8/18/2013

Madaarka Caasimada


تعبيرات سيد عمر


Qaybta departure ee madaarka 
Shalay oo ay ku beegnayd 17 August 2013 waxa dib loo furay madaarka caasimada ee Egal International Airport oo xidhnaa mudo 15 bilooda.

Waxa la xidhay madaarka 28 May 2012 iyada oo dhamaan hawlihii kala duwanaa iyo shaqaalihiiba intii badnayd loo soo wareejiyay Madaarka Berbera.

Qaybta shrikadaha diyaaraha iyo miisaanka ee madaarka
Madaarka Hargeisa dib u dhiskiisa waxa maal galisay Kuwait fund, oo ku deeqday 10 million oo dolar oo loo kala qaybiyay labada madaar ee Berbera iyo Hargeisa.

Waxa la casriyeeyay dhabada diyaaraduhu ka haadaan oo la dhisay sanadkii 1954 .

Waxa xusid mudan ilaa wakhtigaa la dhisay inaan mar kaliya dayactir ama kordhin midna lagu samayn.

Marka laga tago dhererkeeda oo ahaa 2460 M oo aan u suuro galinayn diyaaradaha waa wayn inay ku dagaan hadana waxa u sii dheeraa googo xad dhaafa oo ay sababtay roobabkii
iyo dayactir la'aantii.
Barxada sugayaasha ee madarka lagu soo kordhiyay


Dhabadaaas ayaa laga qabtay shaqo aad iyo aad u culus sida uu ii sheegay Eng Cabdi salan cali Bakeeri oo ah  Eng khabiira oo mudo afartan sano ah ka soo shaqaynayay madaarada ahna madaxa farsamada garoonka u qaabilsan wasaarada duulista.
garoonka maanta la dhisay wuxuu shaqayn doonaa lixdanka sano ee soo socda hadii ale idmo waa hadii si fican loo ilaaliyo loona dayactiro ayu yidhi Eng Abdi salaan.

Dhabada diyaaradaha ee la dayactiray oo wasiirku kormeerayo
Dhamaan hawsha laga qabtay garoonka waa mid heer caalami gaadhsiisan.
Tusaale ahaan jayga lagu sameeyay garoonka ilaa shaybaadh dibada ah la soo mariyo oo lagu qanco tayadiisa laguma samaynayn.

Waxa xusid mudnaa in madaaarka uu joogay oo uu Enginer ka ahaa Mr Gupta oo khibrad dheeraad ah u leh dhismayaasha madaarada, waana Enginerkii dhisay madaarka caalamiga ah ee Bombay iyo Delhi Airport.

Garoonka waxa kale oo la dayactiray  halka diyaaraduhu ka soo weecdaan iyo halkay istaagaan oo laga kala yidhaahdo ( Taxi way and Apron).

Waxa garoonka ka dhiman in dhererkiisa lagu daro ugu yaraan 1000 M oo kale si dhererkiisu uu u leekaado garoonada caalamiga ah oo diyaarad walba uga dagi karto.

Arintaas oo imikaba u diyaar ah oo si deg deg ah loogu dari doono xukuumaduna balan qaaday.

Waxa jira mashaariic kale oo lagu soo kordhiyay terminalka  oo kala ah sidan hoos ku qoran:

1: Barxada sugayaasha oo ah qayb loogu talo galay dadka sugaya rakaabka soo dagaya
2: Barxada sagootinka oo ah qayb iyana loogu talo galay dadka sagootinaya rakaabka
3: Barxad wayn oo loogu talo galay dad weynaha soo dhawaynaya wufuuda kala duwan

Waxa la sameeyay markii ugu horaysay qayb loogu talo galay rakaabka business class tigidho ah sita ee aan VIP ahayn,iyada oo loo diyaariyay meel gaar ah oo adeeg dheeraad ah ku heli doonaan.

Sidoo kale waxa lagu soo kordhiyay xafiisyo fara badan oo ay isticmaali doonaan qaybaha kala duwan ee maamulka madaarka iyo laba xafiis oo loogu talo galay wararka ee ku kala yaala qaybta dhoofka iyo qaybta soo dagista oo ka jawaabi doona wardoonka iyo cabashada rakaabka.



8/11/2013

Darajada ciidamada


تعبيرات سيد عمر
                                                                                                 

Laf dhan Jananka diidaa ----- Xabsiguu liinta ku cabaa
                                                                  


Sareeye Gaas Ismacil Shaqale
Taliyaha Militaryga Somaliland
Sareeye Guuto A.Fadal Iimaan
Taliyaha Boliska JSL

Somaliland waxay leedahay 5 ciidan oo kala duwan oo kala ah ciidamada militaryga, booliska,socdaalka, ilaalada xeebaha , iyo sirdoonka .

