7/06/2015

Dhagax dhigii Madaarka Laascaanood ( Gole yeedhay )



Maanta waxaanu dhagax dhignay Madaarka degmada Laascaanood ee Gole yeedhay loo yaqaan.

Waxa safarka igu wehelinayay wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Cabdirisaq khaliif Ahmed .

Waxa kale oo aanu garoonka ku soo sameeyay assesment ku saabsan waxyaabaha uu u baahan yahay ee aasaasiga ah sida gaadhi dab damis ah, laba xafiis iyo siligii garoonka .

Waxa nagala soo qayb galay madaxdii gobolka haday tahay madaxdii dawlada, madaxdii dhaqanka iyo ganacsatadii gobolka iyo dadwayne kale oo fara badan.






Dad waynaha gobolka sool waxaan ka dareemay inay hada uun si fiican u fahmeen macnaha dawladnimada iyo horumarka doonayaana inay la jaan qaadaan gobolada kale ee dalka.

Waxa qariib igu ahaa markii saddex gaadhi oo gaashaaman ay nagaga hor yimaadeen degmada OOG taas oo aan waxoogaa ka yara naxay.

Habeenimadii xalay waxaan ku tukuday salaadii cishe iyo taraawiixdii masjid Jaamaca magaalada aniga oo aan wadan wax staff ah.

Way adag tahay in ruux masuul ka ah Somaliland uu magaalada Laascaanood dhex maro isaga oo aan wadan staff, laakin anigu waan ku dhiiraday waayo cid badan oo i garanaysaa may jirin mida kale waxaan aaminsahay inaan wixii qadar ah cidina baajin karin.

No comments:

Post a Comment