8/18/2013

Madaarka Caasimada


تعبيرات سيد عمر


Qaybta departure ee madaarka 
Shalay oo ay ku beegnayd 17 August 2013 waxa dib loo furay madaarka caasimada ee Egal International Airport oo xidhnaa mudo 15 bilooda.

Waxa la xidhay madaarka 28 May 2012 iyada oo dhamaan hawlihii kala duwanaa iyo shaqaalihiiba intii badnayd loo soo wareejiyay Madaarka Berbera.

Qaybta shrikadaha diyaaraha iyo miisaanka ee madaarka
Madaarka Hargeisa dib u dhiskiisa waxa maal galisay Kuwait fund, oo ku deeqday 10 million oo dolar oo loo kala qaybiyay labada madaar ee Berbera iyo Hargeisa.

Waxa la casriyeeyay dhabada diyaaraduhu ka haadaan oo la dhisay sanadkii 1954 .

Waxa xusid mudan ilaa wakhtigaa la dhisay inaan mar kaliya dayactir ama kordhin midna lagu samayn.

Marka laga tago dhererkeeda oo ahaa 2460 M oo aan u suuro galinayn diyaaradaha waa wayn inay ku dagaan hadana waxa u sii dheeraa googo xad dhaafa oo ay sababtay roobabkii
iyo dayactir la'aantii.
Barxada sugayaasha ee madarka lagu soo kordhiyay


Dhabadaaas ayaa laga qabtay shaqo aad iyo aad u culus sida uu ii sheegay Eng Cabdi salan cali Bakeeri oo ah  Eng khabiira oo mudo afartan sano ah ka soo shaqaynayay madaarada ahna madaxa farsamada garoonka u qaabilsan wasaarada duulista.
garoonka maanta la dhisay wuxuu shaqayn doonaa lixdanka sano ee soo socda hadii ale idmo waa hadii si fican loo ilaaliyo loona dayactiro ayu yidhi Eng Abdi salaan.

Dhabada diyaaradaha ee la dayactiray oo wasiirku kormeerayo
Dhamaan hawsha laga qabtay garoonka waa mid heer caalami gaadhsiisan.
Tusaale ahaan jayga lagu sameeyay garoonka ilaa shaybaadh dibada ah la soo mariyo oo lagu qanco tayadiisa laguma samaynayn.

Waxa xusid mudnaa in madaaarka uu joogay oo uu Enginer ka ahaa Mr Gupta oo khibrad dheeraad ah u leh dhismayaasha madaarada, waana Enginerkii dhisay madaarka caalamiga ah ee Bombay iyo Delhi Airport.

Garoonka waxa kale oo la dayactiray  halka diyaaraduhu ka soo weecdaan iyo halkay istaagaan oo laga kala yidhaahdo ( Taxi way and Apron).

Waxa garoonka ka dhiman in dhererkiisa lagu daro ugu yaraan 1000 M oo kale si dhererkiisu uu u leekaado garoonada caalamiga ah oo diyaarad walba uga dagi karto.

Arintaas oo imikaba u diyaar ah oo si deg deg ah loogu dari doono xukuumaduna balan qaaday.

Waxa jira mashaariic kale oo lagu soo kordhiyay terminalka  oo kala ah sidan hoos ku qoran:

1: Barxada sugayaasha oo ah qayb loogu talo galay dadka sugaya rakaabka soo dagaya
2: Barxada sagootinka oo ah qayb iyana loogu talo galay dadka sagootinaya rakaabka
3: Barxad wayn oo loogu talo galay dad weynaha soo dhawaynaya wufuuda kala duwan

Waxa la sameeyay markii ugu horaysay qayb loogu talo galay rakaabka business class tigidho ah sita ee aan VIP ahayn,iyada oo loo diyaariyay meel gaar ah oo adeeg dheeraad ah ku heli doonaan.

Sidoo kale waxa lagu soo kordhiyay xafiisyo fara badan oo ay isticmaali doonaan qaybaha kala duwan ee maamulka madaarka iyo laba xafiis oo loogu talo galay wararka ee ku kala yaala qaybta dhoofka iyo qaybta soo dagista oo ka jawaabi doona wardoonka iyo cabashada rakaabka.



2 comments:

  1. way fiicantahay in wax la qabto laakin waxa nasiibdaro ah in dadka been loo sheego imakana waxa cadatey in madaarka hargeisa aaney soo fadhiisan Karin diyaradiii awalba berbera fadhisan jirey sida Africanta iyo Juba diyaradahooda waaweyni hadaba hadii aay sidaa tahay maxaa la furey ee aad sheegaysaan.

    ReplyDelete
  2. Qof marka horeba aan kala garanayn dhismaha guriga qiimaha ku baxa iyo madaarka inu isagoon xog rasmi ah haynin uu wax dhaliilo waa waxa dalkeena la hadhay.
    adeer mashruuca marka horeba 2.460 M ayuu ahaa ee muu ahayn madaaar dhamaystiran. markaas intii la galiyay 4.5 si fican ma loo sameeyay ayay ahayd inaad tidaahdo lakin garoon 3.5 kilometer ah oo casri ah hadii lagu dhisi karo 4.5 puntland ayaa dhisan lahayd iyo khatumo. markaas bal war doon inta garoon caalami ah oo dhererkisu yahay 3.5 km dhisi karta adigoo la kaashanaya dadka aqoonta leh ama google.
    lakin hadii ay kula badan tahay 200,000 dolar oo ay kula wayn tahay dhismaha madaarada waxba kama aha millions cidaad doonto soo waydii .\
    wayna fican tahay dhaliishu lakin waa in qofkan wuxu leeyahay aad siisaa waxaanu lahayna aanad saarin taas aya muhiim ah.
    60 sanadood waxba lagama qaban kuwii ka qaban waayayna laguma canbaaraynayn kii ka qabtayna waa la cambaaraynayaa anigu garan maayo arintaas

    ReplyDelete