12/27/2016

shirkii shaqaalaha

Bishu markay ahayd 27/12/2016 waxaa wasaarad ahaanu aan u qabanay shir wayniii Shaqaalaha Madaarka caasimada ee Sanadlaha ahaa, Waxa ka soo qayb galay madaxda wasaarada oo wasiirku hor kacayo iyo dhamaan shaqaalaha waynaha Madaarka caasimada ee cigaal internatioal airport.
Waxa shaqaalaha la  abaal mariyay waax walba kuwii ugu dadaalka iyo shaqada wanaagsanaa sanadkaas dhamaanaya ee 2016                                                                                                            Waxay ahayd talaabo wanaagsan oo shaqaalaha iyo dadwaynuhu soo dhaweeyeen in la maamuuso cida mutaysatay waa arin ku yar dalkeena oo ay naadir tahay in la qabto










12/13/2016

Xadhig ka jarkii Qalabka Nasha

Taariikhdu markay ahayd 13/12/2016,w axa aanu xadhiga ka jarnay aniga iyo wasiirka wasaarada iyo maamulaha madaarka Hargeisa, qalab cusub oo shirkada Nasha ay ku soo kordhisay adeega ay u qabato madaarka.                                                                                                                                      



Shirkada Nasha ka wasaarad ahaan Mudo dheer ayaanu ka codsanaynay inay horumariyaan adeega ay u hayso umada.

Doorkan way dadaaleen.


10/09/2016

Safarkii Dubai


Maalintii ay taariikhdu ahayd 4 September,2016, waxaanu safar shaqo ku tagnay dalka imaaratka carabta gaar ahaana magaalada Dubai aniga iyo wasiiru dawlaha wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka Axmed Nuur Faahiye.

Waa markii koowaad ee aan dal carbeed oo khaliijka ku yaala u safro

Waxaan aad ula yaabay sida ay u horumartay Dubai, oo ah magaalo cajiib ah oo aanan waligay mid la qurux ah arag intaan safrayay.

Sidoo  kale waxaan la yaabay, sida dhaqankii iyo muuqaalkii diinteena suuban ee islaamka loogu liiday magaalada Dubai, adiga oo aan kala garanayn halkani ma New york ba mise waa dal carbeed oo muslim ah oo waliba khaliijka ku yaala.

Waxaanu la kulanay madaxda shirkada Fly dubai, iyo madaxda shirkada Daalo iyo Juba.
Ka bilaw midig. Aniga, Mr sudhiir Seredheren, senior vice president commercial, Wasiiru dawlaha ahmed nur fahiye iyo Wakiilka shirkada ee somaliland Omar safeway.


Kulamadayadii oo aan diirada ku saarnay arimo badan oo ku saabsan iskaashiga aanu ka yeelanayno shaqada aanu qaranka u hayno ka wasaarad ahaan iyo adeegada ay iyagu dadka u fidiyaaan wuxuu ku soo gabagabooy si guul ah.

Waxaanu sidoo kale ka qayb galnay xafladii u dabaal dega heshiishka DP world ee dekeda Berbera oo jaaliyada Somaliland iyo waftigii xukuumadu isku waraysteen.

Waxa aan aad iyo aad uga mafsuuday Ambassador Cabdilahi Kongo oo ku hadlayay afka jaaliyada reer imaaraad ee somaliland oo si buuuxda u taageeray heshiishka DP world.

Cabdilahi Kongo waa siyaaasi soomaaliyeed iyo diblomaasi fogaaday oo ku fogaaday arimaha carabta iyo somalida, waana runtii ashkhaasta aad iyo aadka loo ixtiraamo.

7/27/2016

Dugsiga Farsamada Gacanta ee M.Mooge iyo Yaboohii Wasaarada



Habeenkii Taariikdhu ahayd 25 Bisha 2016, waxaan ka qayb xaflad casho sharaf soo dhawayn ah oo loo sameeyay xubnaha qurba jooga ee ururka Samafalka ee Haldoor.

Ururkaasi waa urur samafal oo hawlo baaxad leh ka haya dalka, isla markaana ay ku midoobeen dhalinyaro firfircoon oo rag iyo dumar ba leh, dalka iyo dibadiisana jooga.

Waxa xaflada ka soo qayb galay acyaan badan, haday tahay cuqaal, aqoon yahan,agaasimayaal aan ku jiro iyo xubno kale oo bulshada magac iyo maamuusba ku leh.

