8/11/2013

Darajada ciidamada


تعبيرات سيد عمر
                                                                                                 

Laf dhan Jananka diidaa ----- Xabsiguu liinta ku cabaa
                                                                  


Sareeye Gaas Ismacil Shaqale
Taliyaha Militaryga Somaliland
Sareeye Guuto A.Fadal Iimaan
Taliyaha Boliska JSL

Somaliland waxay leedahay 5 ciidan oo kala duwan oo kala ah ciidamada militaryga, booliska,socdaalka, ilaalada xeebaha , iyo sirdoonka .

Waxa Somaliland wali aanay samaysan ciidamada cirka oo ah kuwo muhiim ah.

Darajooyinka la bixiyay waxay dhan yihiin in ka badan 10,000 oo darajo.

Darajooyinkaasi oo ah 15 darajo  oo kala ah sidan hoos ku qoran oo sadex sadex isu raacsan, halka darajada ugu dambaysa ee Marshaal ayna wali cidna ku salaaxin.


Alifle
Laba alife
Sadex alifle     ( Saajin)
Xadhigle 
Laba Xadhigle
Sedex xadhigle   (Isbatoore)

Xidig leh

Sareeye Guuto Axmed aw Cisman
  Taliyaha ciidama ilaalada xeebaha JSL
Laba Xidig leh
Sadex Xidig leh (kaptan)

Gaashaanle      (Mijir)
Gaashaanle dhexe  (Laf dhan )
Gaashaanle  sare   (Jeneral )


Sareeye Guuto  ( Brigadier)
Sareeye gaas     ( Major General)
Marshaal      



Caqabadihii hor taagnaa darajada:

Marka laga hadlayo darajada Somaliland waxa hor taagnaa sadex caqabood oo kaliya oo kala ah

1: Caqabad dhaqaale oo darajo kasta waxay wadataa kharashkeeda iyo mushaharkeeda
2: Caqabad beelnimo oo ah in reer walba odhan doono saamigaygii waa la duudsiyay.
3: Sida laga yeelayo ciidamadii soo halgamay iyo kuwii dawladii hore ka hadhay ee Siyad Bare

Hadii aan u daadagno caqabadahaas iyo sida laga yeelayo, aan ku horayno caqabada dhaqaalaha.

Waxaad la wada socoteen in sanad walba Somaliland miisaaniyadeedu kordhi jirtay, hadaba sanadkan korodhka miisaaniyada waxa lagu beegi doonaa darajada oo lagu qiyaasay inay soo kordhin doonto ugu yaraan lacag aan ka yarayn 3 million oo dolar.

Ta labaad ee ah caqabadii reeraha wali si rasmi ah loogama gudbin iyada oo aad arkayso in reer walba uu iskiis isugu mashquulsan yahay, iyaga oo tirsanaya inta darajo ee ay heleen.

Tan sadexaaad oo ahayd hal xidhaale furfuridiisu wakhti qaadatay oo ahaa sidii laga yeeli lahaa labadii qolo ee fiintu kala dhex miratay ee kala ahaa hadhaagii Siyaad Bare iyo Jabhadii SNM.

Arintaasna xal fican ayaa laga gaadhay oo ah in mid walba sidiisii loo qiimeeyo, in kasta oo dadka qaar leeyihiin saraakiishii SNM waa laga bursaday darajooyinka.

Maadaama darajada la bixiyay ay badnayd oo ay ahayd 10,000 oo darajo reer walba wuxuu helay in ka badan dhawr boqol oo darajo taas oo kala suuxisay dadkii .

Dhacdooyinka yaabka lahaa waxa ka mid ahaa in saraakiil afmiishaarnimo iyo odoyaal ku qabsatay xilal muhiim ah oo ciidamda ka tirsan ay ka sareeyeen kuwo waashmaano ahaa labaatankii sano ee ugu dambeeyay laakin aqoontooda ciidan heer sare gaadhsiinayd wakhtigii dawladii hore.
arintaas is daba marka saraakiishii shalay iyo kuwa cusub waa arin Somaliland oo dhan ka dhacday.

Kolayba wax walba oo loo baratamo looma sinaado oo cid ayaa u badsata, laakin caqli maaha in horumarkii dawliga ahaa u xanibnaado reer hebel ayaa bursanaya.

Sidoo kale mar kasta oo talaabo la qaado waxa barbar socda dhaliisheeda iyo gal dalooladeeda.
gobolada somaliland oo dhan waxa ka jira cabasho aan badnayn oo la soo gudbiyay, iyada oo gudidaa qiimayntuna dib u eegi doonto cabashooyinkaas.

Laakin guud ahaan marka la eego bixinta darajada ciidamada somaliland waa talaabo hore loo qaaday oo adkaynaysa dawladnimdan curdinka ah.
Dhamaan shacabka,mucaarid iyo muxaafidba isku si loo soo dhaweeyay.

Aniguna aan ku daro hambalyadayda dhamaan ciidamada kala duwan ee dalka hooyo oo aan leeyahay Hambalyo Hambalyo Hambalyo.



No comments:

Post a Comment