5/22/2017

Safaradii aan ku tagay Borama iyo Addis ababa

http://ilaysnews.com/articles/2388/Agaasimaha-Duulista-Oo-Cabsi-Uu-Ka-Qabo-In-Xilka-Laga-Qaado-Darteed-U-Ban-Baxay-Olalaha-Xisbiga-Kulmiye-Shaqadii-Uu-Qaranka-U-Hayey-Oo-Uu-Hilmaamey


Waxaaan 24 April Safar siyaasadeed ku tagay degmada Borama, waxaana safarkaas hogaamiyaya gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane muse bixi cabdi.

Wuxu ahaa runtii safar siyaasadeed muhiim u ah xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale kaygaba, waxaana war been abuur ka qoray saxaaafada qaar oo u adeegta xisbiyada Mucaaradka ah.

Waxa safarka igu wehelinayay dhalinyaro xilal kala duwan ka haysa Xisbiga Kulmiye iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, waxaanu u hoyanay hal habeen.

Waxa safarka Weeraro siyaasadeed oo aan waxba la isula hadhin ku dhex mareen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi oo maalintii Kowaad Weerarka bilaabay, xafladii ay dhlainyara Borama ugu biirayeen Xisbiga Kulmiye, iyo maalintii labaad oo uu jawaab ka bixiyay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani, oo isna ka hadlayay Xaflada furitaanka Kaadh qaadashada doorashada Somaliland.

Gudoomiye Biixi waa waayo arag,suugaan yahan ah oo dadka markuu hor joogo wax sheegi kara, dad cusubna kasban kara.


09. May waxaan iyadana safar shakhsi ah ku tagay Magaalada Addis Ababa, oo aan ka doontay Vise aan ku tago dalka Hindia.

Alxamduilah, ilaahay ayaa ii suuro galiyay inaan si dhib yar ku helo Visaha India, sidoo kale Xaaskayga oo safarka igu wehelin doonta iyadana waxa aan Visa uga soo qaaday dalka Kenya.


Safarka Addis dad badan oo masuuliyiin ah ayaan ku kulanay, oo sheeko wadaag aanu yeeelanay.

No comments:

Post a Comment