Iskuulkan farsamada gacanta lagu baran doono ayay gacanta ku hayaan ururkani, oo lagu dhisayo lacag dhan $ 360,000 isla markaana uu wajigii koowaad dhamaaday.


Waxaan kaga balan qaaday goobtaas iyada lacag dhan $ 3000  anigoo ku hadlayay afka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka JSL.

7/05/2016

Ka qaybgalkaygii koobabkii ramadaanta ee Guryo samo iyo Maxamuud Axmed Cali


Maalintii Axada ee ay bishu ahayd 03/07/2016 iyo maalintii ku xigtay ee isniinta ee ay taariikhdu ahayd 04/07/2016 waxaan ka qayb galay labadii ciyaarood ee kama dambaysta ahaa ee ka kala dhacay labadaas garoon oo ay iskaga horyimaadeen afar kooxood oo isugu soo baxay ciyaarta kama dambaysta.

Garoonka guryosamo oo ahaa garoonkii aaan yaraantaydii ku soo tababartay ciyaaro badana ku ciyaaray, koobab badan aan ku qaaday, qaarna laygaga qaaday waxay ii ahayd xusuus gaar ah oo xiise leh.

Waxa igu weheliyay gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiiye Maxamed Kahin Axmed iyo Xoghaya golaha Dhexe ee Xisbiga Mustafe Waxdad.
G/xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiye
Golaha Dhexe Iyo aniga 


Sidoo kale waxa joogay agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Mubarak taani oo ah Xoghayaha gaarka ah ee gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Ciyaartii labaadna waxa ka soo qayb galay Wasiirka Xanaaada xoolaha Cabdilahi Maxamed Dahir Cukuse iyo Agaasimaha WDH& C iyo maamulaha madaarka, Cheif Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Xildhibaan Maxamed Khadar Dahir.


Waxa labada garoonba xusuus lahaa dhalinyaro tacliiqinayay ciyaarta oo ku hadlayay Carabi, oo halkii Cisaam Shuwaali dhigay.


4/27/2016

Mamnuucidii soo dhawaynaha madaarada dalka


Maanta oo ay bishu tahay 27/04/2016, waxa wasaarada duulista iyo hawada somaliland ay mamnuucday gabi ahaanba soo dhawaynihii iyo sagootintii lagu samayn jiray madaarada dalka , gaar ahaana masuuliyiinta dalka iyo mudanka reer somaliland.




Waxaanu shir jaraaid ku qabanay gudaha madaarka caasimada aniga iyo wasiiru dawlaha wasaarada Axmed nuur Faahiye iyo wasiirka wasaarada Omar sheikh maxamed faarax ( Cumar yare ).

Waxaan ka jeediyay khudbada qaybta furitaanka oo ah tan hoosta ku lifaaqan.


2/27/2016

Xil wareejintii labaad ee wasaarada iyo ka qayb galkii ethio- somailand trade technical consultative meeting


Maanta oo ah Sabti Taariikdhuna tahay 27, bishii Febaury, waxaanu qabanay xafladii xil wareejinta wasiirkii hore ee wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirka JSL cisman cabdilahi saxardiid iyo wasiirka cusub ee wasaarada Cumar Shekh Maxamed Faarax oo ka dhacday hotel ambassador.




Waxay ahayd xaflad xil wareejin aad u qiimo badan, waxaanan ka jeediyay qudbad kooban oo dhinacyo badan taabanaysa.

Markii xafladu dhamaatayna waxaanu u ambabaxay Degmada Berbera, si aan uga qayb galo wada hadalka ganacsiga iyo transitka ee u dhaxeeyay labada dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland.

( High level consultative meeting between Somaliland And Ethiopia ).

Degmada Berbera waan jeclahay, waxay naftayda ku leedahay xusuuso badan , waa magaalo aan ku leeyahay asxaab tiro beeshay oo madax iyo shacab leh.

Labada cisho ee aan joogayo waxay ii leeyihiin xiise gaar ah, waxaanan kormeer ku soo mari doonaa madaarka Berbera oo aan hada shaqayn oo xaaladiisa u kuur gali doono.





