12/30/2019

Ogaysiis ku saabsan qalabka xadidaaada xawaaraha


Waxaanu shir jaraaid oo wada jir ah, ku qabanay xafiiskayga taliyaha guud ee ciidanka nabadgalyada wadooyinka maxamed cige cidheere, oo aanu kaga hadalnay dhamaystirka wajiga koowaad ee qalabka xadidaada xawaaraha oo dhamaad ku dhaw, sido kale aanu ogaysiin ku siinay dhamaan gaadiidka booyadaha, iskorogooyinka iyo gaadiidka qaadlayaasha.


11/24/2019

Xuska Maalinta caalamiga ah ee dadka ku waxyeelooba shilalka


Maalinta caalamiga ah ee xuska dadka ku waxyeeloobay shilalka ayaanku qabanay guud ahaan somaliland goboladeeda, xafladii ugu waynayd waxay ku qabsoontay magaalada hargeisa halkas oo aan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa .                                                                         








11/01/2019

Kulankii Axmed Saleebaan bide


Habeenimadii Sabtidu soo galaysay ee Maalintuna Jimce ahayd, waxa aan ka qayb galay kulan faneed ay soo qaban qaabiyeen Shirkada Daabacada Colour Zone, iyo Tvga Saab TV.

Waxay ahayd xaflad bilan oo boqran, in kasta oo hadalkii aan meesha ka jeediyay qaybti aan ugu jawaabayay xisbiga Wadani aanay soo dayn oo ay xagaas u badnaayeen.

10/24/2019

Furitaankii Xafiiska gaadiidka tawfiiq iyo waaxda bada



Waxaan maanta xadhiga ka jaray laba xafiis oo ay kala leeyihiin iskaashata gaadiidka xamuulka ee ka hawl gala dekeda Berbera ee Tawfiiq, iyo waaxda gaadiidka Bada ee wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka ee Degmada Berbera, gobolka Saaxil.

Xafiisyadani waxay wax wayn ku soo kordhin doonaan, adeega gaadiidka & rarka transite ka Ethiopia -Somaliland.

Sidoo kale waxaan kormeer ku soo sameeyay habka ay u socoto adeega xidhitaanka qalabka xadidadada xawaaraha, iyo hanaanka cusub ee imtixaanka liisanka darawalnimada.

Socdaalka waxa igu wehelinaya agaasimayaal, iyo saraakiil ka tirsan wasaarada gaadiidka iyo horumarinta Jidadka.


8/19/2019

Xaflada Daahfurka Iskuulka wadayaasha iyo liisanka Cusub ee gaadiidka dawlada


Maanta waxa noo qabsoontay xaflad balaadhan oo ay ka soo qayb galeen, Wasiirada,Wasaaradaha gaadiidka & H. Jidadka, Ganacsiga, warshadaha iyo Dalxiiska , Wax barashada & sayniska , Maareeyaha hayada Qaxoontiga iyo barakacayaasha ,gudi hoosaadka baarlamaanka JSL ee arimaha gaadiidka, Machadka IBBLS, Machadka Hargeisa Nursing school iyo marti sharaf kale oo tiro badan taas oo lagu daahfurayay iskuul casriya oo lagu tababari doono wadayaasha gaadiidka dawlada, macalimiinta iskuulada barashada xirfada wadista, iyo ciidanka nabad galyada wadooyinka, taas oo qayb ka ah hargalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigii 22 aad ee Golaha Wasiirada September 2018.
Sidoo kale waxaanu soo bandhignay liisanka wadista gaadiidka dawlada oo casri ah , oo ay qaadan doonaan dhamaan darawaliinta gaadiidka dawlada tababarka ka dib, iyada oo la rasmi ah loo joojiyay dhamaan liisanadii hore ee lagu kaxayn jiray gaadiidka dawlada ( GT ) ee warqada ahaa.
Waxa abaal marin la gudoon siiyay Maareeye abdikariim xinif oo loo gartay masuulkii sida ugu fiican u maamulay gaadiidka dawlada iyo labada wasaaradood ee ganacsiga iyo Deegaanka oo iyaguna dedaal dheere ah la yimid.












6/09/2019

Shirka Maamul daadajinta GPLG iyo Burco oo rooban.


We had our 14th Technical Working Group meeting of the Joint Programme on Local Governance and Decentralized Service Delivery (JPLG), yesterday in Bur´o City, Togdheer.
The JPLG aims to strengthen local governance and to enhance decentralized service delivery in all the regions of Somaliland.
Director Generals, Mayors, and the JPLG Champion office team attended the meeting




5/27/2019

Shirkii Gaadiidka rakaabka goboladda iyo amaradii wasaarada


Ka dib markii madaxweynuhu amar ku siiyay wasaarada iyo ciidanka nabad galyada wadooyinka, in wax laga qabto shilalka gaadiidka ee wadanka u soo badanaya, waxaan maanta shir kula yeeshay wasaarada gaadiidka, dhamaan shirkadaha gaadiidka ee rakaabka qaada ee u kala goosha gobolada kuwaas oo amaro culus aanu dul dhignay.

Bilawga Todobaadka badaabada iyo badhtamaha Hargeisa


Maanta waxaan bilawnay todobaadka badbaada gaadiidka ee qaramada midoobay ee somaliland oo markii 5 aad laga xuso wadanka, waxaan kaga qayb qaatay shir jaraaid oo aan ku qabtay badhtamaha magalaada hargeisa aniga iyo saraakiil ka tirsan wasaarada iyo ciidanka nabad galyada wadooyinka.


'

Hirgalinta Mashruuca tijaabada ah ee GPRS system ee gaadiidka dawlada

Maanta oo bishu tahay 2 bisha  May, waxaanu daah furnay barnaamji tijaabo ah, oo gaadiidka dawlada lagula soconayo ( GPRS) system, kaas oo qorshuhu yahay inaanu hirgalino sanadka 2020.




3/14/2019

Sharaxada qiime dhimista sumada gaadiidka


Maanta Waxaan sharaxaad  kooban ka bixiyay qiime dhimistii lagu sameeyay sumada gadaiidka dad weynaha oo dad weynu u fahmeen si khaldan.

3/13/2019

Xeerka Anshaxa Darawaliinta Gaadiidka Dawlada.




Maanta oo taariiikhdu tahay 13 Bisha March 2019, Waxaanu xarunta wasaarada ku qabanay Kulan hawleed lagu gorfaynayay xeer hoosaadka anshaxa darawaliinta gaadiidka dawlada, oo ah arin runtii muhiim u ah hirgainta siyaasada gaadiidka dawlada.                                                                                





2/27/2019

Furitaankii Xafiiska Quota office.


27, 2 ,2019, waxan safar kadis ah ugu baxay degmada berbera aniga oo ka soo furay xafiiska quata office ama tirokoobka gaadiidka isaga kala goosha ethiopia iyo somaliland.

2/07/2019

Dhagaxdhigii wada Hargeisa - Kalabaydh iyo M.Biixi



Xafladan oo ka dhacday duleedka galbeed ee magalaada ayaa waxa ka soo qyab galay madaxweynaha JSL.