8/19/2014

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Duulista Oo Ka Jawaabay eedaymo been abuur ah




Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aan cashuurtaas hal doolar lagu kordhin. Wararka ay Xisbiyada mucaaridka ahi dadka u gudbiyeena waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.”
“ Aad iyo aad ayaanu uga xunahay in xildhibaano ka gaabiyay masuuliyadii loo soo doortay ay umadda u sheegaan waxaanay xog ogaal u ahayn oo aanay baadhis ku samayn.” Agaasime Cumar Sayid.

Hargeysa (..) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Cumar Cabdilaahi Aadan ayaa beeniyay eedayan ay u jeediyeen xisbiyada mucaaridka ahi iyaga oo sheegay in wasaaradda Duulistu ay lacago sharci darro ah ku kordhisay dadka adeegsada Madaaradda dalka.
Agaasime Cumar Sayid ayaa meesha ka saaray eedaha xisbiyada Mucaaridka iyo qaar ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada isaga oo sheegay haba yaraatee in aanay jirin lacag cashuur ah oo ay kordhiyeen.
Agaasimaha Wasaaradda Duulista iyo hawadda ayaa waxa uu arimahaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa hadaladiisii ka mid ahaa 

“ Maadaama dunida wadamo badan oo ka mid dadka la cashuuro marka ay soo dagayaan oo kali ah inaga Somaliland ahaana marka ay soo dagayaan iyo marka ay dhoofayaanba waa la cashuuraa, anaga oo ka faa’iidaysanayna waayo aragnimada aanu ka dhaxalnay arintaas, meeshana ka saarayna in muwaadiniintaas dhoofaysa, qaar ay u qaataan in aan cashuuri ku hadhin waxaanu dadka u dirnay fariin qoraal ah oo aanu ku ogaysiinayno cashuurta laga rabo. Dadka soo degayey oo sanadkan aad u badnaa waxaanu dareenay in dadku marka ay noqonayaan iyaga oo bilaa lacag ah madaarka yimaadaan oo aan ku soo tallo galin cashuurta, 
Wasaaradda duulistu iyada oo arintaas ka duulaysa waxa ay isku dayday in ay wacyigalin samayso waxaanay ku amartay shirkadaha diyaaradahu marka ay dadka buukinka u samaynayaan in ay ku war galiyaan lacagta cashuurta ah, sidoo kalena waxaanu la xidhiidhnay shirikada telesom si ay moobilada fariimo loogu diro dadwaynaha, lana ogaysiiyo cashuurta looga baahan yahay inay bixiyaan marka ay dhoofayaan. Cashuurtaas oo dhan $33 dollar oo wasaaradda Maaliyadu ay qaado sidii caadiga ahayd iyo $10kii doolar ee Amaanka madaaradda ee golaha wakiiladu ansixiyey .
Wadarta lacagtaas qofka dhoofaya looga baahan yahay waa $43 doolar oo horeba loo qaadi jiray, imikana la qaado ayaanu dadka fariimo ugu dirnay si ay ugu soo talo galaan.”
Agaasimaha guud Wasaaradda Duulista ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray

 “ Aad iyo aad ayaanu uga xunahay xildhibaano waaweyan oo dadka iyo dalkuba soo doortay in ay ka gaabiyaan mas’uuliyadii dadka ka saarnayd oo ay wax aanay xogogaal u ahayan saxaafada u soo bandhigaan, taas oo ku tusaysa sida aanay ugu kuur galin arintan inta aanay saxaafada soo hor fadhiisan waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aan cashuurtaas hal doolar lagu kordhin. Waxaanse idiin sheegayaa xisbiyada mucaaridka ah iyo xildhibaanada mucaaridka ahiba wararka ay dadka u gudbiyeen in ay yihiin warar aan jirin, oo aan sal iyo raad toona lahayan oo ay kasoo min guuriyeen wararkii suuqa, taasina waxay tusaysaa bisayl la’aanta xisbiyada mucaaridka ahi aanay u bislayan waxa ay umadda u gudbinayaan. Waxaanu marlabaad bulshada reer Somaliland ku adkaynaynaa in cashuurtaas ogaysiiskeeda taleefanadooda lagu soo diray in ay tahay cashuurtii sharciga ahayd ee awalba madaaradda laga qaadi jiray, balse la ogaysiinyo in ay dadku cashuurta ku soo tallo galaan.

Geesta kalena Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay dhismaha xayndaabka Madaarka oo gooyey qaar ka mida wadooyinkii deegaankaas mari jiray waxaanu yidhi “ Xayndaabkii madaarka ee aanu wadnay oo hada maraya ilaa 4.5KM oo siligii lagu xidhay ayaa sababay inay go’do wadadii hore ee Burco tagi jirtay ee madaarka dhinaca bari ka mari jirtay wadadaas oo ay isticimaali jireen dadweynaha ku socda deegaanada Xadhig-xadhig, Bandar-wanaag iyo Maygaagta, waxaanu dadkaas u sheegaynayaa in Wasaaradda duulista iyo dawlada hoose ay diyaariyeen wado la wareegaysa xayndaabka madaaarka, dadku waxay wareegi doonaan masaafo aan badnayn, wadadaas hada Dawallada hoose ayaa gacanta ku haysa waana la mari karaa, waxaanu dadweynaha ka raali galinayaa inay intaas yar noo samraan iyadoo lagu sugayo amaanka Madaarka.” Ayuu yidhi Cumar Cabdilaahi.


LikeLike ·  · 

No comments:

Post a Comment