8/19/2014

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada oo ka Hadlay xayndaabka garoonka


Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista ayaa  beeniyey warar sheegayey inay jiraan dad degan Koonfurta Madaarka Hargeysa oo Wasaarada duulistu ay ku tacadiday

Hargeysa ( ..) Agaasimaha Guud ee wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan ayaa beeniyey warar sheegayey inay jiraan dad degan Koonfurta Madaarka Hargeysa oo Wasaarada duulistu ay ku tacadiday.
1922438 1460258387524781 297619541 n


Agaasimaha Guud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey qorshaha ay Xukuumadda Somaliland u samaysay dad muwaadiiin ah oo dhul ay deganaayeen uu gaadhay dhismaha xayndaabka Madaarka Cigaal oo hada la wado.
oc 1
Agaasime Cumar Cabdilaahi oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ waxaanu maanta halkan ku beeeninaynaa warbixino ay qoreen qaar ka mida saxaafadda madaxa banaan kuwaas oo ay ku soo bandhigeen cabasho ay muujiyeen dad ay sheegeen inay degen yihiin koonfurta madaarka Hargeysa, waxanu halkan Warbaahinta uga cadaynaynaa in dadka halkan degen iyo wasaaradda duulistu ay in mudo ah uu wadahadal u dhaxeeyey kulamo joogto ahna ay soo yeesheen iyadoo arintaas ay nagula jiraan gudidda deegaanka Koonfurta Hargeysa, waxana kulamadaasi ujeedadoodu ahayd sidii madaarka xadkiisa loo sugi lahaa, dadka muwaadiniinta ahina ay xaqooda u heli laayeen, hadii ay tahay dhul badal iyo hadii ay tahay in guryaha iyo beerayaha soo galay in la qiimeeyo oo hantidoodii loo celiyo.”

Agaasime Cumar Sayid ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ dadkaas hantidaas leh iyo wasaaradda duulistu si fiican ayey isu fahan san yihiin , wada shaqayn wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, waxa ilaa shalay isa soo urursaday dad waji ku macaash ah oo aan meeshaas deganyey oo ilaa 10KM iyo in ka badan u jira dhulkani laga hadlo, dadkaasi waxay doonayaan dhul dheeraad ah iyo wax aanahay lahayn, waxana aanu dadkaas u sheegaynayaa in aanu meeshan dhul oolin , dadkaasi way isa soo abaabuleen ujeedo kale ayaana laga lahaa, waxana aanu u sheegaynaa in Dawladdu ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto, cidii aan madaarka agtiisa dhul ku lahayn, magaciisuna aanu wasaaradda u qornayeyn ee hawlahaas soo gasha dawladu talaabo sharci ah ayey ka qaadi doontaa.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay in wasaaradda ahaan ay ka go’an tahay in la dhawro xuquuqdada dadka deegaakaasi waxaanu yidhi “ dadka meeshan degan ee ay tahay inay dawladu la macaashina waxaanu halkan ugu balan qaadaynayaa in aanu hantidoodii iyo dhulkoodiiba loo celin-doono iyagoo dadkayagii ah, cid la dulmayaana aanay jirin, dadka ku shaqaynta is lehna, faraha kala baxa ayaanu leenahay, arinta dhismaha Xayndaabka madaarkuna waa arin dan guud ah waana la wadayaa.” Ayuu yidhi Md. Cumar Sayid.
oc 5

No comments:

Post a Comment