7/02/2020

Xafladii liisanka gaadiidka dawlada

Maanta waxaan gudoonsiinay liisamada cusub ee gaadiidka dawladu yeelan doonaan 27 darawal oo ah dafcadii koowaad ee dhamaysatay tababarka darawalnimada, oo ka mid 423 darawal ee ah shaqaalaha rasmiga ah ee dawlada ,  kuwaas oo ka kala socday shan wasaaradood iyo hayad madax banaan ee dawlada.

Xafladii qalin jabinta iyo abaal marinta waxa nagala soo qayb galay agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Ganacsiga,WD , Tamarta iyo macdanta,Hawlaha Guud GDH, Gaashaandhiga, Maalgashiga , Gudoomiye ku xigeenada Hayadaha shaqaalaha dawlada iyo Barakacayaasha iyo Qaxooontiga, taliyaha ciidanka taraafiikada iyo Masuuliyiin kale.

Waxay ka mid ahayd qorshaha hirgalinta siyaasada gaadiidka dawlada ee lagu ansixiyay kalfadhigio 22 aad ee golaha Wasiirada 06 September 2019.

W/Q Agaasimaha guud Ee wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Zayid Omar Abdilahi

No comments:

Post a Comment