7/09/2015

Burburkii Shirkii ICAO ee Nairobi


Waxaan markii koowaad tagay magaalada nairobi oo aan kaga qayb galay shir farsamo oo hayada ICAO ay nagu casuuntay shirkiina wuu burburay warsaxaafadeedkiisiina waa kan hoos ku qoran.

Shirka Farsamada ee Maamulka Hawada Somaliland iyo Somalia

Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed  (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo gudi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Somalia.
Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu ( stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Somalia la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faaiidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Somalia ogolaatay saxeexdayna  in maamulka hawada Somaliland iyo Somalia la dajiyo caasimada Hargeisa iyada oo ay maamulayaan gudi isku dhaf ah  , isla markaana  tiraba dhawr jeer  hayada ICAO ku cadaysay dhamaan assessemen yadeedii  in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeisa.

Waanu ka xunahay in dawlada somalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala  iyada oo qol madaw hayda ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba la socodsiinaynaa in shirkii farsamada  ahaa na loo soo  bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Somalia, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac. 
 Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu  ka mid ahaa safiirka turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo xubin sharafeed   ka ahaa  shirka hortooda  ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah  in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.
Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan  awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana  dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.
Waxaanu bari oo Jimce ah u amba bixi doonaa Dalkii insha alaah , iyad oo arintana go’aamadeeda siyaasiga ah  iyo talaabooyinka Xiga ee aynu dal ahaan qaadi doonana aad dib ka ogaan doontaan insha allaah .


No comments:

Post a Comment