7/22/2013

Muslimiinta Burma iyo xasuuqa aamusan


تعبيرات سيد عمر

وما نقمو منهم الا ان يومنو بالله العزيز الحميد    


Iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan dhamaan dunida muslimkana laga sooman yahay waxaan marka hore ilaahay inooga baryayaa idinka iyo anagaba in acmaasheena  saalixa ah la inaga aqbalo dhamaanteenba.

Waxaan  qormo yar oo kooban ku eegi doonaa muslimiinta Burma ama Myanmir iyo xasuuqa lagu wado ee aduunyaduna ka aamusan tahay .

Dalkan  dadkiisu u badan yahay dab caabudka  ( Budhist) waxa gumaysan jiray boqortooyada midawday ( UK ) oo qabsatay qarnigii 18 aad.

Waxay madax banaanidooda  ka heleen ingiriiska 1948, caasimadooda waxa la yidhaahdaa Naypyidaw dadkiisana waxa lagu qiyaasaa 48 Million, wuxuu dhacaa dalkani koonfur bari Asia isaga oo mar  ka mid ahaa wadanka India.

Dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee ku nool Burma waxa badankoodu ka soo jeedaan qoomiyada Rohingya iyo muslimiin kale oo ka tagay carabta ama india oo wakhtiyo hore halkaas hawlo kala duwan u tagay kuna tarmay.

Iyada oo xaalada siyaadadeed ama dhaqaale ee dalkaasi marnaba ayna dagin ilaa xornimadoodii, hadana dadka muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay waxay hormood u noqdeen dhaqaalihii wadanka iyaga oo ku sii darsaday dacwada islaamka. taas oo keentay in maalin walba tiradoodu sii korodho  oo boqolaal qof islaamaan.

Si la mid sidii loo galay walaaladood Kashmir, Kosovo , Bosnia , Falastiin iyo muslimiinta China iyana markooda waxay nasiib u heleen in ay noqdaan bar tilmaameed nugul oo looma ooyaan ah .

Xasuuq wadareed socda qarniga 21 aad

Waxa lagula kacaa wax kasta oo dhibaato ah oo aadami loo gaysto sida  kufsi, dil,gawrac,xasuuq wadareed, barakicin , isir sifayn iyo wax yaabo ka sii xun xun, iyada oo laga dhigay kuwo xabad lagu dilay, kuwa nolosha lagu gubay, kuwo la gawracay iyo qaar firxadkoodii badaha iyo xeryaha qaxoontiga ku saxariiray.



Bil kasta kumanaan muslimiin ah ayaa lagu qasbaa inay ka qaxaan gobolka ARAKANA oo ay iyagu iska leeyihiin iyada oo ay isku kaashadaan falaagada Junta iyo ciidamada dawladan dhiigya cabka ah

Qoladan dabka caabudka ah waxay doonayaa inay tirtiraan dadkaas muslimiinta ah ilaa laga waayo hal qof oo muslim ah oo jooga Burma, ka dib markii ay u adkaysan waayeen sida nuurka islaamku ugu baahayo dalkooda oo maalin walba ay boqolaal qof u islaamayaan.

Waxay u qaxaan wadama la jaarka ah ee ay ugu badan yihiin wadanka Bangaladhesh, Indonesia , India iyo Thailand iyadoo qaar badan oo kale sida somalida doomo ay ku safrayeen ay la qarqoomeen

Hayada UNHCR bil kasta waxay diiwaan galisaa kumanaan qaxoonti ah oo dadkaas muslmiinta ah iyaga oo xaalad nololeed oo adagi ku haysato dalalkaas ay u qaxeen.

Muslimiinta Asia oo ka dareen batay carabtii
Muslimiintan la dulmiyay waxay aduunyada ka waayeen gaal iyo muslim toona cid u soo gurmata, iyada oo dhamaan shucuubta caalamka ee munaafaqnimada ku bahawday isha ka daawanayso, marka laga reebo xoogaa muslimiin ah oo arintan mudaharaadyo ka dhigay dalalkooda.

Waxay galeen bishii ramadaan iyada oo xaaladoodu aad u liidato, in kasta oo ay xoogaa ka soo raynayso.
Waxaa la rajaynayaa in imaamka xaramku sanadkan ducadiisa ku soo dari doono, iyada oo xukuumada sucuudiga ee ay ducada kaga hadhayna ay isha ka daawan doonto 

Sida laga bartay taariikhda islaamka umad walba oo muslimiin ah oo cadaw xasuuqo oo ku soo duulo waxay arintaas ka dhaxlaan guulo waa wayn oo ay ugu wayn tahay inay bartaan oo jeclaadaan diintan darted loo dilayo iyo inay ku baraarugaan sida cadawga la isaga caabiyo.

Waxaan u rajaynayaa muslimiinta Burma inay soo noqdaan iyagoo geesiyo ah oo cashar ka bartay wixii ku dhacay, marnabana lagama adkaan doono insh alaah.

Maadama lagu jiro bishii barakaysnayd waxaan dhamaan muslimiinta soomaaliyeed u soo jeedin lahaa inay u soo duceeyaaan dadkaas dhibtu haysato bisha barakaysan awgeed in ilaahay faraj u furo.





 

1 comment:

  1. well done Mudaner Agaasime Guud run ahaantii waa warbixin Cilmiyeesan, oo ka hadlaysa ujeeddada Dhabta ah ee xasuuqa dadka Muslimiinta ah ee Rohingya

    ReplyDelete