7/10/2013

Heshiiska Somaliland iyo Somalia ee hawada

تعبيرات سيد عمر



 



Ka dib burburkii dawladii militarigya ahayd ee Somalia, markii qaramada midoobay soo fara galisay arintii Somalia waxa hawadeediina  la wareegtay qaramada midoobay oo ay uga wakiil ahayd hayad loo sameeyay oo la yidhaahdo CACAS ( Civil aviation care taker authority for Somalia).

Hayadaas oo fadhigeedu Nairobi  noqday ,sidoo kalena dakhligii hawada ee dalkii la isku oran jiray Somalia ay gadhka u qabteen niman Kenyan ah oo wax yar oo sandareero ah kaga soo celiyay dadkii xaqa ulahaa oo aan ka badnayn 5%.


Markii arintii ku socotay dhawr iyo toban sanadood sidaas ayaa waxa bilaabmay wada hadal ay gadh wadeen ka ahayd dawlada Somaliland oo markaas isfaham bilaw ahaa dhex maray wasaaradii boosaha iyo gaadhsiinta ee dawladii sheikh shariif iyo maamulka Puntland.

 

Is fahamkaas oo ku salaysnaa in dakhligaas ka dheexayay umada somaliyeed la soo ceshado oo hawadii la maamusho si kasta oo  la isu khilaafsan yahay .

Waxa la isugu tagay Nairobi iyada oo markii koowaad somalidu u sheegtay qaramada midoobay inay iyagu horta is arkayaan ee ay banaanka uga baxaan.

 

Arintaas markiiba shaki wayn ayay galisay qolooyinkii xuurtada ku haystay hawada dalki Somalia la odhan jiray, laakin mar walba waxay ka rajo qabeen inaan Somali heshiin Karin.

Waxa soo baxday somalidii oo ku heshiisay in hawadoodii ay dib ula soo laabtaan isla markaana  ay samaysanayaa gudi  dhex ah  staring committee oo ka kooban sadexda daraf ee meesha joogay waa puntland,dawlada xamar iyo Somaliland.

 
Gudidaasina ay lix biloodba yeelato gudoomiye wareega oo ay qolo hogaamiso.

Waxa xoogaa la isku qabtay halka ay dagayaan gudidaasi ee laga maamulayo hawada somalida.

Waxa iyana lagu heshiiyay in lix bilood ka dib halkii laba isku raacdo ay noqoto.

Somaliland marnaba arinta ma yaraysan iyada oo xidhiidho diblomaasiyeed la bilawday maamul goboleedka somaliyeed ee puntland si ay ugu qanciso in xaruntu hargaysa noqoto.

 

Dood dheer ka dib reer puntland waxay go’aan sadeen in Hargeisa ku haboon tahay inay marti galiso gudida sadex geesoodka ah ee maamulaysa hawada dalkii Somalia la odhan jiray.

 

Markii ay ogaatay dawlada federaalka Somalia in puntland iyo Somaliland is faham dhex maray waxay ka baxeen hawshii sidaas ku soo bilaabantay, iyaga oo ka wareegay halka qaramdaa midoobay, adeegsanayna awooda sharciyeed ee ay ku leeyihiin qaramada midoobay.

Laakin is waydiintu waxay tahay awoodaasi hore ayay Somali u kala wadi waydaye miyay noqonaysaa xal mise waxay noqnaysaa in wali la sii wado cadaalad daradii iyo boobkii ay ku duntay dawladii somaliya.

 
Intaas ka dib Somaliland waxay joojisay duulimaadyadii qaramada midoobay iyada oo garnaqsi dheer u dirtay beesha caalamka .

Sidaas darteed shalayto qodobka ugu muhiimsan ee ka soo baxay wada hadalka Somaliland iyo Somalia, waa in hawadii Somalilnad iyo Somalia laga maamulo hargaysa , aakhirkiina dawlada Somalia way  garwaaqsatay in arinta hawada lagaga gar helay iyada oo hargaysa ay marti galin doonto maamulida hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia, khayraadkana si siman loo qaybsan doono oo aan cidna la dulmiyi doonin. 


4 comments:

  1. Waa guul soo hoyatay maareeye. waxaanan rajaynayaa ina in horumar la taaban karo ay kusoo kordhin doonto dalka. waxaan rajaynayaa qalabkii loo baahnaa in dalka la keeni doono si hawada loo monitor gareeyo.

    ReplyDelete
  2. runtii waa arrin lagu farxo in Hargeisa mooyee ay meel kale noqon weyday in laga dhigo saldhiga guddidan maaraynaysa hawada somaliland iyo somalia, taasina waxay muu jinaysaa doorka aynu ku leenahay wadanweynihii somalia laisku odhan jiray iyo guud ahaan geeska.
    aad baad ugu mahadsantahay maareeye qoraalkaagan caqiibada leh runtii macluumaad badan baan ka korodhsaday.

    ReplyDelete
  3. Ayaanle maad mahad san tahay

    ReplyDelete