10/24/2019

Furitaankii Xafiiska gaadiidka tawfiiq iyo waaxda bada



Waxaan maanta xadhiga ka jaray laba xafiis oo ay kala leeyihiin iskaashata gaadiidka xamuulka ee ka hawl gala dekeda Berbera ee Tawfiiq, iyo waaxda gaadiidka Bada ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Degmada Berbera, gobolka Saaxil.

Xafiisyadani waxay wax wayn ku soo kordhin doonaan, adeega gaadiidka & rarka transite ka Ethiopia -Somaliland.

Sidoo kale waxaan kormeer ku soo sameeyay habka ay u socoto adeega xidhitaanka qalabka xadidadada xawaaraha, iyo hanaanka cusub ee imtixaanka liisanka darawalnimada.

Socdaalka waxa igu wehelinaya agaasimayaal, iyo saraakiil ka tirsan wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka.