal international Airport .

Waxay qorshaynayaan inay duulimaadyo deg deg ah ka  bilaabaan madaarka caasimada.

ka wasaarad ahaan Waanu siinay wax alla wixii ay u baahnaayeen ee  macluumaad ah, anaga oo u balan qaadnay in gacmo furan aanu ku soo dhawayn doono insh alaah.



Qalin jabintii Addis Ababa iyo dafcadii koowaad ee barata ATC


Maalintii Sabtidii 21- November waxaanu ka qayb galnay aniga iyo wasiiru dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye xaflad qalin jabineed oo ka dhacday Addis ababa oo ay ku qalin jabinayeen 13 shaqaale ka tirsan wasaarada oo dhamaystay tababar ku saabsan Air traffic controllers oo uga socday machadka tabarada duulimaadyada ee itoobiya ( Ethiopian Civil aviation Academy ).
Wasiir faahiye, Deputy DG of ethiopia Shemeliss, Aniga,Ambassador Ayaanle


Waxa tababarkaas ay ku jireen mudo dhan 7 bilood.

Ardaydaas dhamaantoond waxay ku baaseen score ka sareeya 90% iyaga oo aad loo amaanay isku xidhnaantooda, akhlaaqdooda iyo kartidiii ay muujiyeen mudadii tababarka.

Waxa aad u amaanay oo xaflada ka ahaa Guest honor agaasime ku xigeenka guud ee civil aviationka ethiopia Mr shemeliss Kerkeab oo runtii aad nooga mahad celiyay sida wanaagsan ee aanu ardaydaas u soo xulnay iyo sidii aanu uga warhaynay mudadii ay wax baranayeen.




Waxa isaguna mahadaas ka fal celiyay oo afka waftida  reer Somaliland ku hadlay wasiiru dawlaha ahmed nuur faahiye, oo dawlada iyo dadka Itobiya uga mahad celiyay deeqdaas waxbarasho iyo waliba xidhiidhka walaaltinmo ee ka dhaxeeya labada dawladood iyo umadood.






Waxa la igu maamuusay shahaahdo sharaf maadaama aan ahaa focal point kii suuro galiyay arintan iyo juhdigii iyo dadaalkii dheeraa ee aan u galay bixitaanka ardaydan.


Waxay ahayd runtii xaflad qiire galisay qalbiyada dad badan, fartana ku fiiqday awooda qarsoon ee ku jirta dhalinta Somaliland oo aan wali sidii la rabay looga faaiidaysan.