2/24/2016

Waraysigii Dawan

WASAARADDA DUULISTA OO KA HADASHAY SHIRKADO CAALAMI AH OO SOO CODSADAY RUQSADDA DUULIMAADYADA SOMALILAND IYO TALLAABOOYIN AMMAANKA OO LA QAADAY
February 24th, 2016
Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadashay Shirkado Caalami Ah Oo Soo Codsaday Ruqsadda Duulimaadyada Somaliland Iyo Tallaabooyin Ammaanka Oo La Qaaday
Hargeysa(Dawan):-Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay qorsheyaasha duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal International Air port  iyo tallaabooyin dhanka ammaanka ah oo lagu soo kordhiyay .
Waxaa kale oo ay Wasaaraddu ka hadashay siyaasadda Wasaaradda ee ah in shirkado caalami ahi ay ku soo xidhmaan Madaarka Cigaal iyo sida ay ahmiyadda u siiso shirkadaha diyaaradaha ee soo kordhaya iyo kuwa hadda dalka ka hawl gala wada shaqayntooda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, oo waraysi gaar ah siiyay xalay Wargayska DAWAN, ayaa intaa ku daray farriin uu u diray dadka Madaarka Cigaal ka dhoofaya taasoo uu ugu sheegay alaabooyin ay mamanuuc tahay in lagala dhoofo Madaarka Cigaal iyo dhammaan Madaarrada kale ee dalka oo dhan.
Agaasimaha guud oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay tallaabooyinka ay qaadeen ka dib markii dhawaan la qarxiyay diyaarad ka kacday madaarka Muqdisho ee dalka nabad-gelyo darradu hadhaysay ee Soomaaliya, waxaanu ku jawaabay  “Horta Madaarradu way isku xidhan yihiin oo dhacdada Madaar kale ka dhacdaa saamayn ayay kugu yeelanaysaa gaar ahaan marka ay ka dhacdo Madaar aad duulimaadyo wadaagtaan Madaarka Cigaal-na wuxuu ku xidhan yahay Madaarrada dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Kenya Itoobiya iyo dalalka Carabta iyo wadamo kale. sidaa darteed dhacdo kasta oo dhacdaa saamayn ayay yeelanaysaa midda kale garoomadu waxay leeyihiin cadaw badan oo beegsanaya diyaaradaha iyo dadka rakaabka ahba markaa waxaa khasab ah in dhibaato kasta oo dhacda oo agtaada ka dhacda in aad wax ka barato tallaabooyin hor leh oo wax ku ool ah isla markaana suuro gelinaya bad-qabka garoonka dadka iyo diyaaradaha loogu adeegayo.
Sidaa darteed, waxaanu soo kordhinay baadhitaanno hor leh oo cusub oo lagaga hor tegayo in ay dhibaato dhacdo taasoo laba qeybood kala ah oo midina ay tahay baadhista dadka iyo alaabta dhoofaysa midna ay tahay alaabooyin la mamnuucay in ay garoonka Cigaal ka dhoofaan si looga hor tago khatar kasta oo ka iman karta.  Markii hore dadka waxaa la baadhi jiray laba goor imikana waxaa la baadhayaa saddex jeer oo waxaanu soo kordhinay marka ugu dambaysa ee Diyaaradu ay kacayso in dhammaan rakaabka ka dhoofaya Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa in la baadho iyadoo illaa kabaha la bixinayo.waxaa kale oo la baadhayaa dhammaan alaabooyinka ay dadku sitaan iyadoo shay shay loo eegayo lana hubinayo in ay alaabtaasi ammaanka khatar galin karto.waxaa kale oo la mamnuucay in ay garoonka ka dhoofaan oo ay dadku qaataan dhammaan alaabooyinka dareeraha ah sida Malabka,Subagga,biayaha ka badan in qof cabi karo.Muqmadda iyo wax kasta oo dareere ah.Waxaa kale oo la mamnuucay in ay dadku la dhoofaan Labtobyo iyo Mobilo aan shidmayn oo,iyadoo qofka Labtop sita ama mobil sita laga doonayo marka uu badhitaanka marayo in uu shido oo la eego isla markaana mishiin lagu hubiyo in aanu ku jirin wax qarax sameeya.Waxaana sidaa loo yeelay waa in la ilaaliyo ammaanka iyo nabad gelyada dadka iyo diyaaradaha isla markaana looga hor tago khatar mar kasta iman karta.”
. “Baadhitaanku waa mid lagu xaqiijinayo nabad gelyada dadka iyo in ay si nabad qab ah u dhoofaan sida darteed waa loo siman yahay Madax ,masuuliyiin  iyo rayidba,Masuuliyiinta qarankuna waxay ka mid yihiin dadka ammaankooda la sugayo baadhistana way marayaan gaar ahaan  waxaa la baadhayaa alaabooyinka ay sitaan ee shandadaha ahi waxay marayaan mishiinka baadhista waana la furayaa laakiin wasiirada iyo Madaxda Qaranka shaqsinimadooda looma baadhayo,”ayuu yidhi Agaasime Cumar Sayid.
Agaasimaha wasaaradda Duulistu waxa uu sheegay in madaarka Cigaal uu mashquul noqday tan iyo markii madaarka Muqdisho diyaaradii ka kacday ee DAALLO la qarxiyay, waxaanu tilmaamay in dad badan oo ku degi jiray Muqdisho ay hadda ka degaan madaarka Hargeysa,waxaanu yidhi   “Horta Saamaynta ay keentay waxay tahay in Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal ee Caasimadda Somaliland uu noqday madaarka kaliya ee ay ka soo degaan dhammaan duulimaadyadii tegi jiray Garoonka Muqdisho ee Soomaaliya oo dhacdadii weerarka Daallo ee ka dhacday ka dib ay shirkaduhu ka wareegeen oo ay ku dhiiran waayeen taasina waxay garoonka  ku soo kordhisay duulimaadyo badan oo markii hore Muqdisho tegi  jiray waxaanu maanta Garoonku yahay madaarka kaliya ee ay ka soo wada degaan kana dhoofaan dadkii Soomaaliya ka degi jiray ama ka dhoofi jiray,waxaa kale oo uu Madaarku ku xidhan yahay dalalka Geeska Afrika oo wuxuu duulimaadyo joogto ah la wadaagaa dalalka Itoobiya,Jabuuti,Kenya iyo dalalka Carabta oo illaa Sucuudiga ayaa dadkii  uu Muqdisho ka dejinayay halkan(Cigaal) soo mariya.markaa mashquul ayay taasi keentay in dhankayaga aanu kor u qaadno ammaanka guud ee garoonka iyo ka dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya taasoo ay dadwaynaha aanu u adeegnaana si wanaagsan u soo dhaweeyeen kuna qanceen sida wanaagsan ee Madaarka Cigaal uu u shaqaynayo iyo nabadgelyada garoonka oo ah mid la isku halayn karo,wax  dhibaato ah oo ay dadku kala kulmaan garoonka oo aan ahayn kor u qaadista ammaankooduna ma jirto taana waxaan leeyahay aan ka wada shaqayno oo nabad gelyadiina iyo bad-qabka dhoofkiina ayaa ku jira baadhitaanka ee u dul qaata.”
Agaasimaha Guud oo aanu waydiinay in ay jiraan shirkado diyaaradeed oo Caalami ah oo ku soo kordhay Duulimaadyada Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal,waxa uu kaga jawaabay  “Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airweys in ay naga soo codsatay in ay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin,waxaanan eegaynaa duulimaadka shirkadda  soo kordhaysa waxay Somaliland ku soo kordhinayso iyo faa’iidada qaranka ugu jirta iyo sida aanay khasaare ugu keenayn ganacsiga shirkadaha wadaniga ah ee dhawr iyo labaatanka sanno dalka u soo adeegayay oo iyaga laftoodu u baahan in laga ilaaliyo in ay khasaaraan ama suuqa laga saaro,waxaanan u eegnaa shirkadda soo kordhaysa rakaabka ay u baahan tahay, inta maalmood ee ay duulimadyo samaynayso iyo suuqa ay soo kordhinayso markaa walli jawaab maanu siin,imikaba shirkadda Imaraadku  waxay todobaadkii duulimaadyo samaysaa afar maalmood si shirkadaha kale iyo iyadu aanay rakaabka isugu cidhiidhyin.”