Waxa Somaliland wali aanay samaysan ciidamada cirka oo ah kuwo muhiim ah.

Darajooyinka la bixiyay waxay dhan yihiin in ka badan 10,000 oo darajo.

Darajooyinkaasi oo ah 15 darajo  oo kala ah sidan hoos ku qoran oo sadex sadex isu raacsan, halka darajada ugu dambaysa ee Marshaal ayna wali cidna ku salaaxin.


Alifle
Laba alife
Sadex alifle     ( Saajin)
Xadhigle 
Laba Xadhigle
Sedex xadhigle   (Isbatoore)

Xidig leh

Sareeye Guuto Axmed aw Cisman
  Taliyaha ciidama ilaalada xeebaha JSL
Laba Xidig leh
Sadex Xidig leh (kaptan)

Gaashaanle      (Mijir)
Gaashaanle dhexe  (Laf dhan )
Gaashaanle  sare   (Jeneral )


Sareeye Guuto  ( Brigadier)
Sareeye gaas     ( Major General)
Marshaal      



Caqabadihii hor taagnaa darajada:

Marka laga hadlayo darajada Somaliland waxa hor taagnaa sadex caqabood oo kaliya oo kala ah

1: Caqabad dhaqaale oo darajo kasta waxay wadataa kharashkeeda iyo mushaharkeeda
2: Caqabad beelnimo oo ah in reer walba odhan doono saamigaygii waa la duudsiyay.
3: Sida laga yeelayo ciidamadii soo halgamay iyo kuwii dawladii hore ka hadhay ee Siyad Bare

Hadii aan u daadagno caqabadahaas iyo sida laga yeelayo, aan ku horayno caqabada dhaqaalaha.

Waxaad la wada socoteen in sanad walba Somaliland miisaaniyadeedu kordhi jirtay, hadaba sanadkan korodhka miisaaniyada waxa lagu beegi doonaa darajada oo lagu qiyaasay inay soo kordhin doonto ugu yaraan lacag aan ka yarayn 3 million oo dolar.

Ta labaad ee ah caqabadii reeraha wali si rasmi ah loogama gudbin iyada oo aad arkayso in reer walba uu iskiis isugu mashquulsan yahay, iyaga oo tirsanaya inta darajo ee ay heleen.

Tan sadexaaad oo ahayd hal xidhaale furfuridiisu wakhti qaadatay oo ahaa sidii laga yeeli lahaa labadii qolo ee fiintu kala dhex miratay ee kala ahaa hadhaagii Siyaad Bare iyo Jabhadii SNM.

Arintaasna xal fican ayaa laga gaadhay oo ah in mid walba sidiisii loo qiimeeyo, in kasta oo dadka qaar leeyihiin saraakiishii SNM waa laga bursaday darajooyinka.

Maadaama darajada la bixiyay ay badnayd oo ay ahayd 10,000 oo darajo reer walba wuxuu helay in ka badan dhawr boqol oo darajo taas oo kala suuxisay dadkii .

Dhacdooyinka yaabka lahaa waxa ka mid ahaa in saraakiil afmiishaarnimo iyo odoyaal ku qabsatay xilal muhiim ah oo ciidamda ka tirsan ay ka sareeyeen kuwo waashmaano ahaa labaatankii sano ee ugu dambeeyay laakin aqoontooda ciidan heer sare gaadhsiinayd wakhtigii dawladii hore.
arintaas is daba marka saraakiishii shalay iyo kuwa cusub waa arin Somaliland oo dhan ka dhacday.

Kolayba wax walba oo loo baratamo looma sinaado oo cid ayaa u badsata, laakin caqli maaha in horumarkii dawliga ahaa u xanibnaado reer hebel ayaa bursanaya.

Sidoo kale mar kasta oo talaabo la qaado waxa barbar socda dhaliisheeda iyo gal dalooladeeda.
gobolada somaliland oo dhan waxa ka jira cabasho aan badnayn oo la soo gudbiyay, iyada oo gudidaa qiimayntuna dib u eegi doonto cabashooyinkaas.

Laakin guud ahaan marka la eego bixinta darajada ciidamada somaliland waa talaabo hore loo qaaday oo adkaynaysa dawladnimdan curdinka ah.
Dhamaan shacabka,mucaarid iyo muxaafidba isku si loo soo dhaweeyay.

Aniguna aan ku daro hambalyadayda dhamaan ciidamada kala duwan ee dalka hooyo oo aan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo.