8/13/2020

Faahfaahin kooban oo aan ka bixiyay doorashada iskaashatada gaadiidka tawfiiq

 

Faahfaahin kooban oo aan ka bixiyay doorashada gaadiidlayda tawfiiq oo doorasho gashay, isla markaana ay maamulkii hore ku talaabsadeen arimo sharci jabin ah. 

waxan ka jawaabay eedayn aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ii soo jeediyeen xisbiyada mucaaradku.


7/25/2020

Doorashii labaad ee iskaashatada gaadiidlayda tawfiiq

 Ururka gaadiidlayda waa weyn ee tawfiiq ayaa shirwaynihoodii labaad qabsaday mudadii ay ay wasaaradu diiwaangalisay, halkaas ooo lagu doortay hogaan cusub oo lagu soo xulay aqoon inay leeyihiin.

Wafti wasaarada ka socda oo aan anigu hogaaminayo ayaa hawshaas gacanta ku hayay, oo ka koobnaa lix xubnood

 

 

 

 

 

 



 

 

 


7/23/2020

Shaqo ka joojintii madaxii xafiiska xidhiidhka ( Communication officer)

Raali galin:

Waxaan halkan ka raali galinaynaa Shacbiga JSL, guud ahaan cidii dhibsatay laba qoraal oo kala dambeeyay oo lagu baahiyay Wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadku barta ay ku leedahay facebook.

Wasaaradu waxay talaabo ka qaaday cidii masuuliyadaas lahayd.

Cumar Sayid Cabdilahi Aden

Agaasimaha Guud ee W.Gaadiidka & H Jidadka

 

7/22/2020

Furitaankii Xarunta BBG ee Berbra ( Alpha Group )

Waxaan ka daahfuray xarunta baadhitaanka badqabka ee gaadiidka gobolka saaxil ee loo yaqaan Alpha tech berbera.

waxa ka soo qayb galay madax kala duwan iyo shacbiga reer berbera

 

 

7/06/2020

Abaal marintii la i gudoon siiyay, BBG



Mashuuracan wuxuu ahaa guul u soo hoyatay qaranka, iyo guud ahaan sooyaalkayga taariikheed. halaas waxa la igu maamuusay shahaado sharaf.

Daahfurka Xarumaha BBG ee Wadanka



Madaxweyne ku Xigeenka JSL ayaa daahfuray xarumaha badqabka baadhitaanka gaadiidka BBG ee lixda gobol ee wadanka, isaga oo xadhiga ka jaray labada xaruumood ee bariga hargaysa iyo galbeedka hargaysa.


Wuxuu ahaa mashruuc wadanka ku cusub oo ingiriiskana looga yaqaan MOT checking waa mashruuc aan fulintiisa iyo hal abuurkiisaba lahaa , si wayna laygu amaanay.

7/02/2020

Xafladii liisanka gaadiidka dawlada

Maanta waxaan gudoonsiinay liisamada cusub ee gaadiidka dawladu yeelan doonaan 27 darawal oo ah dafcadii koowaad ee dhamaysatay tababarka darawalnimada, oo ka mid 423 darawal ee ah shaqaalaha rasmiga ah ee dawlada ,  kuwaas oo ka kala socday shan wasaaradood iyo hayad madax banaan ee dawlada.

Xafladii qalin jabinta iyo abaal marinta waxa nagala soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Ganacsiga,WD , Tamarta iyo macdanta,Hawlaha Guud GDH, Gaashaandhiga, Maalgashiga , Gudoomiye ku xigeenada Hayadaha shaqaalaha dawlada iyo Barakacayaasha iyo Qaxooontiga, taliyaha ciidanka taraafiikada iyo Masuuliyiin kale.

Waxay ka mid ahayd qorshaha hirgalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigio 22 aad ee golaha Wasiirada 06 September 2019.

W/Q Agaasimaha guud Ee wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Zayid Omar Abdilahi