“Waxaa kale oo naga go’an in Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal in uu noqdo Madaar Caalamka ku xidhan oo dunida kale iyo Somaliland isku xidha oo looga kala goosho waxaanu qorshaha Wasaaraddu uu yahay in aanu soo kordhino shirkado caalami ah oo dunida oo dhan duulimaadyo ka sameeya taasoo ay ku  jirto horumarka Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba si dalalka dunida oo dhan Hargeysa loogaga safri karo dhinaca socdaalka cirka,Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-sayid oo xalay u warramayay wargeyska DAWAN.
Dawannews Hargeysa office

1/30/2016

Shirkii bilaha ahaa ee Wasaarada iyo Qudbadaydii


Maalintii Khamiista ahayd ee 28/01/2016 , waxa aanu qabanay shir weynihii shaqaalaha wasaarada iyo madaarka cigaal oo bil walba khamiista u dambaysa la qaban jaray.






Waxa marti noogu ahaa agaasimaha guud ee Baanka dhexe, iyo Madax ka socota shirkada Telesom oo ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Aar iyo Cabdiraxman Shide.








Ajandaha shirku wuxuu ahaa, sidii shilingka Somaliland loo tayayn lahaa, looguna isticmaali lahaa mushaharka shaqaalaha madaarka iyo wasaarada guud ahaan oo dhan $ 100,000.


Waxaan ka jeediyay khudbad dheer, oo qaadatay 7 daqiiqo oo aan diirada ku saaray sida looga gaashaaman karo siciir bararka soo noqnoqday.

1/27/2016

Qalin jabintii Caalami Schools +700 ardey


Maanta Waxaan ka qayb galay xaflada qalin jabinta iskuulada caalami oo ay ka qalin jabinayeen in ka badan 700 arday.

Iskuulada caalami waxa aasaaasay oo hirgaliyay dhalinyaro aan asxaab iyo isku fac ahayn, oo uu hormuud u yahay Cabdiraxmaan ismail axmed  ( Cabdi Seed ) oo ka sokow inaanu isku fasal ahayn aanu ahayn isku kursi iyo saaxiib mudo dheer.

Waxa ka soo qayb galay madax dawlada ka tirsan, culimo, cuqaal iyo arday farabadan.

Waxaan ka mid ahaa marti sharaftii lagu soo casuumay xafladaas, oo aan ka jeediyay khudbad aan ku dhiiri galinayo ardayda guud ahaan, gaar ahaan 700 ee qalin jabinayay.

Waxa marti sharafta ka mid ahaa Sheik Adan Siiro iyo  Cali guray oo dawlada aad iyo aad u dhaliila, laakin goobtan kamay sheegin wax dhaliil iyo aflagaado ah oo ku saabsan dawlada.

1/14/2016

Soo dhawayntii Xildhibaan Mohamed Khadar Dahir


Maanta oo ah Khamiis  taariikhduna tahay 14/01/2016, waxa madaarka caasimada aan ku soo dhaweeyay Musharax Mohamed Khadar Dahir oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar caafimaad oo uu ku tagay dalka India.

Sidoo kale Maxamed Khadar waa Sxb igu dheer oo ilaa yaraantii aanu sxb ahayn, waa halyay ku sifoobay sifooyin badan oo ay adagtahay in laga helo dadka sabanka nool.


Maxamed waxaan u rajaynayaa guul doorashada soo socota, sidoo kale waxaan isla maanta isla hal duulimaad la socday Maydka Marxuum Abwan  Cali sugule Dun carbeed oo laga soo dajiyay garoonka si loogu aaaso xabaalaha naasa hablood ee magaalada Hargiesa.


Ilaahay ha u naxariisto Cali Sugule wuxuu ahaa tiir dhexaadka fanka casriga ah ee Somaliyeed.

Waxaanu subaxdii hore intaan diyaaradu iman aanu wada sheekaysanay fanaanada qaran ee caanka ah Khadra Dahir Cige, oo wax badan nooga sheegtay Abwan Cali Sugule.


Waxyaabaha xiisaha lahaa ee ay khadra iyo Macalin Mataan oo nagu soo biiray aanu wadaagnay waxa ka mid ahaa in Cali sugule iyo tiimkiisa fanaaniinta hargiesa ay dageen Xaafada dumbuluq iyaga oo la baxay Somali Music and Sports Club, ka dib markay is khilaafeen koox kale oo iyaguna Reer Hargeisa ah oo daganaa Xaafada Daruuraha.
Xafiiltan dheer ka dib xaruntii Dumbuluq ayaa ka saamayn badatay tii Daruuraha oo iyadu sanado badan camirnayd oo calanka sidatay.

Isaga oo arintaas cabiraya waxa uu Cali Sugule Yidhi
" Haday daantaasi daruuro lahayd
   Dadkii Janadaa lugaynaayoo
   Dumbuluq dayaxbaa u soo baxay"